HIV: Haweeneydii ugu horreysay oo la aaminsan yahay in laga daweeyay fayraska

Xigashada Sawirka, Science Photo Library
Bukaan u dhalatay dalka Mareykanka ayaa la aaminsan yahay inay tahay qofkii saddexaad iyo haweeneydii ugu horreysay ee abid laga daweeyay fayraska HIV-ga.
Gabadhan ayaa baadhitaankii lagu sameeyay looga waayay fayraska kaddib markii lagu daweeyay hab dhiig kale loogu tallaalay.
Bukaanka ayaa laga daweeyay xanuunka nooca loo yaqaanno "leukaemia", iyadoo lagu tallaalay unugyo dhiig ah oo uu lahaa qof si dabiici ah uu jirkiisa isaga difaaco fayraska sababa cudurka Aids-ka.
Muddo 14 bilood ah ayay haweeneydan xor tahay faraska.
Balse khubarada ayaa sheegay in habka loo adeegsaday daweynteeda, oo unugyada dhiigga loogu beeray, uu yahay mid aad u halis badan, suurtagalna aan u ahayn inta badan bukaannada HIV-ga.
Kiiska bukaankan ayaa lagu soo bandhigay shir caafimaad oo Talaadadii ka dhacay magaalada Denver, waana markii ugu horreysay ee habkan loo isticmaalo daweynta hirgasha ee caabuqa sababa cudurka Aids-ka.
Bukaankan ayaa markii unugyada dhiigga ee cusub lagu tallaalay aan u baahanin dawooyinka joogtada ah ee lagu xakameeyo fayraska.
Kiiskan waxa uu qayb ka ahaa daraasad ballaadhan oo laga sameynayay dadka qaba HIV-ga ee dalka Mareykanka, kuwaasoo loo sameeyay adeegyo la mid ah kaas oo dhiigga looga baddalay si looga daweeyo cudurro halis ah.
Unugyada lagu tallaalay oo ahaa kuwo lasoo xushay waxay lahaayeen difaac hiddo dhaxal ah, taasoo ka dhigan in uusan soo gali karin fayraska HIV-ga.
Seynisyahannada ayaa aaminsan in difaaca jirka ee bukaannada adeeggan loo fuliyo uu awood u yeelanayo inuu iska celiyo fayraska.


Falanqeyn
Dhammaan sheekooyinka ku saabsan dadka laga daweeyay HIV-ga waa kuwo taariikhi ah oo ay tahay in loo dabaal dego - waxayna accadeyn u yihiin in arrintaas la hirgelin karo.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Balse tallaabadan ma aha mid noo dhaweyneysa in dawo loo helo 37 milyan oo ruux oo la nool HIV, kuwaasoo oo intooda badan ay ku nool yihiin waddamada Saxaraha ka hooseeya ee Afrika.
In baddalista unugyada dhiigga ay xal noqon karto waxaa lasoo jeediyay sanadkii 2007-dii, markaasoo Timothy Ray Brown uu ahaa qofkii ugu horreeyay ee laga "daweeyay" HIV.
Waxaa lagu tallaalay dhiig laga shubay qof uu jirkiisa awood u leeyahay inuu iska celiyo fayraska.
Tan iyo xilligaas, waxaa habkan loo adeegsaday labo ruux oo keliya, oo ka ah Adam Castillejo iyo bukaanka hadda laga daweeyay ee ah haweeneyda kasoo jeedda magaalada New York.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dhammaan saddexda ruuxba waxay sidoo kale qabeen cudurka kansarka, waxa ayna u baahnaayeen in unugyada laga baddalo si ay u noolaadaan.
In laga daweeyo HIV ma ahayn ujeeddada ugu weyn , habkanina waa mid aad u halis badan oo aan cid walba la marsiin karin.
Waxaa kale oo xusid mudan in dawooyinka kaalmaatiga ah ee la siiyo bukaannada HIV ay seynisyahannadu sheegeen inay ka caawinayaan sidii ay caadi ugu noolaan lahaayeen.
Rajada ugu weyn ee laga qabo in dawo loogu helo fayraskan waxaa wali diiradda lagu saarayaa in la helo tallaal ama daawo toos ah oo cudurka ka saari kara jirka.

Haweeneydan ugu dambeysay ee dhiigga cusub lagu tallaalay waxay ka duwan tahay labadii bukaan ee hore, kuwaasoo helay dhuux.
Sharon Lewin, oo ah madaxweynaha la doortay ee Bulshada la nool Aids-ka, ayaa sheegtay in habkan daweynta ah aysan ahayn mid wax u tareysa inta badan dadka qaba cudurka.
Balse waxa ay intaas ku dartay in kiiskan "uu xaqiijinayo in wali ay suurtagal tahay helista daawada HIV".










