Afrika: "Gabdhaha uurka leh iyo hooyooyiinka da'da yar, maxaa iskuullada loogu diiday"?

Waxbarashada Gabdhaha

Xigashada Sawirka, NurPhoto

"Waa in dadka oo dhan loo ogolaado in ay waxbartaan", ayaa lagu yiri warbixin ay soo saartay hay'adda u dooda xuquuqda aadanaha ee HRW.

Tobannaan kun oo gabdho ah ayaa uur yeesha ama hooyo noqda iyagoo weli ku jira iskuullada hoose ama sare, sida ay hay'adda sheegtay.

Iyadoo la xusayo maalinta caruurta ee Midowga Afrika ayey hay'addu tilmaamtay in loo baahan yahay in sababaha ay ka mid tahay dhibaatada bini-aadamnimo ee caruurta ay wajahaan.

Sida ay hay'adda Qaramada Midoobeey sheegtay, Afrika waxaa ku nool gabdhaha ugu badan ee uurka yeesha iyagoo weli aad u yar.

Sababaha qaar waxaa ka mid ah guurka qasabka ah iyo in dowlado badan oo Afrika ah aysan si dhab ah wax uga qaban arrinta.

"Gabdhaha iyo dumarka da'da yar waxay halis aad u sareysa ugu jiraan kufsi aalaaba sababa uur aysan diyaar u ahayn", ayaa lagu yiri warbixinta.

Soomaaliya ayaa la sheegay in ay ka mid tahay dalalka aysan gabdhaha helin waxbarasho ama iskuullada laga saaro iyagoo yar.

Deeqa Aaden Waqaf oo gabdhaha ka taageerta warbaxarasha ayaa sheegtay in iskuullada laga reebo marka ay uur yeeshaan.

"Sharci kama yaallo bii'ada ay ku dhex noolyihiin, mana aaminsana in haddii gabadha ay uur yeelato ay iskuulka aado", ayey tiri.

waxbarashada Gabdhaha

Xigashada Sawirka, TONY KARUMBA

Deeqa ayaa hadda maamusha iskuul ay dhowaan ka furtay duleedka magaalada Muqdisho oo gabadha ay wax ku bartaan.

"Muddadii iskuulka uu inoo furnaa waxaa na soo maray hal kiis oo ahgabadh la qabay. Waxay ahayd gabar la guursaday oo qoyskeeda ay raali ka ahaayeen in ay iskuulka dhameysato. Iyadoo dugsi sare ah ayey uur yeelatay".

Elin Martinez oo xuquuqda caruurta baaritaan ku sameeya ayaa sheegay: "Afrika oo dhan, tiro argagax leh oo ku kala nool qaaradda ayaa hooyooyiin noqda ka hor inteysan si fiican u caqliyeysan, waxaa ka mid ah kuwa ay xaalad bini'aadamnimo haysato".

"Hooyooyiinka badankooda iskuulka kuma noqdaan sababtoo ah lagama doonayo iskuullada; ama waalidkooda ayaan u ogolaan in ay waxbarashada sii wataan," ayuu hadalka ku daray.

Qoraalka Codka, Shirkadda SOSTEC oo gabdho badan u tababartay barnaamijyo teknolojiyada ah

Deeqa Aadan Waqaf ayaa aaminsan in arrimahaas ay sabab u yihiin dhaqanka. "Haddaan Soomaali nahay, dhaqan ahaan waxaan aaminsannahay in haddii gabadha la guursado ama ay uur yeelato, aysan guriga ka bixin", ayey tiri.

Dalalka qaar ee Afrika ayaa sameystay shuruuc wax looga qabanayo kala soocidda wiilasha iyo gabdhaha, waxaana ka mid ah South Sudan iyo Dr Congo oo ah wadamo uu qalalaase ka jiro.

"Dowlad ahaan, iskuullo ahaan iyo shuruuc ahaan, waa inaan gabdhaha yaryar ee la guursaday ama uurka leh siinnp xuquuq ay wax ku baran karaan", ayey tiri DR Deeqa.

Martinez ayaa ku baaqay in "Dhammaan dowladaha, hay'adaha horumarinta, iyo deeq bixiyayaasha ay xaqiijiyaan in gabdhaha iskuullada ka taga marka ay uurka yeeshaan in la taageero si ay waxbarashada u sii wataan".

"Waa in aan gabdhaha la cidleyn. Waa inaan la faquuqin waxbarashada ee ka dhanka ah gabdhaha uurka yeesha", ayaa lagu dhahay warbixinta hay'adda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch.