Dowlad la dagaallamaysa dhaqan la mid ah kan laga sameeyo aroosyada Soomaalida

Nigeria

Xigashada Sawirka, Getty Images

Sida ay dad badan aaminsan yihiin waax dhan ama qayb aasaasi ah oo ka mid ah dabaaldegyada arooska ee dad badan oo reer Nigeria ah ay samayn jireen ayaa khatar waajahaya muddooyinkan dambe.

Waxa uu ahaan jirey dabbaaldeggani mid si xiiso leh loo sugo xilliga uu dhacayo.

Si gaar ah, waana xilliga caruuska iyo caruusaddu ay bilaabaan in ay wada ciyaaraan, xilligaas oo martiduna inta ay dhankooda u soo dareeraan ay lacag ku kor daadiyaan.

Waana xilli muujinaya lammaane faraxsan iyo waraaqo lacago ah oo korkooda heehaabaya.

Lacagta caddaanka ah ayaa kolka ay dhulka ku dhacdo, marka la uruuriyo waxaa isticmaala oo iska leh lammaanaha arooska ah, kuwaas oo ku iibsada hadyado ama iskaga bixiya kharashka xafladda.

"Ma qiyaasi karo ka qaybgalka munaasabad aanan lammaanaha ku daadin lacag. Waxay u ekaan doontaa inaadan qaddarin oo aanad jeclayn kuwa dabaaldegaya, haddii aanad sidaa samayn” ayuu BBC u sheegay mid ka mid ah martida aroos dhawaan ka dhacay magaalada Kano ee woqooyiga Nigeria.

Mid ka mid ah dadka loo xidhay kiiskan

Xigashada Sawirka, EFC

Dhibka jira ayaa ah in dawladdu ay bilawday in ay joojiso lacagta la daadiyo xilliga aroosyada iyo xafladaha, taas oo keentay in xataa dad caan ahaa hawshan loo xidho.

Waxa laga yaabaa in ay u muuqato in ay tahay fal fool xun oo lagu beegsanayo qof aan waxba galabsan laakiin Nigeria arrintan oo dadku ay aad u jecelyihiin waxa ay noqotay dambi: iyo ku xad-gudubka lacagta dalka, ee loo yaqaan naira.

Xeerka Bangiga Dhexe ee Nigeria ee 2007 waa mid aan mugdi ku jirin. "Si looga fogaado shaki," waxa uu xeerkani sheegayaa, "ku buufinta ama ku daadinta xilliyada qoob-ka-ciyaarka ee lacagta naira ama waraaq lacageed kasta oo uu soo saaro Bangigu inta lagu jiro munaasabadaha bulshada waxay noqon kartaa xadgudub".

Ciqaabtu waa wax aan ka yarayn lix bilood oo xadhig ah ama ganaax gaadhsiisan 50,000 naira ($36; £29), ama labadaba. Ganaaxa ayaa la dajiyay sanadkii 2007-dii.

Tan iyo xilligaas 2007-dii qodobkan ayaa si weyn la isaga indhatiray ilaa dhowaan markii hay'adda la-dagaallanka dambiyada, Guddiga Dambiyada Dhaqaalaha iyo Maaliyadda (EFCC), ay sheegeen in ay bilaabayaan olole ka dhan ah "dhammaan noocyada xadgudubka ee naira".

Saraakiisha ayaa xilligaas sheegay daadinta lacagtan xilliga xafladaha ay noqon doonto ‘xad gudub’

Falanqeeyayaasha qaar ayaa sheegaya in madaxa dhawaan loo magacaabay EFCC, Ola Olukoyede, uu isku dayayay in uu magac iyo sumcad ka sameeyo isqabqabsigan oo abuuraya hadalhayn badan.

Bishii Febraayo, aktaradda aflaamta jisha ee lagu magacaabo Oluwadarasimi Omoseyin ayaa lagu xukumay lix bilood kadib markii ay lacag ku kor daadisay qof sida oo kalena ku istaagtay markii ay dhulka ku dhacday lacag Naira ah.

Nigeria

Xigashada Sawirka, Getty Images

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Bishii hore, mid ka mid ah dadka ugu caansan Nigeria, shakhsiyadda caanka ah ee loo yaqaan Bobrisky ayaa qiratay afar dambi oo ah inay ku takrifashay lacagta, waxaana hadda ay gudnaysaa xukunkii ku dhacay oo xabsiga ayay ku jirtaa.

Bobrisky waxaa la arkay muuqaallo ay daadinayso lacag kala duwan xilli ay ku sugnayd munaasibado kala duwan habkaas oo ay ka wadday mahadcelin ahaan.

Hay’addu waxay sheegtay in 200 oo qof oo ku nool dalka oo dhan ay wajahayaan maxkamad, halka 24 qofna horay loo xukumay, kuwaas oo dhammaantood kuu eedaysan ku takrifal lacageed.

Cadho ka kacday xidhitaanka dadkan ayaa dad badan oo reer Nigeria ah waxa ay Baraha Bulshada ku faafiyeen muuqaallo farabadan oo ay daadinayaan lacago sida oo kalena afuufayaan, taas oo dawladdu kaga falcelisay in aanay soo xidhi Karin qof kasta.

Waxaa se ay u muuqataa in ay dadka ku adkaatay luminta dhaqankan soo jireenka ah.

Kaddib markii ay soo korodhay arrintan xidhidtaanku, dadka lacagta daadiya ama firdhiya xilliga xafladaha la joogo in ay dadka weydiistaan in aan la duubin, ama ay aayar ooh oose ay jeebka u geliyaan caruuska iyo caruusadda.

Halka dadka hantida haysta ee taajiriinta reer Nigeria, ay sameeyeen qorshe kale – kaas oo ah in ay hadda ku daadiyaan lacagta doollarka, pounds ama euros-ka iyaga oo aan ka baqeynin in dacwad lagu soo oogo, maadaama sharcigan uu qabanayo oo kaliya naira.