Afgambiga militari ee Myanmar: Min Aung Hlaing, janaraalka xukunka qabsaday

Gen Min Aung Hlaing

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, The 64-year-old general has spent his entire career in the influential military

Min Aung Hlaing wuxuu si caadi ah darajooyin sare uga gaadhay militariga dalka Myanmar ee awoodda badan, laakiin intii uu taliyaha guud ahaa tobankii sano ee lasoo dhaafay wuxuu saameyn weyn ku yeeshay siyaasadda, ka hor inta uusan afgambi xukunka ku qabsanin 1-dii bishan February.

Wuxuu ku guuleystay in uu maamulka militariga sii heysto iyadoo xitaa waddanka Myanmar uu ka dhacay isbaddal dimuqraadiyadeed, hase yeeshee waxaa laga canbaareeyay caalamka, cunaqabateyn ayaana loogu soo rogay sababo la xiriira doorka uu ku leeyahay weerarrada loo geystay qoomiyadaha laga tirada badan yahay.

Xilli uu dalka Myanmar dib ugu laabtay xukun militari oo kuu isaga hoggaaminayo, Min Aung Hlaing wuxuu hadda qorsheynayaa in uu awooddiisa ballaariyo uuna jiheeyo mustaqbalka dhow ee waddankaas.

Sida uu ku gaadhay darajada sare

Janaraalkan 64 jirka ah noloshiisa oo dhan wuxuu kusoo qaatay militariga, oo uu ku biiray isagoo da' yar.

Kaddib markii uu ka qalin jabiyay kulliyadda sharciga ee Jaamacadda Yangon, wuxuu galay macadka difaaca sanadkii 1974-kii. Isku daygii saddexaad ayuu ku helay fursaddaas.

Si uusan filaneynin ayuu ku helay dallacsiin isdaba joog ah, ilaa markii dambe uu 2009 taliye ka noqday laanta lagu magacaabo Qeybta howl-gallada khaaska ah-2.

Myanmar soldiers (file picture)

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Myanmar wuxuu leeyahay milatariga labaad ee ugu awoodda badan Koonfur Bari Aasiya

Muddadii uu xilkan hayay, wuxuu mas'uul ka ahaa howl-galladii ka dhacay waqooyiga-bari ee Myanmar, kuwaasoo sababay barakaca tobannaan kun oo qof oo kasoo qaxay gobollada bari ee Shan iyo Kokang, oo ku teedsan xadka Shiinaha.

Inkastoo ciidamadiisa lagu eedeynayay in ay geysteen falal isugu jira dilal, kufsi iyo gubitaan, Min Aung Hlaing wuu sii dallacayay, bishii August ee sanadkii 2010-kiina wuxuu noqday madaxa howl-wadeennada dowladda.

Hal sano uun kaddib, bishii March, 2011 waxaa loo magacaabay jagada ugu sarreysa militariga, isagoo laga hormariyay janaraallo ka darajo sarreeyay, sidaasna wuxuu ku baddalay Than Shwe oo xilkaas hayay muddo dheer.

Markii uu Min Aung Hlaing noqday taliyaha guud ee militariga, qoraa lagu magacaabo Hla Oo - oo sheegay inay isyaqaanneen waqti dheer - ayaa ku qeexay inuu yahay "nin dagaalyahan ah oo halgan dheer kasoo dhex sameeyay militariga gacanta birta ah leh ee Burma ama Myanmar", laakiin wuxuu sidoo kale ku tilmaamay "aqoonyahan dhaqan fiican".

Saameynta siyaasadda iyo 'xasuuq'

Min Aung Hlaing wuxuu militariga hoggaanka u qabtay xilli uu dalka Myanmar dimuqraadiyad u tallaabsaday sanadkii 2011-kii kaddib tobannaan sano oo ay militariga xukumayeen, laakiin wuxuu sii waday in wali militarigu ay awood lahaadaan.

Saameynta uu siyaasadda ku dhex lahaa iyo sida uu uga dhex muuqday baraha bulshada way sii xoogeysteen halka dowladdana ay hoggaaminayeen xisbiga USDP ee taageerada ka heystay militariga.

Sanadkii 2016-kii, markii ay xisbiga Aung San Suu Kyi ee NLD awoodda qabsadeen, wuxuu u muuqday in uu dhinacooda usoo janjeero, isagoo haweeneydaas kala qeyb gali jiray munaasabadaha.

Min Aung Hlaing shakes hands with National League for Democracy (NLD) party leader Aung San Suu Kyi in December 2015

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Min Aung Hlaing mar wuxuu ku faraxsanaa inuu la shaqeeyo Aung San Suu Kyi

Inkastoo uu isbaddal jiray, wuxuu xaqiijiyay in taliska militariga ay sii heystaan 25% ka mid ah kuraasta baarlamaanka iyo wasiirrada muhiimka ah ee dhinaca amniga la xiriira, halka uu dhanka kalena kasoo horjeeday isku dayadii ay xisbiga NLD ku raadinayeen in wax laga baddalo dastuurka iyo awoodaha militariga.

2016-kii iyo 2017-kii, militariga waxay xoojiyeen howl-gallada ay ciidamada ka sameynayeen gobolka waqooyiga ku yaalla ee Rakhine, oo ay daggan yihiin qoomiyadda muslimiinta Rohingya ee looga tirada badan yahay dalkaas.

Arrintaasi waxay sababtay in dad badan oo muslimiinta Rohingya ah ay ka qaxaan waddanka Myanmar.

Dhinaca caalamka, taliyaha militariga ayaa lagu canbaareeyay in uu mas'uul ka ahaa "xasuuq" lagu eedeeyay ciidanka. Bishii August ee sanadkii 2018-kiina, Golaga Xuquuqda Aaadanaha ee Qaramada Midoobay ayaa yidhi: "Saraakiisha sarsare ee militariga Myanmar, oo uu ku jiro taliyaha guud Min Aung Hlaing, waa in ay baadhitaan ku sameeyaan maxkamadna soo taagaan dadka geystay xasuuqa ka dhacay gobolka bari ee Rakhine, sidoo kalena ay baadhaan dambiyada ka dhanka ah bani'aadannimada ee ka dhacay gobollada Rakhine, Kachin iyo Shan."

Markii ay goluhu soo saareen bayaankooda, shirkadda Facebook ayaa xirtay boggii uu ku lahaa adeeggaas. Waxaa kale oo la xiray ciwaanno ay lahaayeen saraakiil kale oo lagu eedeeyay "in ay xadgudubyo bani'aadannimo ka geysteen dalkaas".

Dowladda Mareykanka ayaa sanadkii 2019-kii labo jeer cunaqabateyn saartay isaga. Mar waxaa lagu eedeeyay inuu door ku lahaa "xasuuq qowmiyadeed" marna waxaa lagu eedeeyay tacaddiyo bani'aadannimo. Sidoo kale bishii July ee sanadkii 2020-kii ayey dowladda UK kusoo rogtay cunaqabateyn.

La wareegista xukunka

Doorashadii guud ee dalkaas ka dhacday bishii November ee sanadkii 2020-kii waxaa si weyn ugu guuleystay xisbiga NLD, laakiin waxaa natiijada dood ka keenay taliska sare ee militariga iyo xisbiga USDP ee ay taageeraan.

Madaxda USDP waxay sheegeen in si weyn loogu shubtay doorashada. Hase yeeshee sheegashadaas waxaa beeniyay guddiga doorashada xilli loo diyaar garoobayay kalfadhiga baarlamaanka 1-dii bishan February.

Soldiers on the road in Nay Pyi Taw, Myanmar, 1 February 2021

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka, Ciidamo ayaa lagu daadiyay waddooyinka caasimadda

Maalmo waxaa socday hadal-heyn ku aaddan in la sameyn rabo afgambi militari. 27-kii bishii January, Min Aung Hlaing wuxuu ku hanjabay "in dastuurka meel la iska dhigi doono ama laga tallaabsan dono, haddii loo hoggaansami waayo", wuxuuna tusaale ahaan usoo qaatay afgambiyo militari oo dhacay sanadihii 1962-kii iyo 1988-kii.

Xafiiskiisa ayaa u muuqday in uu hadalkan ka laabtay 30-kii January, kaddib markii ay sheegeen in warbaahintu ay khalad u fasireen hadalka taliya ee ku saabsanaa dastuurka.

Hase yeeshee, subaxdii ay taariikhdu ahayd 1-dii February, militariga ayaa xabsiga u taxaabay Aung San Suu Kyi, oo xubin sare ka ahayd dowladda, madaxweyne Win Myint iyo hoggaamiyeyaal kale oo sarsare, waxayna ku dhawaaqeen in dalka lagu soo rogay xaalad deg deg ah oo socon doonta hal sano.

Min Aung Hlaing ayaa la wareegay dhammaan howshii dowladda ee socon lahayd muddadaas sanadka ah, wuxuuna aqbalay in doorashada la musuqmaasuqay.

Kulan uu qabtay ayuu ku sheegay in la baadhi doono wax isdaba marinta lagu sameeyay doorashada.

Qorshuhu wuxuu markii hore ahaa in Min Aung Hlaing uu howl-gab noqdo bisha July ee sanadkan, xilligaas oo ay da'diisu noqoneyso 65 sano. Laakiin hadda wuxuu muddada ku kordhistay ugu yaraan hal sano oo uu xukunka heysan doono - lagana yaabo inuu kasii badiyo - maadaama waddanka Myanmar uu u muuqatdo in uu dib ugu laabtay xukun militari.

Xilli uu dalka Myanmar wajahayo mustaqbal mugdi ku jira, oo looga dhawaaay xaalad deg deg ah, wuxuu janaraalkan sii adkeeyay awooddiisa, wuxuuna la wareegay maamulka dalka.

Warbixintan waxaa diyaariyay laanta warqabadka ee BBC-da