Sidee waddankan yar ee Afrikaanka ah uu ugu guuleystay yareynta cudur halis ah?

HIV

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in dowladda Botswana ay qaaday tallaabo muhiim ah oo lagu ciribtirayo in hooyadu ay dhallaanka u gudbiso fayraska HIV.

In kasta oo dalka Bostwana uu weli yahay mid ka mid ah waddamada adduunka ee uu sida ba'an u saameeyay fayraska HIV/AIDS, haddana khubaradu waxay sheegeen in heerka uu haatan waddankaasi ka gaaray yareynta in hooyadu ay fayraskaasi u gudbiso ilamaha ay tahay arrin aad u wanaagan.

Hay'adaha Qaramada Midoobey ee WHO iyo UNAIDS ayaa suurtagalnimada tallaabadaasi Botswana ku sheegay in ay ku timid sanado badan oo dalkaasi ay ka jirtay hoggaan siyaasadeed oo aragti fog leh iyo siyaasado caafimaad oo hufan, arrimahaasi oo si weyn u yareysay tirada carruurta ku dhasha fayraskaasi.

Hay'adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa horumarkaasi Botswana ku tilmaantay guul weyn oo u soo hoyatay waddankaasi oo ka mid ah waddamada adduunka ee uu faraha ba'an ku hayo cudurkaasi.

HIV

Xigashada Sawirka, DOREEN MORAA MORACHA

Sanadkii 1999, boqolkiiba 40 hooyooyinka uurka leh ee qaba HIV/Aids ee dalkaasi Botswana ayaa u gudbinayay fayraskaasi ilmahooda - ha ahaato xilliga dhalmada ama inta ay naaska nuujinayaan.

Tiradaasi ayaa sanadkii hore hoos u dhacday oo gaartay wax ka yar boqolkiiba laba.

Inta badan haweenka uurka leh ee ku nool Botswana ayaa hadda og xaaladooda xanuunkaasi, sababtoo ah waxay dowladdu dhintay takoorka halka ay sare qaaday baaritaannada la xiriira cudurkaasi. Haddii hooyadu laga helo fayraska, waxaa markiiba la siiyaa dawooyinka loogu talagalay, taa oo ka caawinayso in hooyadu aysan u gudbin cannugeeda.

HIV

Xigashada Sawirka, Getty Images

Hay'adda Caafimaadka Adduunka ayaa sheegtay in Botswana ay muujineyso suurtagalnimada in dunida laga cirib tiro cudurka HIV/AIDS.

HIV waa fayraska weerara difaaca jirka ee bani'aadamka, haddii aan la daaweynna wuxuu noqonayaa AIDS - oo ah cudur sababa in jirku uusan iska difaacin caabuqyada yar yar.

Sanadkii 2020, ilaa 38 milyan oo qof oo guud ahaan dunida ku nool ayaa la noolaa HIV qiyaastiina 700,000 ayaa u dhintay xanuunno la xiriira AIDS-ka.