Maxaad ka taqaan faa'iidooyinka socodka marka cuntada la cuno ka dib

Xigashada Sawirka, Getty Images
Qalanjada filimada ee dalka Canada ahna cunto kariye, Mairlyn Smith, ayaa dhawaan daboolka kaga qaadday barta TikTok in ayada iyo saygeeda ay lugeeyaan markii ay casheeyaan, si ay u sii daayaan gaaska caloosha ku jira.
Smith ayaa ugu yeertay socodkaas "socodkii gaaska", taaso ah kalmad aad uga caan baxday baraha bulshada.
Ujeeddada socodka ayaa ah in laga shaqaysiiyo hanaanka dheefshiidka, dibirada oo la yareeyo, iyo in la sii daayo gaasaska dhibka badan, ama laga fogaado dareenka ah in caloosha aad looga buuxiyo raashin fariista.
Laakinse saynisku miyuu caddaynayaa faa'iidada socodku leeyahay marka la cunteeyo ka dib.
Sidee buu haddaba fahamkeenna hanaanka dheefshiidka iyo xanuunnada nooga caawin karaa in aan ogaanno qaabab lagula dagaali karo dareenka ah in calooshu buuxdo ayadoo jimicsi la samaynayo?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Marka hore aan muhiimadda siino waxa dhaca ka dib marka ay calooshu buuxsanto ee aad cunto badan cunto.
Xaaladdu waxay isku bedbedeli kartaa hadba inta ay le'eg tahay da'da qofka, culayskiisa iyo dhaqankiisa wax cunidda.
Marka caloosha laga buuxiyo cunno culus, waxay billowdaa in ay gariirto sida qasaaladda dharka lagu dhaqo.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Waa hanaan madaxbanaan oo si iskiis ah u shaqeeya ayadoo qofku uusan xukumin.
Tusaale ahaan, miyaad samayn kartaa adigu garaaca wadnahaaga, mise dhaqaajin kartaa mindhicirkaaga? Hanaankaas madaxa banaan ayaa loo qaybiyaa laba qaybood.
Hanaanka dareen-wadka wuxuu koontaroolaa kor u kaca iyo hoos u dhaca garaaca wadnaha, iy cadaadiska dhiigga, taasoo kuu saamaxaysa in aad is difaacdo ama aad cararto haddii ay lagama maarmaan noqoto.
Dhanka kale, hanaanka dareen-wadka ayaa ah mid maskaxda ku xira laf dhabarta, taasoo koontaroosha dhaqdhaqaaqa dheefshiidka.
Waxay bilaabataa marka aad u diyaargarowdo in cuntadii aad calalisay ay u beddelanto dareere, oo nafaqada oo dhanna ay dhiigga gasho.
Markaa ka dib waxay sii daayaan wasakh iyo gaas u samaysan qaab saxaro ah.
Si taa loo gaaro, dareenwadayaasha maskaxda ku xira laf dhabarta waxay sidoo kale caawiyaan mindhicirka weyn, waxayna sabab u yihiin dheecaanka dheefshiidka in la sii daayo, dheecaankaas oo ay ku jiraan maaddooyin u kala jajabinaya kaarbohaydarayt, dufan iyo borotiin, kana dhigaya molekiyuullo yaryar oo si sahlan uu jirku u qaadan karo.
Waxay kaloo kicisaa murqaha gidaarrada mindhicirka, taasoo saamaxaysa in cunnadii la ruugay ay hore u socoto.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Maxaa sababa gaaska aadka u badan?
Gaaska ku dhex wareega mindhicirrada ayaa sababa in calooshu buuxsanto, wuxuuna keenaa in qofku dhibsado.
Cunnada maaddada Fibre-ka leh iyo kuwa ay ku jiraan kaarbohaydareyt, sida fibre-ka laga helo dhirta ayaa sababi kara in gaas uu samaysmo, kaasoo calool xanuun keeni kara.
Cabitaannada gaaska leh iyo cunnada degdegta loo cuno ayaa iyagana xaaladahas oo kale abuuri kara.
Cilmi baaris lagu sameeyey jimicsiga iyo mindhicirrada ayaa muujiyey natiijooyin kala duwan.
Tusaale ahaan marka uu xirmo marinka saxarada, fibre-ka la cuno ayaa muhiim ah , laakinse jimicsiga wuxuu sare u qaadaa waxtarka marinka saxarada.
Tusaale ahaan, socodka joogtada ah ama rucleynta ayaa lagu taliyey, baaritaannada jimicsigana waxay muujinayaan in faa'iido ay ku jirto, walow loo baahan yahay baaris dheeraad ah.
Gaaska Mindhicirka
Mid ka mid ah baaritaannada ayaa lagu ogaaday in astaamaha gaaska mindhicirka ay ka sarreeyaan kana tiro badan yihiin xilliga nasashada marka la barbar dhigo jimicsiga.
Daraasad kale ayaa lagu sameeyey saamaynta uu jimicsigu ku leeyahay dibirada. Waxaa lagu ogaaday in socodka masaafada dheer (oo lagu daray jimicsi aan xoog badan lahayn laakinse wakhti dheer soconaya) ay iyaguna astaamahaas sameeyaan.
Calaamadaha gaaska mindhicirka waxay ku badan yihiin cayaartoyda sida xanuun bogga ka qabta iyo shuban qabta marka ay ordayaan.
Marka laga yimaado caloosha baxaysa, jimicsiga xoogga leh ayaa sababa astaamaha caloosha oo aan raashinka si fiican u shiidin, lallabbo, xanuunnada bogga ee ka dhasha hoos u dhaca qulqulka dhiigga ee mindhicirka, halkaasoo dhiigga loo weeciyo murqaha.
Inkastoo aan xilligan la hayn jawaab cad ama talo jeedin, la yaab ma leh in la eego oo la tixgeliyo suurtagalnimada jimicsi khafiif ah sida socodka, si loo eego inuu hoos u dhigi karo calaamadaha ay dibiradu ka midka tahay.
Waxtarka la ogyahay ee xagga caafimaadka sida in ay yareeyaan khatarta cudurrada wadnaha iyo miisaan dhimidda ayaa ayagana ah faa'iidooyin kale oo dheeraad ah.













