Afar arrimood oo been abuur ah oo ku saabsan HIV

Xigashada Sawirka, Doreen Moraa Moracha
Markii ugu dambeysay ee Paul Thorn uu arkay waaliddiintiisa, waxay tuureen weelkii uu wax ku cunay iyagoo ka baqaya inuu cudurka qaadsiiyo. Markii lagu sheegay HIV sanadkii 1988, wuxuu ku qasbanaaday inuu joojiyo tababarka kalkaaliyenimada.
"Waxaan da'aadkeygii 20-naadka ku noolaa cabsi," ayuu yiri.
Haatan Paul, oo ku nool UK, badanaa kama fekero fayraska - marka laga reebo in maalintii uu kaniini liqo iyo inuu dhaqtarka booqdo sanadkiiba labo jeer.
Dadka la nool HIV ee hela daaweynta waxay noloshooda inta ka dhimman u noolaan karaan si caadi ah - aragtiyada duugga ah ee aan saxda ahayn ee ku saabsan inaad fayraska ka qaadi karto inaad qofka weel wax iskula cuntaan ayaa meesha ka baxay. Balse warbixinno been abuur ah oo dhaawca geysna kara ayaa weli la isla dhex marayaa.
'Daawo ayuu leeyahay'
Doreen Moraa Moracha oo ka soo jeedda Kenya waxay ku dhalatay HIV, balse waxay keliya ogaatay sanadkii 2005, iyadoo jirtay 13 sano.
Xayeysiin ay telefishinka ka aragtay ayaa horseedday inay aaddo nin ku nool Tanzania oo sheeganaya inuu yahay dhaqtar dhaqameed, isla markaana sheegay in Doreen iyo hooyadeed uu ka daweyn karo HIV.
"Waanu cabnay dawo-dhaqameedka uu iibinayay waxaana soo laabannay annaga oo aaminsan inaan ka caafimaadnay HIV", ayay tiri. Waxay kaddib joojisay qaadashada dawada anti-retrovirals - oo ah daawo joojisa in xanuunka uu qofku soo rito - ilaa markii dambe ay dareenta in xanuunku soo ritay.
Xanuunka ayaa dhiiggeeda ku faafay, dhaqtarkeeda ayaana u sheegay in haddii fayras kale uu jirkeeda ku dhaco uu dili karo.
Way u caddaatay in dhaqtar-dhaqameekaasi uu ahaa mid dadka dhaca.
Balse sheegashada ku saabsan in HIV uu daawo leeyahay waa wax guud sida uu qabo Dr Adeeba Kamarulzaman, oo ah dhaqtar ku takahsusay xanuunnada faafa iyo madaxweynaha ururka caalamiga ah ee dadka la nool AIDS-ka.
Haatan ma jiro tallaal amaba daweyn xanuunka HIV ah, inkastoo sheekooyinka dhowaanahan soo baxay ee ku saabsan dad ka caafimaaday fayraska ay rajo keeneen. Bishan dhexdeeda haweeney ku nool Argentina ayaa noqotay qofkii labaad ee loo aoqonsado inay ka caafimaadday HIV sababo la xiriira difaaceeda jirka oo sarreeya.
'Mar walba waxaad tahay qof xanuunka faafiya'
Joyce Mensah - oo ka soo jeedda Ghana balse u guurtay Jarmalka si ay uga baxsato takoorka - ayaa sheegtay inay rumeysan tahay in faham darrada laga qabo xaaladdeeda ay horseedday inay weyso shaqdaeda, xiriirka ay dadka la lahayd kuna kalliftay inay dalkeeda ka cararto.
Waxay sheegtay in faquuqa uu ka yimid faham darrada laga qabo in marba haddii qofku uu ku dhaco HIV, uu mar walba u gudbin karo lammaanihiisa amaba cunuggiisa.
"Markii qofku uu soo bandhigo inuu qabo HIV una sheego xubin qoyskiisa ka tirsan amaba lammaanihiisa...dadku waxay qabaan aragtidan khaldan oo ah inaysan 100% badaado ahayn,marba haddii aad qabto xanuunka, waad qabtaa".
Xaqiiqdii, marka uu qofku qaato dawada anti-retroviral muddo dheer oo aan wax fayras ah lagu arkin dhiiggooda, ma isu gudbin karaan sababtoo ah ma jiro caabuq la cabbiri karo oo ay gudbin karaan. Weli way qabaan HIV waxayna u baahan yihiin daaweyn joogto ah.

Xigashada Sawirka, Joyce Mensah
Joyce Mensah waxay dhashay afar carruur ah intii ay daaweyntu u socotay, midkoodna kuma uusna dhicin fayraska. In hooyadu ay ilmaha u gudbiso xanuunka waxaa looga hortagi karaa daaweyn ku habboon, maaddaama hadda si weyn loo adeegsadana arrintaas kala bar way yaraatay tan iyo sanadkii 2010.
Marka tan laga soo tago, gabadheeda oo ku nool Ghana ayaa iskuulka laga soo cayriyay iyadoo la aaminsanaa inay qudheeda qabto fayraska - isla markaana ay dadka kale qaadsiin karto.
Ian Green, oo ah madaxa hay'adda samafalka Terrence Higgins Trust ee UK, oo la nool HIV, ayaa yiri "arrinta keliya ee ugu weyn ee heysata dadka la nool HIV, iyo waxyaabihii aan la kulmayba, waa inaad aalaaba naftaada u eegto sida qof gudbiya xanuunka.
"Muddo sanado ah, waxaan aad uga baqayay inaan xanuunka u gudbiyo qof kale. Inaan haaatan ogaado inaysan suurtogal ahayn inaan gudbiyo fayraska, waa wax weyn oo aan xorriyad ku dareemayo".
'HIV haatan ma aha wax dhibaato leh'
Iyadoo uusan HIV haatan ahayn xukun dil ah, dadka la nool xanuunkaasna ay ku noolaan karaan nolol caadi ah, haddana qaar ka mid ah dadka u ololeeya xnauunka ayaa aaminsan in wararka been abuurka ah ay yeelan karaan saameyn weyn.
"Horumarro weyn ayaa laga gaaray daawyenta HIV iyo hababka ka hortagga, balse fahamkan ah in AIDS-ku uu dhammaaday, marka laga hadlayo ka hortagga - ma aha mid wax tar leh, iyo sidoo kale maalgashiga baadigoobka daawada HIV"," ayuu yiri Dr Kamarulzaman.
HIV waa fayraska weerara difaaca jirka haddii aan la daaweyn wuxuu noqonayaa AIDS - oo ah cudur sababa in jirku uusan iska difaacin caabuqyada yar yar.
Sanadkii 2020, ilaa 38 milyan oo qof oo guud ahaan dunida ku nool ayaa la noolaa HIV qiyaastiina 700,000 ayaa u dhintay xanuunno la xiriira AIDS-ka.
Paul Thorn ayaa aaminsan in da'yarta ay aaminsan yihiin in xanuunku uu yahay wax dadkii hore uun ku dhaca, isla markaana aysan ka heysan wax wacyigelin ah.
'Aniga ma ihi qof uu ku dhici karo HIV'
Iyadoo da'yartu ay u arkaan xanuunka HIV wax dadkii hore uun ku dhaca, haddana dadka qaar ayaa aaminsan inuu ku dhaco dad gaar ah oo bulshada ka mid ah.
Guud ahaan dunida, kala bar dadka qaba HIV ayaa haween ah waana kan ugu daran ee dila haweenka ku jira da'da dhalmada, sida ay qabto Christine Stegling oo ka tirsna hay'adda samafalka ee Frontline AIDS.
Balse haween yar oo ay la hadashay ayaa ka war qaba khatarta xanuunkan.
"Waa xog aad muhiim u ah sababtoo ah haweenka da'daas ah iyo kuwa doonaya inay uur qaadaan waxay dhib ku qabaan ka hadalka galmada aan laga taxadarin," ayay tiri.
Iyadoo horumar ballaaran laga sameeyay xanuunkan HIV, haddana wararka been abuurka ah ee weli la isla dhex marayo ayaa dadka u horseedi kara shaqo la'aan, xiriirka bulshada oo ay gabaan, inay helaan daaweyn sax amaba xitaa baaritaanka xanuunka.










