Dhegeyso: Beesha deegaanka Hawd ee Itoobiya oo colaaddii Dacawaley in nabad lagu dhameeyo ku baaqday

Qoraalka Codka, Laanqayr

Beesha degta deegaanka Dacawaley ayaa kulan ay ku yeesheen Laanqayr oo ka tirsan degmada Xarshin kaga baaqay in colaaddii deegaankaas ka dhacday lagu dhameeyo qaab nabadeed.

Ugaas Naasir Maxamed Xasan Qaalib oo BBC u sheegay inuu yahay guddoomiyaha beesha degta Hawd ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan gogol nabadeed oo madaxweynaha DDS uu fidinayo.

Faarax Lamaane ayuu uga warramay qaabka ay doonayaan inay arrinta u wajahaan iyo wixii lagu guddoonsaday kulankii ka dhacay Laanqayr.