Farshaxaniistayaal dadaalay, oo daaro kireystay

Fanaan Ollie Tobi fanaan Josh Field and qoraa Roland Fischer-Vousden ayaa helay goobo ay ku shaqeeystaan
Qoraalka sawirka, Fanaan Ollie Tobi fanaan Josh Field and qoraa Roland Fischer-Vousden ayaa helay goobo ay ku shaqeeystaan

Kirada guryaha oo sare u sii kacayso ayaa farshaxaniisteyaasha ka saartay magaalooyinka waaweyn, balse haatan milkiilayaasha guryhaa ayaa caawiyinaya sababtoo ah waxa ay ka baqeen in ay qasaaraan oo ay guryahooda kiro u waayaan.

Josh Field iyo Ollie Tobin oo 27 sano jiro ah iyo Roland Fischer-Vousden, oo 28 jir ah, waa saaxibo hami u leh farshaxanka iyo suugaanta.

Sannadkii 2014-kii ka hor inta aysan ka qalin jabinin shahaada heerka koobaad, ayaa waxa ay ogaadeen in ay ka mira dhalin karaa riyooyinkoodii ahaa in ay ka shaqeeyaan farshaxanka.

In la aasaaso xarumo farshaxanka iyo miyuusigga u gaar ayaa waxaa ay u baahantahay meel banaan oo xor ah oo aan buuqa laga dhibsanayn, inta badanna suura gal mahan in goobo noocaas la mid ah laga helo bartamaha magaalooyinka.

"Iskuulada lagu barto suugaanta iyo miyuusigga ayaanan ardaydooda ka caawin karin caqabadaha ay banaanka ku wajahaan marka ay dhameeyaan waxbarshadooda, marka haatan waxaan isku dayeeynaa sidii aan dhismooyinka uga heli lahayn meelo banaan oo aan awoodi karno," ayuu yiri Josh.

Artist Kirsty Harris
Qoraalka sawirka, Farshaxaniiste Kirsty Harris oo ku jirta gudaha istuudiyaheeda oo laga hisgaliyay dhisme ku yaalla Bermondsey, ee koonfur-bari London
Artist Kirsty Harris
Qoraalka sawirka, Kirsty ayaa sheegeeysa in istuudiyaan uu wax badan ka caawiyay

Laba sanno gudohood, dadaal koodii waa uu mira dhalay, sannadkii 2016-kiina waxa ay aasaaseen hay'ad lagu magacaabo SET.

SET ayaa haatan gacan ka siisa sidii ay farshaxaniiste-yaasha, fanaaniinta iyo kuwa dharka naqshadeeyo ay ku heli lahaayen goobo ay hawlahooda ku fushadaan.

.

Waxaana haatan ay ku guuleeysteen in ay kireeyaan dhismihii ugu horreeyay, oo ay ka faa'iideeysteen ilaa 50 farshaxaniiste.

Hadda 2 sanno gudahood waxa ay kireysteen illaa 7 daarood, hawshoodana waxa ay u socotaa si xawli leh.

Dadka ka faa'iiday mashruucan waxaa ka mid ah farshaxaniistayaasha kala Richard Gasper, Kira Freije, Sam Austen iyo Hazel Brill, kuwaas oo horay aanan u haysanin meel ay hibbadooda kusoo bandhigaan.

Mid ka mid ah dadka ka faa'iideeystay dhismaha
Qoraalka sawirka, Mid ka mid ah dadka ka faa'iideeystay dhismaha

Balse wax kasta sida ay u muuqdaan uma qurux badna, waxaa jirta halis daahsoon sida uu ka digayao Andrew teacher oo ah mulkiilaha shirkadda Blackstock Colsulting "Dhismayaal badan ma ahan kuwa bad qaba, farshaxaniistayaasha waxa ay meesha la tagayaan alaabo qaali ah, haddii uu meesha dab ka koco waxaa ka dhalan kara qasaaro badan oo aan laga soo kabsan karin, dhismayaashana ma lahan dhammaan aaladihii iyo agabkii la'isaga difaaci dab kaca".

.

Xigashada Sawirka, SET

London ayaa sannadkii hore qabsatay warbaahinta adduunka markii uu dab weyn ka kacay daar ay dad badan degenyihiin, taas oo aanan ku habboonayn degaan, waxaana sarta Greenfell ku dhintay dad tiro badan.

.

Xigashada Sawirka, SET