Mustafe: 50 jirka ay guurkiisa gabdhaha badan diideen, haddase helay gabadh aqbasha

Mustafe iyo xaaskiisa
    • Author, Saleebaan Saxansaxo
    • Role, Weriye

In ka badan labaatan sano ayuu la kulmayey caqabado dhinaca guurka ah, waxa uu ugu dambayn helay haweenay ka aqbashay inuu guursado.

Mustafe, oo ah 50 jir aan lahayn waalid, balse isagu la baxay Mustafe Maxamed Aadan, oo ku nool magaalada Hargeysa, ayaa dabayaaqadii sannadkii dhamaaday ee 2024-ka u ahaa sannad uga duwanaa muddadii uu jiray, madaama uu duruufo adag oo nolosha ah iyo takoor dhinaca guurka ah uu la kulmi jiray in ka badan labaatan sano.

Mustafe, oo la hadlay BBC-da, waxa uu sheegay in toddoba haween ah oo uu la haawaasay, si uu u guursado ay diideen, madaama uu yahay nin aan lahayn waalid oo isaga oo aad u yar laga helay geed hoostii, taasna lagu takooray.

Geeddigii nolosha ee Mustafe

Mustafe waxa uu u sheegay BBC-da, in sannadkii 1975-kii, xaafadda Goljano ee Hargeysa laga helay isaga oo markaas dhashay, ka dibna dadkii xaafaddaas ay geeyeen xaruntii dhalinta kacaanka ee magaalada Hargeysa, halkaas oo uu waxbarashada hoose ilaa dugsiga sare ku dhameeyey. "Waxa ay ahayd goob aan nolol qurux badan ku qaatay, ka hor intii aanay dhicin dagaaladii u dhexeeyey SNM iyo dawladdii Maxamed Siyaad Barre" ayuu yidhi Mustafe.

Mustafe Maxamed, waxa uu intaasi ku daray in markii uu ahaa da'da laba iyo toban jirka uu isweydiiyey waalidkii, ka dib markii uu xaruntaas ku arkay caruur ay goobta ku wada jireen oo maalmaha fasaxyada waalidiintood soo booqanayaan, alaab ay ku ciyaaraana u keenayaan.

"Markii aan 12 jirka ahaa ayaan arkay caruur waalidkood u keenayaan khudaarta iyo waxyaabaha macmacaanka, lana ciyaarayaan, waxaanay caruurtaas ahaayeen dadka danyarta ah ee meesha ku noolaa. Markaas ayaan ku baraarugay oo aan idhi dadkan waatan oo wax loo keenayo ee adiga maxaa helay waalidkaa".

Mustafe, waxa uu sheegay in markaas wixii ka dambeeyey uu bilaabay inuu raadiyo waalidkii, isla markaana uu la hadlay maamulkii xarunta haystay "Ninkii Xarunta maamulaha ka ahaa ayaan toos ugu tegay, waxa aan ku idhi aaway dadkaygii, ka dib fayl ayuu ii soo saaray, oo wuxuu igu yidhi afartaas oday ayaa ku keenay, odayaashiina waxay ii sheegay in xilli saalad subax ah geed hoostii la iga helay"

Mustafe, waxa uu tilmaamay, inkasta oo aanu helin daryeel waalidnimo, haddana in uu nolol qurux badan ku soo qaatay xaruntii dhallinta kacaanka ee Magaalada Hargeysa, halkaas oo uu ka helay daryeel dhamaystiran iyo waxbarasho bilaash ah, ka hor intii aanay Hargeysa ka qarxin dagaaladii u dhexeeyey Jabhadii SNM iyo dawladdii milateriga ee Maxamed Siyaad Barre dabayaaqadii sideetamaadkii.

"Meeshii waanu ku kala cararnay, aniguna waxa aan u cararay Jabuuti, halkaas oo duruufo nololeed igu heleen, madaama aan ahaa qof aan waalid haysan, aadna u da'yaraa. " ayuu intaas raaciyey Mustafe

Waxa uu sheegay Musfate, in uu Hargeysa ku soo laabtay sannadkii 1998-kii, dhibaato badan oo uu la soo kulmay ka dib, isla markaana uu halkaas ka bilaabay meherad yar oo ganacsi, oo noloshiisa ku tiirsanayd, taas oo markii dambe musalaftay.

sannadkii 2002-dii ayuu shaqo waardiye ka bilaabay Xarunta beerta Xoriyadda ee Magaalada Hargeysa, halkaas oo uu ilaa maanta waardiye ka yahay.

Mustafe iyo xaaskiisa

Caqabadihii uu la kulmay dhawr jeer oo uu isku dayey inuu guursado

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Mustafe, waxa uu BBC-da, u sheegay in toddoba gabadhood, oo uu muddo 20 sanno ku dhow mid walba wakhtiyo kala duwan la sheekaystay, guurna u soo bandhigay, ay ugu dambayntii ay kala hadheen, markii uu u sheegay inuu yahay nin aan Aabo, Hooyo iyo ehelba lahayn.

"Waxaan wada sheekaysanay ilaa toddoba gabadhood oo aan isjeclaanay, oo tan ugu badan aanu sagaal bilood sheekaysanay, way i diidaan marka aan u sheego in aanan lahayn waalid iyo ehelba, waxay igu yidhaahdaan 'aan reerkayga ku noqdo', dibna uma arko oo way iga boodi jireen".

Mar uu sharaxayey sababaha ay u diideen haweenkan, waxa uu yidhi "Waxay igu yidhaahdaan 'marka aad reerkayga u imanayso yaa ku soo raacaya, haddii aad xanuunsato yaa ku imanaya' iyo waxyaabo la mid ah"

Mid ka mid ah toddobada hablood ayuu sheegay Mustafe Maxamed in ay jeclaatay oo isla ogolaadeen guur iyada, balse ay dhibaato kala kulantay qoyskooda oo diiday in ay nolosha la wadaagto nin aan waalid lahayn, markii ay ku adkaysatayna ay qoyskoodu dayriyeen, kuna khasbeen in aan kala hadhno. "Inantaas reerkooda ayaa dayriyey, waxay ku yidhaahdeen 'ha na ceebayn nin aan la garanayn ha noo keenin, haddii uu dhibaato kuu geysto yaanu u raacaynaa' ayey ku yidhaahdeen".

Caqabadaha uu la kulmay Mustafe, maaha oo keliya kuwa dhinaca guurka ah, sidoo kale waxa uu tibaaxay in ay jiraan caqabado uu bulshada kala kulmay "Dhibaato badan oo takoor ah bulshada waan kala kulmi jiray, oo waxay odhan jireen Aabo iyo Hooyo malaha, haddana dheg uma dhigi jirin. Waxaan ku odhan jiray waan ku farxsanahay".

Mustafe iyo xaaskiisa

Sidee buu uga baxay caqabadii ka haystay guurka

in ka badan labaatan sanno, oo uu la kulmayey caqabad dhinaca guurka ahi iyo diidmo uu kala kulmi jiray hablaha uu calmado, waxa uu sheegay Mustafe Maxamed Aadan in sanadkii dhamaaday uu ahaa mid uga duwan sannadihii hore ee noloshiisa, madaama uu muddo dheer ka dib bishii Nofambar ee sannadkii hore ay is barteen Gabadh lagu magacaabo Gudoon Xasan Faarax, oo 19 jir ah, isla markaana ay is guursadeen 14 Disambar ee 2024-ka.

isaga oo arrinta ka hadlaya waxa uu yidhi "Waxay u dhacday si lama filaan ah, waxa aan u baxay khuruuj oo waxa aan raacay Tabliiqiyiinta, mid ka mid ah culimadaas ayaan u sheegay caqabad iga haysta guurka, ka dib gabadhan aan imika guursaday ayuu i baray, reerkooduna wuu iga aqbalay guurkii aan u soo bandhigay".

Mustafe oo BBC-du weydiisay maadaama ay toddoba haween ahi hore uga diideen guur uu u soo bandhigay sida uu ugu qanciyey gabadha uu guursaday, waxa uu yidhi "Waxaan ugu qanciyey, markii hore wakhti ayaan geliyey in aan iyada ku qanciyo guurkii aan u soo bandhigay markii ay ogolaatayna, reerkooda ayaan la hadlay, runtiina waxa aanan filayn ayaan kala kulmay oo ka duwan dhibaatadii aan kala kulmay waalidiintii hore. Aabaheed ayaan la hadlay, si fiican ayuu ii soo dhaweeyey, wuxuu igu yidhi haddii aad kafaalo qaadaysid oo aad dhaqanaysid, waan kugu ducaynaynaa, sidii ayuu Ilaahay nagaga aqbalay oo aan ku guursaday gabadhan, dhibaatadii muddada i haystayna kaga baxay".

Mustafe kaliya maahee waxaa jira dad iyaguna xaaladaas oo kale wajahaya, laakinse aan jeclayn in ay si furan uga sheekeeyaan oo bulshada la wadaagaan ayagoo ka cabsi qaba in la takooro.