Idris Khattak: 'Ma garanayo aabbahay halka la geeyey iyo sababta loo xiray'

Xigashada Sawirka, Supplied
Taaliya waaliddiinteeda waxay kala tageen iyada oo carruur ah, kaddibna aabbaheed ayaa daryeel waalidnimo oo dhammeystiran siiyey. Cunta karinta ilaa iyo timaha inuu u hagaajiyo iyo inuu waxbarashadana geeyo.
"Runti waa abba aad u wanaagsan," ayey tiri Taliya oo 20 jir ah. "Aabbahay waa nolasheyda oo dhan, cabsidii oo dhan aabbahay ayaa iga bi'iyey oo isaga ayaan aan ka dugsanayey cabsi oo dhan."
Balse wixii ka dambeeyey bishii November ee la soo dhaafay Taaliya, waxaa soo wajahday cabsidii ugu weyneyd. Idiris Khattak, oo caan ku ah u ololeynta xuquuqda aadanaha, waxaa laga kaxeystay isaga oo gaarigiisa ku dhexjira xilli uu ku sugnaa waqooyiga Pakistan.
Muddo toddoba bilood ah Taaliya aabbaheed halka uu ku sugan yahay wax war kama hayso, iyada oo aan ogeyn sababta loo xiray.
Milatariga Pakistaan ayaa marki dambe shaaca ka qaaday Idris Khattak oo 56 jir ah inuu gacantooda ku jira, iyaga oo sheegay in lagu soo oogayo dacwad la xidhiidha arrima sirdoon.

Xigashada Sawirka, Supplied
Taaliya waxay dooneysay iney tareenka ka raacdo caasimadda Islamabad, halkaasi oo ay wax kabarato, si ay uga qayb gasho shir Karachi ka dhacaya.
Aabbaheed weligii kuma fikirin gabadhiisa iney keligeed iney tareen raaceyso maadaamaa uu marweliba isaga uu geyn jiray goobta waxbarashada maadaamaa uu Pakistan u arko mid aan gabdhaha ammaan u ahayn. "Maalinta la xiri doonana wuxuu iga dalbaday inaan raaco balse iima suuragelin".
"Waxaan dareemayaa inaan dambiila ahay, maalin walba waan ka fakaraa arrintaa. Haaddii aan aabbahay raaci lahaa maalintaas inaan gaariga ku wehlin lahaa xaaladdiisana waan la soco lahaa," ayey tiri.
Markii ugu dambeysay oo ay aabbaheed la hadashay wuxuu u muuqday mid degdegsan naqaskana uu dhibayo, maalmihii u dambeeyeyna taleefankiisa oo ay marar badan wacdayna ay helin.
Wixii intaa ka dambeeyeyna farriimaha loo diro ama wicitaannada Idiris ma ahayn mid ka jawaabo. Gabi ahaanba taleefankiisi hawada ayuu ka baxay, Taaliyana waxaa u billaawday walwal iyo cabsi hor leh.
Warbaahinta iyo shabakadaha wararka ee dalka Pakistan waxay billaabeen iney bogaggooda hore soo dhigaan sawirrada Idiris iyaga oo ka warrama arrinta loo haysto taasoo cabsi hor leh ku abuurtay labada hablood uu Idris dhalay.

Xigashada Sawirka, Supplied
Idiris waxaa kaxeeyey nin dhar shacab xiran oo loo maleynayey inuu ka mid ahaa sirdoonka Pakistan, isgooyska Khyber oo ku yaalla Pakhtunkhwa oo ah halka gurigiisa uu ku yaallay ayeyna ka kaxeysteen.
Laba maalmood kaddibna qof aan la garaneyn ayaa guriga Idiris tagay wuxuuna qaatay Laptob iyo Hard Disk uu isticmaali jiray oo ay xogta ugu badan ee ku jirta ay tahay sawirrada qoyskiisa oo keli ah.
Muddo afar bilood ah wax war ah kama soo kordhin arrinta Idiris. Taaliya iyo walaashed Shumaisa waxay aad uga walwalsan yihiin xaaladda caafimaad ee aabbahood maadaamaa uu cudurka macaanka uu qabo oo ay ka shaki qabaan in dawada macaanka sida la rabay loo siinayo iyo inkale.
Hay'adda Amnesty International oo uu Idiris ugu shaqeynayey cilmi-baadhe waxay sheegtay in Idiris qasab lagu kaxeystay xogagga dowladdana ay kaxeysteen.
"Marwaliba waxaan ka fakarayaa aabba xaaladda uu ku sugan yahay? Waana ogahay aabba inuu naga aamuseen oo uu marwalba nala soo hadli lahaa," ayey tiri Taaliya.

Xigashada Sawirka, Supplied
Sida loo joogaba dadka caanka ah in la waayo dalka Pakistaan taariikh dheer ayey ku leedahay waxayna soo billaabatay 1990-kii xilligaasi oo uu dalka Pakistan ka talinayey General Pervez Musharraf. Inta badan dadka la waayana waxay ahaayeen xubnaha ururka gooni u goosadka gobolka Balochistan iyo dad ka tirsan qowmiyadda Sindhi.
Laamaha sirdoonka ee dalka Pakistan ayaa lagu eedeeyaa iney si adag ay ula dhaqmaan dadka xuquuqda bani-aadamka u ololeeya, wariyeyaasha iyo dadka dowladda mucaarada.
Madaxa Komishiinka madaxa bannaan ee xuquuqda aadanaha Pakitsan (HRCP) , Harris Khalique dadka ay dowladda Pakistan xabsiga dhigtay ee siyaasadda u xiran iney tiradooda kor u dhaafeyso 2,100.
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka X boggan
BBC waxay iskudayday iney dowladda Pakistan jawaab ka hesho balse dowladda dhankeeda wax jawaab ah lagama helin.
Qoyska Idris Khattak iyo dadka u ololeeya xuquuqda aadanaha waxay billaabeen olole ay ku raadinayan cadaadis caalami ah in lagu soo saaro hay'adha dowladda Pakistan ee ay u xiran yihiin dadka ay la midka yihin Idiris ee siyaasadda u xiran, iyaga oo farriimahooda gaarsiiyey Komishiinka Xuquuda Aadanaha ee Qaramada Midoobay iyo Xafiiska arrimaha dibadda iyo barwaaqa sooranka UK iyo hay'ado kale oo caalami ah.










