Milateriga Myanmar oo awoodda la wareegay

Xigashada Sawirka, Reuters
Milateriga Myanmar ayaa la wareegay awoodda dalkaas, kadib markii ay xabsiga u taxaabeen Aung San Suu Kyi oo uu xisbigeeda talada hayo iyo siyaasiyiin kale.
Telefishinka milateriga ayaa sheegay in xaalad degdeg ah Myanmar lagu soo rogay muddo sanad ah.
Afgembiga ayaa kus oo beegmaya kadib markii ay xukuumadda rayidka ah iyo taliska milateriga isku khilaafeen natiijada doorashadii sanadkii hore ka dhacday Myanmar.
Xisbiga NLD ee ay hogaamiso Aung San Suu Kyi, ayaa doorashadii November ka helay kuraasta baarlamaanka in ku filan, si uu u soo dhiso xukuumad cusub, balse ciidamada ayaa sheegay in codeyntaas ay ahayd mid la musuqmaasuqay.
Ciidanka ayaa dowladda ugu baaqay in ay dib u dhigto kalfadhiga baarlmaanka oo lagu waday in uu qabsoomo Isniinta maanta ah.
Afhayeenka xisbiga NLD, Myo Nyunt, ayaa wakaaladda wararka ee Reuters khadka telefoonka ugu sheegay, in Suu Kyi, madaxweyne Win Myint iyo hogaamiyeyaal kale la qabtay, aroornimadii hore ee saaka.
"Waxaan rabaa in aan dadkeena u sheego in aysan falcelin degdeg ah sameyn, waxaana doonayaa in ay sharciga raacaan," ayuu yiri, isagoona intaa ku daray, in uu filayo in isagana la xiri doono.
Weriyaha BBC-da uga soo warrama Koonfur Bari Aasiya, Jonathan Head, ayaa sheegaya, in askar lagu soo daadiyay wadooyinka caasimadda Naypyitaw, iyo magaalada weyn ee Yangon.
Khadadka telefoonka iyo Internetka magaalada Naypyitaw ayaa go'an, sida uu ku soo warramayo weriyaha halkaas uga howlgala BBC-da laanteeda Burmese.
Askarta ayaa sidoo kale tagay guryaha madaxda wasiirada ee gobollo dhowr ah, iyagoona kaxeystay, sidaas waxaa yiri xubnaha qoyska.
Sabtidii, ciidamada qalabka sida ee Myanmar ayaa balanqaaday in ay u hogaansamayaan dastuurka, iyadoo uu jiray walaac laga qabo inay isku diyaarinayeen in ay afgembi sameeyaan.
Waa Tuma Aung San Suu Kyi?

Xigashada Sawirka, EPA
Aung San Suu Kyi, waa gabadha uu dhalay geesiga xuriyadda dalka Myanmar,ee General Aung San.
Waxaa la dilay iyadoo 2-sano jir ah, wax yar uun kahor markii ay Myanmar xuriyadda ka qaadatay gumeystihii Ingiriiska, sanadkii 1948.
Ms Suu Kyi, ayaa mar loo arkayay in ay tahay tusaale u taagan xuquuqda aadanaha, waa qof u ololeysa mabda'a, taas oo ka tanaasushay xuriyaddeeda, si ay ula dagaalanto Jeneraalladii arxanka darnaa ee tobonnaanka sano xukumayay dalka Myanmar.
Sanadkii 1991, ayaa la siiyay abaalmarinta nabadda ee Nobel, xilligaasi oo ay xabsi guri ahayd, waxaana lagu sumtay awoodda dadka aan awooda lahayn.
Ms Suu Kyi, ayaa ku dhawaad 15-sano xabsi ku qaadatay intii u dhaxeysay sanadkii 1989 iyo 2010.
Bishii November, 2015, waxa ay hogaamiye ka noqotay xisbiga National League for Democracy (NLD), kaas oo ku guuleystay doorashadii ugu horreysay ee si furan loogu tartamo ee Myanmar ka dhacda mudoo ku siman 25-sano.
Dastuurka Myanmar, ayaa ka mamnuucaya in ay madaxweyne ka noqoto dalkaas, maadaama ay heysato carruur uu ka dhalay nin ajinabi ah oo aan dalkaas u dhalan. Balse Ms Suu Kyi, oo hadda 75-sano jir ah ayaa dadku ay u arkaan in ay tahay hogaamiyaha saxda ah.










