Qaramada Midoobay : Xabsiga in ay isaga jirto ayay ahayd Suu Kyi

Xigashada Sawirka, Reuters
Madaxa xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay ee xilku ka sii dhammaanayo ayaa sheegay in ay ahayd in ay is casisho hogaamiyaha Myanmar Aung San Suu Kyi, sababtuna ay tahay dhibaataddii uu milatarigu sannadkii hore u gaystay Muslimiinta laga tirada badan yahay ee Rohingya.
Sayid Racad Al Xuseen ayaa BBC-da u sheegay in ay ka habboonayd in ay xabsiga isaga sii jirto halkii ay ka ansixin lahayd xukunka militariga dalkaas Myamar.
Waxa uu intaas ku daray in isku daygii ay haweenaydaasi ku damacday in ay ciidammada ugu qiil bixiso ay ahaayeen "wax aad "looga qoomamamoodo", Aung San Suu Kyi ayaa horay ugu guulaysatay billadda nabadda ee Nobel Peace loo yaqaanno.
Hadalkiisa ayaa yimid ka dib markii warbixin ay Qaramada Midoobay soo saartay ay sheegtay in ay tahay in maxkamad la soo taago masuuliyiinta milatariga Myanmar maadaama oo ay macquul tahay in ay gaysteen xasuuq.
Intii u dhaxaysay 1989-kii illaa 2010-kii ayay Suu Kyi oo 73 jir ah ayay xabsi guBetween 1989 and 2010, Ms Suu Kyi, 73, spent about 16 years under house arrest by the military government.
Gabadhan ayaa sanadkii 1991-dii ku guuleysatay abaalmarinta nabadda adduunka ee Nobel-ka, iyada oo uu guddiga sheegay in aanan laga xayuubin karin abaalmarintaas.
Gabadhan oo adduunka caan ka ah ayaa lagu heystaa waxa ay uga hadli weysay dhibaatada loo geystay dadka muslimiinta laga tirada badanyahay ee Rohingya, iyada oo xitaa beenisay wararka ku saabsan xasuuqa dadka.







