Aung San Suu Kyi oo dacwad cusub lagu soo oogay

Xigashada Sawirka, Reuters
Hoggaamiyaha xiran ee Myanmar Aung San Suu Kyi ayaa lagu soo oogay dacwad labaad kaddib markii ay maxkmadda kaga qeybgashay muuqaal toos ah.
Ma kala cadda waxay tahay dacwadda lagu soo oogay maanta.
Aung San Suu Kyi waxaa horraan loogu soo oogay dacwado ah inay jebisay shuruucda soo dejinta iyo dhoofinta badeecadaha iyo inay loo heysato qalab isgaarsiin oo sharci darro ah.
Militariga Myanmar waxay horey u ballan qaadeen inay qaban doonaan doorasho hor leh oo ay xilka baneen doonaan xilli dibadbaxyada ay ka socdaan dalkaas.
Dadka dibadbaxyada dhigaya waxay codsanayaan in lasii daayo Aung San Suu Kyi kadib afgembigii ka dhacay dalkaas koowdii bishan.
Afgambiga ayaa yimid xilli ay sare u kacday xiisadda u dhaxeysa dowladda rayidka ah ee Suu Kyi iyo militariga, taasoo daba socotay natiijadii doorashada ee lagu murmay.
Doorashada oo dhacday bishii November ee sanadkii hore, ayey xisbiga NLD ee Suu Kyi ka heleen kuraas ku filan oo u oggolaanaya inay dowlad dhisaan.
Wararkii ugu dambeeyay
Tan iyo markii ugu horreysay ay shir jaraa'id qabteen militeriga Myanmar kadib afgembigii, afhayeen u hadlay militeriga oo la yiraahdo Jeneraal Zaw Min Tun wuxuu sheegay inay xilka aysan kusii dhegenaani doonin.
Waxay ballanqaadeen in awoodda ay ku wareejin doonaan xisbigii doorashada ku guuleystay.

Xigashada Sawirka, Reuters
Balse ma aysan sheegin xilligga ay awoodda baneen doonaan.
Zaw Min Tun wuxuu sidoo kale ku anddacooday in wax isdaba marin ay harreeyeen doorashooyinkii ka dhacay Myanmar sanadkii lasoo dhaafay isaga aan heynin wax caddeyn ah.
Xagey ku dambeysay Aung San Suu Kyi?
Aung San Suu Kyi ayaa maanta muuqaal kaga qeybgashay maxkamad ku taalla magaalada Nay Pyi Taw, waxaana lagu soo warramay inay ka jawaabtay su'aalo ku saabsan dacwadda.
Waxaana lagu wadaa in maxkamad ay mar kale kasoo hor muuqato 1-da bisha March.
Zaw Min Tun wuxuu sheegay Aung San Suu Kyi lagu hayo gurigeeda si loo ilaaliyo amnigeeda ayna xaaladdeeda caafimaad wanaagsan tahay.
Wuxuu ku eedeeyay dadka dibadbaxyada dhigayo inay wadaan hantadaad iyo dhibaato ka dhan ah laamaha amniga.










