''Xadgubyo ayaa lagula kacaa gabdhaha weriyayaasha ah''
Koox suxufiyiin gabdho ah oo cilmi baaris ka sameeyay gobolo kamid ah Soomaaliya ayaa sheegay inay jiraan xadgudubyo lagula kaco gabdhaha weriyayaasha ah ee shaqo doonka ah iyadoo loo shaqeeyayaashu ku xiraan gabdhaha inay gogol dhaaf la sameeyaan si ay shaqo u helaan. Sidoo kale kooxdu waxay ogaatay in sinaan la'aan xaga mushaarka ah uu ka dhex jiro raga iyo gabdhaha suxufiyiinta ah marka ay ka hawlgalayaan xarumaha warbaahinta.
Weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibrahim Maxamad Adan oo saaka ka qaybgalay munaasabad lagu soo bandhigayay cilmi baaristan ayaa waraystay Farxiyo Maxamad Kheyre oo hogaaminaysay daraasadan.