Weli ma sii jiraa qorshihii 'Israa'iil-sha weyn' mise waa riyo uun

.

Xigashada Sawirka, twitter/mepei.com

Sacuudiga, Falastiin, Isu-tagga Imaaraadka Carabta, iyo Jaamacadda Carabta ayaa si adag u cambaareeyay baahinta khariidadda muranka dhalisay ee 'Israel-sha Weyn' oo ay soo saartay dowladda Israa'iil.

Khariiddadan, oo lagu shaaciyay barta rasmiga ah ee Israa'iil ee baraha bulshada 6-dii Janaayo, waxaana ka muuqda qaybo ka mid ah Falastiin, Suuriya, Lubnaan, iyo Urdun kuwaas oo ay sheegayso inay ka mid yihiin Israa'iil.

Sacuudiga ayaa ku tilmaamay arrintan tallaabo xagjirnimo ah, wuxuuna sheegay in ficilladan ay muujinayaan hamiga Israa'iil ee ku aaddan inay aragtida gumeysi, taas oo ka keenaysa in ay si furan u weeraraan madax-bannaanida dalal kale isla markaana jebiso sharciga caalamiga ah.

Mas'uuliyiinta Falastiin iyo Urdun ayaa sidoo kale cambaareeyay khariiddadan muranka dhalisay.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Sacuudiga iyo maamulka Falastiiniyiinta ayaa ugu baaqay bulshada caalamka in loo dhug yeesho xadgudubyada Israa'iil.

Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta, Axmed Aboul Gheit, ayaa uga digay bulshada caalamka in ku guuldaraysiga la-tacaalidda ficillada noocan ah uu kicin karo, siina abuuri karo xagjirnimo hor leh.

Waa maxay sheegashada Israa'iil?

deegaannada Israa'iiliyiint la dejiyey

Xigashada Sawirka, Getty Images

Khariiddadan ay baahisay barta rasmiga ah ee baraha bulshada ee Israa'iil ayaa sheegtay in 'Boqortooyada Israa'iil' la aasaasay ku dhawaad 3,000 sano ka hor, iyadoo saddexdii boqor ee ugu horreeyay ay ahaayeen Boqor Saul, Boqor David, iyo Boqor Solomon, kuwaas oo xukumayay wadar ahaan 120 sano. Intii ay xukunka hayeen, dhaqanka, diinta, iyo dhaqaalaha Yuhuudda ayaa si weyn u kobcay.

Qoraalkaas ayaa sida oo kale lagu sheegay in ka dib dhimashadii Boqor Solomon sannadkii 931 BC, khilaafaad gudaha ah iyo canshuurihii badnaa ay horseedeen in boqortooyadii u kala jabto laba qaybood: Boqortooyada Israa'iil ee waqooyiga iyo Boqortooyada Juudha ee koonfurta. Boqortooyada Israa'iil ee waqooyiga ayaa ku hoobatay gacanta Asuuriyiinta 209 sano ka dib (722 BC), halka Boqortooyada Juudha ee koonfurta ay burburtay 345 sano ka dib (568 BC) markii uu weeraray Boqor Nebuchadnezzar ee Babylon.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

"Kala qaybsanaantaas waxay sababtay khilaafaad siyaasadeed oo qarniyo socday, laakiin intii lagu jiray masaafurinta, dadka Yuhuudda ayaa raadinayay soo celinta dowladdooda, taasoo la aasaasay 1948-kii oo noqotay Dawladda Israa'iil, oo maanta ah waddanka keliya ee dimoqraadi ah Bariga Dhexe."

In kasta oo fikradda ah 'Israa'iil Weyn' aysan ahayn wax cusub, waa se aragti ku aroorta boqolaal sano ka hor.

Bishii Janaayo 2024, wareysi lala yeeshay qoraaga Israa'iiliga ah Avi Lipkin ayaa si weyn ugu faafay baraha bulshada, kaas oo uu kaga hadlay fikradda ah 'Israa'iil Weyn'. Wuxuu sheegay "Dhinaca kale ee Wabiga Furaat waxaa jooga Kurdiyiin, kuwaas oo ah saaxiibbadayo. Dabadeena aad dhanka Badda Mediterranean-ka,halkaa hortayada waa Kurdiyaankii... Lubnaan iyana waxay u baahan tahay ilaalinta Israa'iil, waxaana hubaa inaan qabsan doonno Makkah, Madiina, iyo Buurta Sinai si aan u daahirinno goobahaas".

Ka dib howlgallada socda ee Israa'iil ka wadday Lubnaan ka dib Gaza, fikradda ah 'Israa'iil Weyn' ayaa mar kale ku baahday baraha bulshada.

Tani waxay walaac ku abuurtay dadka isticmaala baraha bulshada dalalka Carabta, sababtoo ah khariidadda 'Dhulka Barakaysnaa'.

Waxaana khariiraddan ka muuqda qybo ka mid ah Urdun, Falastiin, Lubnaan, Suuriya, Ciraaq, iyo Masar.

Hawlgallada Israa'iil ee dalalka deriska ah ayaa kordhay tan iyo markii ururka Xamaas ay weerareen Israa'iil 7-dii Oktoobar 2023. Bilihii u dambeeyay, Ciidanka Difaaca Israa'iil ayaa sidoo kale fuliyay weerarro bartilmaameedyo ah oo ka dhacay gudaha Iran, Suuriya, iyo Lubnaan, iyadoo hawlgallada Israa'iil ay maalinba maalinta ka dambeysa sii kordhayaan, kadib markii dadaalladii xabbad-joojinta ee Qaramada Midoobay iyo dalalka Reer Galbeedka, oo uu ku jiro Maraykanku, ay fashilmeen.

Sida uu sheegay Theodor Herzl, oo ahaa aasaasaha Siyonism-ka, khariidadda 'Dhulka La Ballanqaaday' ama 'Israa'iil-sha Weyn' waxay ku fidsan tahay aagga u dhexeeya Webiga Nile ee Masar ilaa Webiga Furaat ee Ciraaq. Taas micnaheedu waa in dalalka Falastiin, Lubnaan, Urdun, Ciraaq, Iran, Suuriya, Masar, Turkiga, iyo Sacuudiga ay sidoo kale noqon doonaan qayb ka mid ah Israa'iil-sha Weyn.

Sannadkii 1947, Qaramada Midoobay waxay ansixisay qorshaha qaybinta Falastiin oo loogu talagalay in lagu abuuro laba dowladood oo kala gaar ah oo Yuhuud iyo Carab kala leeyihiin, iyadoo Qudus loo aqoonsaday magaalo caalami ah.

Kadib arrintan, siyaasiga Israa'iiliga ah ee horey u ahaan jiray Ra'iisul Wasaaraha, Menachem Begin, ayaa sheegay "Qaybinta Falastiin waa sharci-darro. Qudus waxay ahayd oo had iyo jeer ahaan doontaa caasimaddeena, xuduudaha Eretz Israa'iil-na waa la soo celin doonaa weligeed."

Waa maxay falcelinta Reer Galbeedka haddii Israa'iil rabto inay hirgeliso qorshaha 'Israa'iil Weyn'?

.

Xigashada Sawirka, Taqi Nasirat iyo Omar Karim

Dad badan oo ay ka mid tahay Taqi Nussirat oo ah falanqeeye siyaasadeed oo fadhigeedu yahay Washington, oo si dhow ula socota xaaladda Bariga Dhexe. waxay sheegtay in ilaa iyo hadda, Reer Galbeedka, gaar ahaan Maraykanka, uu muujiyay falcelin liidata oo ku aaddan isbeddellada dhabta ah ee ka jira dhulka iyo is-ballaarinta deegaannada Israa'iil.

Waxay na sheegtay "Markii Israa'iil ay bishii hore ansixisay deegaameeyayaal rabshad badan inay dhisaan deegaanno cusub, maamulka Biden wuu cambaareeyay, laakiin si aad u dabacsan".

Taqi Nussirat waxay aaminsan tahay inaysan jirin wax falcelin culus ah oo ka timid waddamada taageersan Israa'iil ee Reer Galbeedka oo tallaabooyinkaas ku aaddan, sidaas darteed waxay aaminsan tahay "Si uun, Israa'iil waxay heshay ku raacsanaan waddamada reer galbeedka ah si ay u hirgeliso riyadeeda 'Israa'iil Weyn'".

Hoggaamiyeyaal saameyn leh oo Israa'iiliyiin ah ayaa si firfircoon ugu hawlan xaqiijinta riyadan.

Si kastaba ha ahaatee, arrintan ku saabsan xaalkan, Omar Karim wuxuu sheegay in hirgelinta Israa'iil Weyn aysan noqon karin mid la aqbali karo, marka laga eego dhanka Reer Galbeedka iyo sidoo kale Yuhuudda ku nool Reer Galbeedka.

Wuxuu yiri "Markii dawladan loo dhisay Yuhuudda sannadkii 1947, fikraddii waqtigaas waxay ahayd in Yuhuuddu ay dulmi kala kulmeen adduunka oo dhan, sidaas darteed waa inay helaan waddan gaar ah oo ay ku noolaadaan iyagoo ka madax bannaan dulmigaas".

Wuxuu intaas ku daray in maanta, Daanta Galbeed iyo Gaza lagu magacaabo dhul la haysto dhammaan waddamada Reer Galbeedka iyo Xeerka Qaramada Midoobay, waana mid ay aqoonsan yihiin Maraykanka iyo Britain.

Omar Karim wuxuu sidoo kale xusay in, marka laga reebo dhulka la haysto, Buuraha Golan, oo Israa'iil qabsatay sannadkii 1967, ay sidoo kale u aqoonsan yihiin dhul la haysto dhammaan waddamada Reer Galbeedka iyo hay'adaha caalamiga ah.

Wuxuu rumeysan yahay in fikradda ah 'Israa'iil Weyn' aysan lahayn wax sharci ah mana laha awood milatari oo ay ku hirgeliso qorshahaan mustaqbalka. Laakiin wuxuu yidhi:

"Haddii Israa'iil isku daydo qorshe sidan oo kale ah, ma suurageli karto iyada oo aan la helin oggolaansho siyaasadeed iyo taageero milatari oo ka timaadda Reer Galbeedka."

Wuxuu aaminsan yahay in fikraddani ay tahay mid mala-awaal ah oo u adeegta kooxaha xagjirka ah, iyagoo ku sii noolaanaya fikirkooda una tusayo inay muhiimad ku dhex leeyihiin bulshada, sida dad gaar ah oo ku sugan Pakistan ay u haystaan fikradda khilaafada iyo xukumidda adduunka.