Qofkii afaraad oo loo maleynayo in laga daweeyay HIV

Fayraska HIV ayaa weerara unugyada cad ee dhiigga

Xigashada Sawirka, Getty Images

Nin la noolaa HIV tan iyo dabayaaqadii 1980-meeyadii ayaa u muuqda in laga daweeyay isagoo noqonaya keliya qofkii afaraad, sida ay dhaqaatiirtu sheegeen.

Waxaa lagu tallaalay dhuux si looga daweeyo kansarka dhiigga ee leukaemia, dhuuxa ayaa laga soo qaaday bukaan si dabiici ah adkeysi ugu leh fayraska.

Ninkan 66 sano jirka ah, oo aan dooneyn in magaciisa la sheego, ayaa joojiyay qaadashada daawada HIV.

Wuxuu sheegay inuu "aad ugu faraxsan yahay" in fayraska aan laga helin jirkiisa.

Ninkan ayaa loogu magac daray "Magaalada Rajada" waana magaca isbitaalka lagu daweeyay oo ku yaalla magaalada Duarte, ee gobolka California ee dalka Mareykanka.

In badan oo saaxiibbadiis ka mid ahaa ayaa u geeriyooday HIV kahor inta aan daawada antiretroviral loo sameynin inay dadka ka caawiso inay si caadi ah u noolaadaan.

'Weligey ma moodeyn inaan maalinta arki doono'

Fayraska HIV ayaa waxyeelleeya hannaanka difaaca jirka. Tan ayaa isu rogi karta Aids iyo inuu jirku awoodi waayo inuu la dagaallamo caabuqa.

War qoraal ah oo uu soo saaray, ayuu ninku ku yiri: "Markii la iga helay HIV sanadkii 1988, sida dad kale oo badan, waxaan moodayay inuu ahaa xukun dil.

"Weligey ma moodeyn inaan noolaan doono si aan u arko maalinta aan ka xoroobayo HIV."

Si kastaba, daaweyntan looma siin in laga daweeyo HIV, balse waxaa loo siiyay inuu ku dhacay kansarka dhiigga ee leukaemia markii uu 63 jir ahaa.

Kooxda caafimaadka ee ninkan ayaa go'aansaday inuu u baahan yahay dhuux si loo beddelo unugyada dhiiggiisa ee kansarku la socdo. Balse waxaa isu beegmay in ninka dhuuxa ku deeqay uu ahaa mid adkeysi u leh HIV.

Bukaankan ayaa noqonaya kii afaraad ee laga daweeyo fayraska HIV

Xigashada Sawirka, Getty Images

Fayraska ayaa gala unugyada dhiigga cad ee jirkeenna isagoo adeegsanaya dulduleello yaryar oo aan la arki karin oo lagu magacaabo CCR5.

Si kastaba, dadka qaar, oo uu ku jiro ninka ku deeqay dhuuxa, ayaa leh adkeysi CCR5 kaas oo aan oggolaaneynin inuu jirka u soo duso HIV.

Daaweyntu waa mid 'aad loogu mahdiyo

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Bukaanka City of Hope ayaa si dhow loola socday xaaladdiisa kaddib markii lagu tallaalay dhuuxa, kaddibna heerka HIV ee jirkiisa ayaa noqday mid aan la dareemi karin.

Wuxuu haatan joogaa muddo 17 bilood ah kaddib daaweynta.

"Waxaanu ku faraxsaneyn inaan ogeysiinnay in HIV-ga ku jira jirkiisa aan la dareemi karin isla markaana uusan u baahneyn inuu qaato daawada antiretroviral ee uu qaadanayay 30 sano," ayay tiri Dr Jana Dickter, oo ah dhaqtarad ku takahsustay cudurrada faafa kana tirsan City of Hope.

Markii ugu horreysay ee ay arrintan dhacdo waxay ahayd sanadkii 2011 markii Timothy Ray Brown - oo loo yaqaannay Bukaanka Berlin - uu noqday qofkii ugu horreeyay adduunka ee laga daweeyay HIV.

Waxaa kaddib jiray kiisas la mid ah oo dhacay saddexdii sano ee la soo dhaafay.

Bukaanka City of Hope waa bukaankii ugu weynaa ee qaab sidiisa oo kale ah looga daweeyo fayraska iyo isla markaana ah kan ugu muddada dheer la noolaa HIV.

Si kastaba, dhuuxa oo qofka lagu tallaalo ma horseedeyso in HIV laga daweeyo 38 milyan oo qof oo dunida ku nool oo qaba xanuunka.

Dr Dickter ayaa ii sheegtay: "Waa hannaan dhib badan oo ay waxyeello ka dhalan karaan. Sidaa darteed, ma aha runtii hab ku habboon inta badan dadka ka nool HIV."

Si kastaba, baarayaasha ayaa raadinaya qaabab kale oo daawyenta HIV ah.

Kiiska ayaa waxaa lagu soo qaaday shirka Aids 2022 ee ka socda Montreal, Canada.

Mar ay ka hadlaysay arrintan, Prof Sharon Lewin, oo ah madaxweynaha la doortay ee Bulshada Aids-ka ee Caalamka, ayaa tiri: "Daaweyntu waxay ahaaneysaa mid aad loo mahdiyo oo baaritaanka HIV ah."

Waxay sheegtay inay jireen "kiisas dhowr ah oo daawyen shakhsi ah" oo "rajo joogto ah siiyay dadka la nool HIV, isla markaana dhiirrigelin u ah bulshada sayniska."