Muxuu yahay Looxa 3,600 sano jirka ah ee Ciraaq dib loogu celinayo?

Xigashada Sawirka, US IMMIGRATION AND CUSTOMS ENFORCEMENT
Maraykanka ayaa Maanta, oo khamiis ah, Ciraaq ku soo celiyey loox qadiimi ah oo dhoobo ah oo ka tarjumaya qayb ka mid ah qoraallad diimeed ee ugu faca weyn adduunka.
Looxan, oo loo yaqaan Xeerka Riyooyinka Gilgamesh, waa 3,600 sano jir, wuxuuna qayb ka yahay gabayga Sumerian ee dalka Ciraaq.
Hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Waxbarashada, Sayniska iyo Dhaqanka (UNESCO) ayaa Isniintii ku dhawaaqday in Maraykanka uu toddobaadkan ku celin doono dalka Ciraaq.
Ururku wuxuu ku tilmaamay in soo-celinta looxan, oo ay weheliyaan 17,000 oo farshaxan oo kale oo Ciraaq lagu soo celiyey bishii July, "guul muhiim ah oo ka dhan ah ka -ganacsiga sharci -darrada ah ee hantida dhaqanka".
Looxan qadiimiga ah ayaa la rumeysan yahay in laga dhacay madxaf ku yaal Ciraaq intii uu socday dagaalkii gacanka ee 1991, waxaana ka dib "si sharci darro ah".loogu wareejiyay Mareykanka.
Waxaa loo qorsheeynayaa in si rasmi ah loogu wareejiyo xaflad lagu qaban doono machadka Smithsonian ee Washington, DC, khamiista dambe.
"Xatooyada iyo ka ganacsiga sharci darrada ah ee farshaxanka qadiimiga ah ayaa weli ah isha ugu weyn ee maalgelinta kooxaha argagixisada iyo ururrada dambiyada kale ee abaabulan," ayaa lagu yiri warbixinta UNESCO.
Waxay intaas ku dartay in markii kooxda isku magacawday Dawladda Islaamka ay la wareegtay qaybo badan oo ka mid ah Ciraaq iyo Suuriya muddadii u dhexaysay 2014 illaa 2019, goobaha qadiimiga ah ee Ciraaq iyo madxafyada si baahsan loo bililiqaystay.

Xigashada Sawirka, Reuters
Epic of Gilgamesh waa mid ka mid ah 17,000 oo farshaxan oo la bililiqaystay islamarkana Maraykanka uu imika ogolaaday inuu ku celiyo dalka Ciraaq.
Gabayga waa gabaygii ugu qadiimsanaa ee la aqoonsaday, sida khubarada darsa waxyaabaha qadiimiga ah waxaana la qoray 1,500 oo sano ka hor, taariikhduna ku beegan tahay xilligii boqortooyadii Roomaanka.
Waa mid ka mid ah waxyaabihii qadiimiga ahaa ee laga qaaday Ciraaq iyo Bariga Dhexe oo uu soo ururiyey bilyaneer David Green, oo ah milkiilaha silsiladda Farshaxanka Hobby Lobby.
Saraakiisha waxay sheegeen in looxan uu magaalada London ku iibiyay nin ka ganacsada waxyaabaha qadiimiga, sannadkii 2003-dii, ka dibna loo raray Maraykanka oo aan la sheegin waxa ku jiray, ka dibna lagu iibiyey waraaqo been abuur ah.
Looxan ayaa la iibiyey dhowr jeer ka hor inta kooxda Hobby Lobby aysan ku iibsan xaraashkii 2014-kii oo ay ka bixiyeen $1.67 milyan.














