Shan siyaabood oo looga fogaado in aad noqoto saaxiib sun ah iyo sababta ay muhiim u tahay in loo dabaaldego guulaha dadka kale

Xigashada Sawirka, Javier Hirschfeld / BBC
- Author, David Robson*
- Role, Saynisyahan iyo Qoraa
Aadanuhu inta badan ma awooddaan inay gartaan khaladaadkooda. Waxaa laga yaabaa inaan ka cabanno qof kale isla weynidiisa, jaahilnimadiisa, ama nacasnimadiisa, iyadoo aan xitaa tixgelineynin ceebaha weyn ee dabeecadeenu ay xambaarsan tahay.
Bartan indho la'aanta ah waxay ka muuqataa mid kasta oo saaxiibtinimada naga dhaxaysa ah. Annagoon weligii ku talo jirin inaan waxyeello u geysanno, ayaa hadana ficilladayada aan aad looga fiirsan waxay dhaawacaan dadka aan jecelnahay.
Markii aan qorayay dhawaanahan buuggeyga (Shuruucda Isku-xirnaanta) ee ku saabsan cilmi-baarista xiriirka bulshada, waxaan ogaaday in "xiriirada aan hubantida ku fadhin" (dadka xumaan iyo wanaagba isku dhex wada) ay ka waxyeello badan yihiin kuwa danciga xun ee hadalada xun caadeystay, maadaama aysan ayaab lahayn in kuwaasi ay muujiyaan dabeecad aan fiicnayn.
Nasiib wanaag, natiijooyinka cilmi-baarista waxay naga caawin karaan inaan horumarinno istaraatiijiyooyin fudud oo awood leh oo aan ku aqoonsano caadooyinka ugu xun ee aan leenahay isla markaana yareyno waxyeelladooda.
Noqo mid si joogto ah wax u sameeya

Xigashada Sawirka, Javier Hirschfeld/ BBC
Qofna ma jecla inuu ku jiro xaalad hubaal la'aan ah, waxaana xaqiiqo laga dheehan karo sida bani'aadanku uga falceliyaan waxyaabaha xanuujiya.
Archy de Berker iyo asxaabtiisa oo ka tirsan Machadka Neerfaha ee Jaamacadda London ee Ingiriiska, ayaa waydiistay koox dad ah inay ka qayb qaataan ciyaar kumbiyuutar lagu dheelayay taasoo bixinaysay shoog koronto oo khafiif ah mar kasta oo ay helaan mas ku hoos dhuumanayay dhagax malo awaal ah oo kumbiyuutarka ku dhex jiray.
Tijaabadaan oo ay u sameynayeen si ay u ogaadaan bals sida ay dadku uga falceliyaan xaaladdii wax raadinta ee ay ku jireen ayaa waxay soo saartay jawaabo kala duwan, waxaana ay ogaadeen in dadku dareemayeen mararka qaar walwal iyagoo dhididayay ama indhaha waynaynayay.
Yaab, ka qaybgalayaashu waxay soo sheegeen in ay mararka qaar dareemayeen walwal mararkii ay jirtay fursad ah 50% in la helo maska , marka loo eego marar kale oo ay hubanti aheed in masku ku hoos jiro dhagaxa.
Hab-dhaqanka saaxiibada waqtiyada wanaagsan oo keliya ayaa dadka nagu xeeran gelin kara xaalad la mid ah taas.
Daraasadaha lagu baarayo saaxiibtinimada aan la saadaalin karin, saynisyahannadu waxay weydiiyaan ka qaybgalayaasha inay u maleeyaan inay u jeestaan saaxiib si ay talo, faham, ama raallinimo u helaan.
Ka fogow ismoodsiiska ah in lagu dareemayo
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Mid kasta oo naga mid ah wuxuu ku xayiran yahay maskaxdiisa, laakiin waxaan si xad dhaaf ah u qiyaasannaa sida ay dadka kale si fiican ugu akhriyi karaan xaaladdayada dareen, taasoo mararka qaarkood loo yaqaan ismoodsiiska daahfurnaanta.
Tani waxay inta badan dhacdaa marka la galayo wareysiyo shaqo: waxaan u maleyneynaa in dareenka walbahaarka uu ka muuqdo wajiyadayada, laakiin dareemayaasha welwelka ayaa inta badan aad uga adag dadka kale in ay fahmnaan si ka adag inta aan u maleynayno.
Amit Kumar oo ka socda Jaamacadda Texas ee Austin iyo Nicholas Epley oo ka socda Jaamacadda Chicago ayaa ka codsaday koox ka qaybgalayaal ah inay qoraan waraaqo mahadnaq ah oo ay u diraan dadka muhiimka u ah noloshooda. Iyagoo adeegsanayay su'aalo kormeerid ah si ay u cabbiraan rajada qorayaasha waraaqaha iyo falcelinta dadka loo qorayay waraaqaha, cilmi-baarayaashu waxay ogaadeen in aysan filaynin sida hadaladooda wanaagsan uu uga farxiyay dadka ay wax u qoreen. Waxay u maleynayeen in qofka kale horey u ogaa sida ay uga mahadcelinayaan.
U dabaaldeg guusha kuwa kale (oo ku tababaro farxadda wadajirka ah)

Xigashada Sawirka, Javier Hirschfeld / BBC
Dareenka ayaa si la mid ah muhiim u ah marka la wadaago shucuurta togan. laakiin muhiimada farxadda la wadaago ayaa aad u yar inta la yaqaanno.
Feejignaan la'aanta dhinacan ayaa noqotay mid ku qotonta cilmi-baaris saynis.
Markii Shelly Gable oo ka tirsan Jaamacadda California, Santa Barbara, iyo Harry Reis oo ka tirsan Jaamacadda Rochester ee New York ay sameeyeen cilmi baaris nafsiyadeed sanadkii 2010-kii, waxay heleen tiro badan oo ah maqaalo diiradda saaraya dhacdooyinka taban ee nolosha ay ka badan yihiin kuwa diiradda saaraya kuwa togan in ka badan toddobo ilaa hal.
Tani hadda way isbeddelaysaa, iyada oo daraasado badan ay muujinayaan in wada-hadalladayada ku saabsan warka wanaagsan laga yaabo inay muhiim u yihiin sida naxariista horumarinta iyo ilaalinta cilaaqaadka caafimaadka qaba.
Noqo kan ugu horreeya ee raalli gelin codsada
Qof kastaa waa uu khaldaa, balse qayb yar ayaa si xor ah u raalli galiya, taasoo keenta in caradu ku sii jirto xiriirkeena bulshada muddo dheer kadib dembiyada la galay.
Cilmi-baarista nafsiga waxay soo jeedinaysaa in ay jiraan afar caqabadood oo waaweyn oo ka hor istaagaya raalli gelinta si waxtar leh.
tan kowaad ayaa ah in aannan aqoonsan sababta dhibaatada, taas oo raallo gelonta ay noqon doonto mid xanuun badan oo ceeb ah, taas oo keenaysa in raalli gelintu aysan wax badan u qaban doonin hagaajinta xiriirka.
ugu dambeyntiina, waxaa laga yaabaa inaan fahmin waxa raalli gelin wanaagsan tahay, sidaas darteedna, ma oran karno erayada loo baahan yahay si loo bogsado.
Dhibaatada ugu horreysa, oo ah inaanan qaddarin dhibaatada, waxay si cad ugu xiran tahay faahfaahinta khilaafaadka.
Guud ahaan, dadka waxay dareemaan nasasho marka ay wax ka beddelaan khaladaadkooda, waxaana laga yaabaa inaan dib u dhisno buundooyin jabay si ka wanaagsan sidii aan filaynay, ilaa iyo inta raalli gelintu ay si sax ah loo soo bandhigo.
Si aad u hubiso in raalli gelintaada ay waxtar leedahay, waa inaad siiso qofka kale waqti ku filan si uu uga muujiyo xanuunkiisa wixii dhacay. Kadib, waa inaad aqoonsato mas'uuliyadda khaladka, muujiso (si dhab ah) niyad-jab ama murugo, soo jeediso inaad wax ka beddesho, oo aad sharaxdo sida aad uga fogaan doonto inaad khalad la mid ah mar kale samayso.
Xiriir kasta wuu leeyahay kor iyo hoos – taas waa dabeecadda dhaqanka bini'aadamka iyo kakanaanta nolosheena bulshada. Si kastaba ha ahaatee, adigoo raacaya shanta talo ee fudud ee xiriir adag, waxaad si sahlan uga fogaataa khaladaadka ugu badan oo aad hubin kartaa inaad tahay nooca saaxiibka ee aad jeclaan lahayd inaad lahaato.













