Gabar timaheeda dartood lagu cunsuriyeeyay

.

Xigashada Sawirka, Kate Williams

Qoraalka sawirka, Ruby waxay subax kasta timaheeda ku habeyn jirtay qiyaastii saacad barkeed, si ay uga dhigto qaab laga oggol yahay iskuulka

Gabar ardayad ah oo dhowr jeer iskuulkeeda looga eryay timaheeda oo badan awgood ayaa dooneysa inay xaqiijiso sidii aysan arrintaasoo kale ugu dhici lahayn ardayda kale ee Iskuullada waddanka UK.

Ruby Williams waxay heshiis ka baxsan maxkamadda ku heshay £8,500 kaddib markii ay qoyskeeda tallaabo sharci ah ka qaadeen maamulka iskuulka ay dhiganeysay oo ku yaalla bariga magaalada London.

Waxaa loo sheegay in timaheeda aysan waafaqsaneyn sharciga labiska ee u yaalla iskuulka, kaasoo dhigaya "in timaha ardayda aysan aad u badnaan karin marka ay fasalka tagayaan".

Maamulka Iskuulka ma aysan aqbalin inay xad gudub dhinaca sharciga ah sameeyeen.

Ruby ayaa idaacadda BBC-da ee Radio 1 u sheegtay inay dooneyso in iskuullada UK ay yeeshaan "nidaam ka fiican midka ay hadda ku dhaqmaan, marka la eegayo labiska ardayda looga baahan yahay inay dugsiga ku imaadaan".

"Waxaan sidoo kale jeclaan lahaa in sheekadan ay kalsooni siiso dadka ka aamusan xaaladaha noocaas oo kale ah", ayey tiri Ruby.

.

Xigashada Sawirka, Ruby Williams

Qoraalka sawirka, Sawirka rasmiga ah ee Ruby looga qaaday iskuulka

Kate Williams, oo ah Ruby hooyadeed ayaa sharciga iskuulka ku aragtay boggooda internet-ka, labo sano ka hor, kaddib markii ugu horreysay ee Ruby laga soo eryay iskuulka, timaheeda dartood.

Ruby, oo hadda 18 jir ah waxay sheegtay in maamulihii iskuulkeeda, Richard Brown, uu u sheegay in timaheeda "ay aad u badnaayeen".

Waxay sheegtay in iskuulkeeda, oo ku yaalla xaafadda Hackney, uu ka cawday in timaheeda ay ardayda kale ka qarinayeen cashirka sabuuradda ku yaalla.

Guddiga maamulka iskuulka ayaa sheegay "in mar walba ay qaddariyaan dhaqannada kala duwan".

"Xubnaha guddiga waxay aad uga xun yihiin in arday ama qoys ay dareemeen in la cunsuriyeeyay", ayaa lagu yiri bayaan uu soo saaray iskuulka, oo nuqul ka mid ah lasoo gaarsiiyay idaacadda BBC-da.

"Ma aqbaleyno in iskuulka uu qof ama koox ku sameeyay fal cunsurinimo ah, xitaa si aan ku talagal ahayn", ayaa lagu daray bayaanka.

Tan iyo markii qoyska Ruby ay sharciga tiigsadeen, maamulka iskuulka ayaa shuruucda labiska iyo timaha ka saaray boggooda internet-ka.

.

Xigashada Sawirka, Kate Williams

Qoraalka sawirka, Ruby timaheeda waxay ahaayeen sidan, markii ugu horreysay ee iskuulka laga soo eryay iyadoo 14 jir ah

Markii ugu horreysay waxaan sheekada Ruby maqalnay sanadkii 2018-kii.

Hay'adda xuquuqda aadanaha iyo sinnaanta ayaa ku howlaneyd sidii ay tallaabo sharci ah uga qaadi lahayd maamulka iskuulka, iyadoo wakiil ka ah Ruby.

Dhowr jeer ayaa sanadihii 10-aad iyo 11-aad ee iskuulka loo eryay timaheeda awgood, iyadoo isku diyaarineysay imtixaankeeda dugsiga sare ee GCSE.

Markii ugu horreysay go'aanka iskuulka wuu argagax galiyay Ruby.

"Run ahaantii ma waxaa dugsiga la iiga eryay maadaama ay timaheyga ku korayaan madaxayga dushiisa?" ayey ku tiri BBC-da.

Ruby timaheeda oo yar

Xigashada Sawirka, Kate Williams

Qoraalka sawirka, Ruby iskuulkeeda wuxuu sawirka fasalka 11-aad u adeegsaday mid laga qaaday xilli ay ku jirtay fasalka 7-aad, markaasna ay timaheeda yaraayeen

Ruby waxay isku aragtay calaamado muujinaya walwal, waxayna dareentay caro iyo ciil badan oo ku saabsan waxa ku dhacay.

Waxay ka walbahaartay in mar walba ay macallimiinteeda kasoo dhex saari jireen ardayda kale ee ay isku fasalka ahaayeen, sababo la xiriira qaabka ay timaheeda u muuqdeen kaliya.

"Waxaan dareemi jiray in mar walba oo aan iskuulka tago anigoo timaheyga ay furan yihiin ay dadka oo dhan mar qura isoo wada eegi jireen", ayey tiri.

Waxaa iskuulka waraaqo usoo diray dhakhtarka qoyska ee Ruby iyo xarumo caafimaad oo kale, waxaana looga digayay inay dhibaato caafimaad kala kulmeyso sharciga uu ku dhaqmo iskuulka.

Laakiin waxaa lagu soo warramay in shaqaalaha iskuulka aysan waligood wax caawinaad ah u sameynin gabadha.

Maamulka iskuulka waxay sheegeen "inaysan wax badan ka hadli karin arrin ku saabsan arday hore".

Different hairstyles Ruby tried

Xigashada Sawirka, Kate Williams/Ruby Williams

Qoraalka sawirka, Ruby waxay qalinjabisay iyadoo timaheeda dib u xireysa, sidoo kalena waxay isku dayday qabaab kala duwan

Ruby waxay isku dayday qaabab badan oo timaha loo hagaajiyo, si ay u waafaqdo sharcga iskuulkeeda.

Waxay ku dayday inay galaanto, taasoo qaadaneysa saacado, islamarkaana uu ku baxayo kharash dhan inta u dhaxeysa £20 ilaa £100, haddii loo tago dadka timaha hagaajiya.

Waxay xitaa isku dayday inay timaheeda gadaal u xirto, si ay u yareyso xajmigooda.

Laakiin qoyskeedu waxay ogaadeen in wax walba oo ay sameeyaan ay kharash ku galayeen, wakhti badanna uu ka galayay, ama xitaa ay khatar galinayeen timaha Ruby.

Kate iyo Ruby

Xigashada Sawirka, Kate Williams

Qoraalka sawirka, Ruby waxay markii dambe YouTube ka baratay sida loo habeeyo timaha

Maalin maalmaha ka mid ah, Ruby waxay meeshii ugu dambeysay ka gaartay markii ay haweeney macallimiinta ka mid ah isku dayday inay taako madaxeeda ugu xirneyd ku xirto timaha Ruby.

"Aad baan u carooday sababtoo ah timaheygu mar walba way bood boodayeen marka la xiro, markii dambena waxaan ku dhahay macallimaddii, timaheyga taakadan way ka weyn yihiin, fadlan ma ii diri kartaa guriga?".

"Maxaan u jarayaa ama u baddalayaa qaabka timaheyga, iyadoo dadka kalena ay timahooda gaarsiisan karaan ilaa sinta, iyo meel kasta oo ay rabaan/".

Ruby waligeedba ma aysan jecleyn qaabka ay u timaheeda u baxaan

Sanadkii 2013-kii waxay billowday inay jilciso marsato, markaasoo ay fasalka toddobaad ka ahayd Iskuulka. Halkii isbuucba labo jeer ayey jilcin jirtay, markiina waxay ku qaadan jirtay ilaa saddex saacadood.

Sidaas timaheeda way ku dhaawacmayeen, laakiin iyadu waxay dooneysay inay isku toosiso kaliya.

.

Xigashada Sawirka, Kate Williams

Qoraalka sawirka, Ruby markii ay saddex jir ahayd way ku faraxsaneyd timaheeda

Kaddib markii ay aragtay dad badan oo ku ceeboobay timahooda dabiiciga ah, way ka deysay jilcisadii, markaasna waxay iskuulka ka ahayd sanadka 8-aad.

Laakiin bishii September ee sanadkii 2016-kii, waxaa laga eryay iskuulka, waxaana loo sheegay in timaheeda ay jabiyeen sharciga iskuulka.

Arrintaas ayaana horseedday inay sharciga tiigsato.

Markii uu kiiskeeda sannado badan dib u dhacay, Ruby iyo qoyskeeda waxay go'aansadeen inay maxkamadda bannaankeeda ku dhameystaan.

Waxay hadda doonayaan in carruurta timaha Ruby oo kale leh aysan dhibaato ka marin sharciyada u yaalla iskuullada.

Waxay ku baaqeen in iskuullada ay 15-ka bisha September ee sanad kasta u aqoonsadaan maalinta timaha weyn ee adduunka, si wacyigalin looga dhigo.

Ruby, Lenny iyo Kate

Xigashada Sawirka, Kate Williams

Qoraalka sawirka, Ruby, hooyadeed Kate iyo aabaheed Lenny, waxay garab ka heleen hay'ad u doodda xuquuqda aadanaha

Ruby, oohadda baraneysa waxbarashadeeda A-levels, oo ay u gashay mac-had kale, ayaa sheegtay inay kalsooni ku dareemeyso timaheeda.

"Aad baan ugu qanacsanahay timaheyga. Waxaan ku faraxsanahay horumarka ay sameeyeen, iyo safarkii aan kasoo maray.

"Waan ku faraxsanahay in timaheyga ay badan yihiin". ayey tiri.