Cabotegravir: Maxay tahay cirbadda HIV AIDS ee uu ansixiyay Mareykanka?

Sannad kasta, malaayiin dad ah oo adduunka ah ayaa qaba HIV

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Sannad kasta, malaayiin dad ah oo adduunka ah ayaa qaba HIV

Rajo cusub oo laga qabo dagaalka caalamiga ah ee HIV ayaa soo if baxday.

Maamulka Hay'adda Cunnada iyo Dawooyinka ee Maraykanka ayaa Isniintii oggolaaday Tallaal loogu talagalay in lagaga hortago caabuqa fayraska sababa AIDS-ka. Tallaalkan ayaa ah kii ugu horreeyay ee noociisa ah ee laga hirgeliyay adduunka.

Cabotegravir (CAB-LA), waa dawo loo ka soo gudubtay dhammaan tijaabooyinkii caafimaad bishii Noofambar 2020, waxaana lagu arkay natiijooyin dhiirigelin leh si looga hortago fayraska.

Daraasaddii u dambaysay ayaa muujisay in 66% ay ka waxtar badan tahay ka hortagga caabuqyada HIV marka loo eego kaniiniyada caadiga ah ee maalinlaha ah.

Daraasad hore oo ay samaysay shirkadda ViiV Healthcare, oo ah shirkad dawooyin ah oo ku takhasustay horumarinta daawaynta HIV, ayaa lagu ogaaday in daawaynta muunada dumarka ay 89% ka waxtar badan tahay dawooyinka kale ee hadda afka laga isticmaalo.

Si ka duwan daawaynta hadda jirta, ee u baahan dadka inay kaniini qaataan maalin kasta, cabotegravir waa la isku duraa waxaana la bixiyaa labadii biloodba mar.

Horaantii, Ururka Caafimaadka Adduunka ayaa u dabaaldegay "badbaadada iyo waxtarka daawada" waxayna sharaxday in tijaabooyinka ay joojiyeen wakhti hore guddiga kormeerka sababtoo ah natiijooyinka ayaa muujiyay in ay "aad u wax ku ool ah" ka hortagga AIDS-ka.

Dr. Jeffrey D. Klausner, oo ah khabiir ku takhasusay HIV iyo cudurrada faafa ee Jaamacadda California ayaa u xaqiijiyey BBC Mundo dhawr bilood ka hor in tani ay tahay natiijo rajo wanaagsan leh.

Daawo cusub

Hadda, dhowr shirkadood oo ayaa qaybiya dawooyinka ka-hortagga fayraska HIV-ga ee loo yaqaanno pre-exposure prophylaxis (PrEP), kuwaas oo la ogaaday inay waxtar u leeyihiin ka hortagga HIV.

Klausner wuxuu sharxayaa in hadda irbadda ay daaweyn ahaan ka duwan tahay kaniinka.

"Daawadan waxay u shaqeysaa si ka duwan kaniiniyada PrEP. Marka labaad, irbad soconaysa laba bilood! Halkii aad kaniiniga qaadan lahayd maalin kasta."

Dad badan ayaa hadda qaadanaya daawaynta ka hortagga retroviral ee loo yaqaanno PrEP.

Xigashada Sawirka, SPL

Dr Víctor García-Martínez, ayaa sheegay tan iyo markii la bilaabay daraasadaha ka hortagga AIDS-ka, waxaan ogaanay in kaqeybgalayaashu aysan raacin tilmaamaha ku saabsan sida iyo goorta la qaadanayo daawada. Dad badan ayaa cudurka qaaday sababtoo ah ma aysan qaadanin daawooyinka, "ayuu u sheegay BBC Mundo.

"Marka waxa hadda isbeddelaya waa in halkii kaniiniga la qaadan lahaa maalin kasta, dadku waxay irbad isku durayaan siddeedii toddobaadba mar. " ayuu raaciyay.

Sida laga soo xigtay WHO, tani waxay si gaar ah faa'iido ugu yeelan kartaa haweenka ku nool sida Afrika, halkaas oo ay ku adag tahay in dad badan ay sii wadaan isticmaalka daawada.

Rajooyin iyo digniino

Khubarada ay la hadashay BBC Mundo ayaa rajo ka qabay daawayntan cusub, in kasta oo, sida dawooyinka oo dhan oo kale ay taxaddar ku talinayaan.

Sababtoo ah daawadu waxay dhiigga ku sii jirtaa muddo dheer, cilmi-baaristu waxaa lagu ogaaday, in haddii la joojiyo, qadarkaas yar laga yaabo inaysan ku filneyn inay ka difaacaan HIV, taas oo keeni karta in uu yeesho fayras u adkaysta daawada.

WHO ayaa sidoo kale ka digtay in daraasadaha badbaadada ee haweenka uurka leh iyo kuwa nuujinaya ay wali u baahan yihiin in cilmi baaris dheeraad ah la tixgeliyo si loo fahmo "hababka ugu waxtarka badan iyo kuwa la aqbali karo ee hirgelinta."

.

Xigashada Sawirka, AFP

Klausner waxa uu tilmaamay in arrintan ay sidoo kale lagama maarmaan noqon doonto in la tixgeliyo wax-soo-saarka iyo qaybinta daawada.

"Saameynta ay ku yeelan doonto HIV-ga caalamka waxay ku xirnaan doontaa sida ugu dhaqsaha badan ee loo heli karo." ayuu yidhi.

"Waxaan jeclaan lahaa inaan arko barnaamijka qorsheynta qoyska iyo ka hortagga HIV-ga oo si fudud looga heli karo koonfurta Afrika. In haweenka da'da yar caafimaadkooda la ilaaliyo," ayuu yiri.