Faa’iidooyinka laga helo cunidda koostada

Canjeero

Xigashada Sawirka, Getty Images

Koostadu waxay ka mid tahay bahda la isku yiraahdo Chenopodiaceae, oo uu ku jiro beytraafka iyo calleemo kale oo cagaaran oo sida koostada oo kale ah.

Khudraddaas oo kale ayay u dhadhan ektahay. Waxaana jira saddex nooc oo koostada ah: Kuwo calleentoodu adag tahay, yara adag tahay iyo kuwo jilicsan.

Koostada oo afka Ingiriiska lagu yiraahdo (spinach) ayaa waxaa laga cunaa qeybo badan oo Soomaaliya ka tirsan. Dadka qaar ayaa ku cuna canjeerada amaba soorta, waxaana loo kariyaa siyaabo kala duwan.

Inkastoo khudradda cagaaran sida koostada ay dhaqaatiirtu ku taliyaan inaan aad loo karin si aysan uga lumin nafaqada, haddana dad badan ayaa aad u bisleeya iyagoo ku dhex kariya khudrad kale sida baradhada iyo karootada.

Nafaqada ku jirta koostada

Koostada

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qiyaastii 80g (oo koosto cayriin ah) waxaa ku jira:

  • 20kcal/82KJ
  • 2.2g borotiin
  • 0.6g dufan
  • 1.3g karbohaydarayt
  • 2.2g fayber
  • 136mg calcium
  • 1.68mg bir
  • 91mcg folate
  • 21mg vit C

Tobanka faa’iido ee koostada

koostada

Xigashada Sawirka, Getty Images

1. Waxay joogteyn kartaa aragga fiican

Koostadu waxyaabo badan oo fiican baa ka buuxa, waxayna qani ku tahay maaddooyinka chlorophyll iyo carotenoids. Sidoo kale waxay ka hortagaan sunta, maaddooyinkaas dhirta waxay muhiim u yihiin caafimaadka aragga, iyagoo gacan ka geysta yareynta dhibaatooyinka aragga.

2. Waxay sare u qaadi kartaa tamarta

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Koostada ayaa in muddo ah loo yaqaannay dhir soo celisa tamarta, sare u qaadda firfircoonida iyo tayada dhiigga. Sababo fiican ayaa jira oo arrintan taageeraya, waxaana ka mid ah birta ku jirta. Birtu waxay door wyen ka cayaartaa shaqada dhiigga cas, iyadoo gacan ka geysata inay oksojiinka gaarsiiso jirka ayna caawiso soo saaridda tamarta.

Koostada waxaa sidoo kale ku jirta maaddada oxalic acid, oo naga caawisa nuugidda birta. In si khafiif ah amaba aad loo kariyo ayaana hoos u dhigi karta saameyntan.

3. Waxay gacan ka geysan kartaa caafimaadka wadnaha

Koostada, sida beytraafka, waxay qani ku tahay maaddooyinka loo yaqaanno nitrates; kuwan waxay gacan ka geystaan sare u qaadidda qulqulka dhiigga waxayna hoos u dhigaan cadaadiska dhiigga iyagoo nafis ka dhigaya xiidmaha dhiigga, yareynaya cadaadiska halbowleyaasha. Yareynta dhiigkarka ayaa wax ka qaban karta yareynta khatarta xanuunnada wadnaha. Daraasado ayaa soo jeedinaya in cunnooyinka qaniga ku ah nitrate – gaar ahaan calleemaha cagaaran sida koostada – ayaa sidoo kale keeni kara inaad ka badbaaddo wadno-istaagga.

4. Waxay lafaha ka dhigi kartaa kuwo adag

Koostadu waxaa ka buuxa vitamin K, sidoo kalena waxaa ku jirta maaddada lafaha u fiican ee magnesium, calcium iyo phosphorus.

5. Waxay la dagaallami kartaa kansarka

Cunnooyinka ay khudraddu ku badan tahay, sida kuwa cagaaran oo koostadu ka mid tahay, waxay leeyihiin saameyn difaac waxayna yareyn karaan khatarta kansarka. Tan waxaa sabab u ah inay ka buuxaan maaddooyinka polyphenols. Waana kuwan, iyo fitamiinno kale, sababta ay ugu jiraan waxyaabaha ka hortaga kansarka ee ku jira koostada.

Koostada

Xigashada Sawirka, Getty Images

6. Waxaa ku jira maaddooyinka sunta ka hortaga

Qiimaha maaddooyinka dhirta, sida kuwa koostada, waa inay jirka ka caawiyaan ka hortagga saameynta waxyeellada leh ee sumowga. Muddo kaddib, suntan waxaa ka dhalan kara xaalado da’da la xiriira sida cudurrada wadnaha iyo kansar.

7. Waa il muhiim ah oo laga helo fiber

Koostada waxaa ka buuxda maaddada fiber. Waxay maaddadan dedejisaa inay jirka soo dhaafaan wasakhda kasoo hartay cunnada ee mindhicirrada ku jira, waxayna sidoo kale caawisaa caafimaadka caloosheenna iyo difaaceenna jirka.

8. Waxay xakameysaa miisaanka

Maadooyinka Phytochemicals iyo walxaha dhireed ee ku jira koostada waxay gacan ka geysan karaan yareynta qaadashada cunnada iyagoo kicinaya hoormoonnada.

9. Waxay hoos u dhigi kartaa saameynta cunnada ay dufantu ku badan tahay

Tijaabooyin lagu sameeyay xayawaannada ayaa lagu ogaaday in qaadashada badan ee koostada ay yareyn karto saameynta daran ee cunnada ay dufantu ku badan tahay iyo in kolostarool uu ku bato beerka.

10. Waxay caawin kartaa caafimaadka maskaxda

Koostada waxaa ku jira maaddooyin ka hortaga isku buuqa, waxaana la ogaaday inay hoos u dhigto hoormoonka isku buuqa. Maaddaama tijaabadan lagu sameeyay xayawaannada, waxaa loo baahan yahay daraasado dheeraad ah oo lagu ogaan karo in sidoo kale bani’aadamka uu faa’iido ka helayo.

Koostadu qof walba miyay u fiican tahay?

Koostada

Xigashada Sawirka, Getty Images

Inteenna badan, koostadu way inoo fiican tahay waana cunno nafaqo badan oo aan ku darsan karno cunnooyinka aan maalinlaha u cunno. Si kastaba, waxaa jira dadka qaar oo ay tahay inay ka taxadaraan.

Maaddaama ay ku badan tahay maaddooyinka oxalates, koostadu uma fiicna dadka taariikhda u leh dhagaxaanta kilyaha ee oxalate ay ku jirto.

Dadka qaata dawooyinka khafiifiya dhiigga, sida warfarin, ayaa lagula talinayaa inay ka digtoonaadaan in koostadu uu ku jiro vitamin K.

Caadi ahaan, talada la siinayo dadka dawooyinka qaata, ayaa ah inay iska hubiyaan qaadashada fitamiinkan ayna dhaqtarkooda la tashadaan kahor inta aysan isbeddel ku sameyn cunnadooda.