Sidee ayuu ninkan diyaarad la'aan ugu safray dal walba oo dunida ku yaalla?

Safar

Xigashada Sawirka, COURTESY OF THOR PEDERSEN

Weligaa maku fakartay inaad dal kasta oo adduunka aad marto?

In ka yar 300 oo qof ayaa fakarkaas helay. Saddex qof labo jeer ayey safarkaas galeen halka labo kalena aysan u suuragelin inay soo laabtaan.

Hal qof oo kaliya ayaa dunida oo dhan ku safray isagoon diyaarad raacin sidaasina waxaa sheegay qoraaga sheekadan Thor. Wuxuu sheegay in Seynisyahan u dhashay Denmark, Piet Hein, uu ka helay dhiirogelinta. “waa inaad safartaa si aad dunida u fahanto inay wareegsan tahay iyo inkale”.

Sagaal sano ka hor ayuu dalkiisa ka tagay si uu dunida safar ugu maro. Wuxuu go’aansaday inuusan soo laaban ilaa uu meel kasta cagta soo mariyo.

Si uu taasi ku gaaro wuxuu go’aansaday in ugu yaraan uu dalkasta uu joogo 24 saac diyaaradna uusan qaadan. Wuxuu ku safrayay oo kaliya dhulka iyo badda.

Waxay ku qaadatay 3,512 maalmood inuu dalalka oo dhan ku maro, gaari, lug, bus, tareen iyo doon.

Wuxuu sheegay inuu booqday 203 dal kuwaas oo ka badan dalalka xubnaha ka ah Qaramada midoobay oo gaaraya 193 dal. Dhulkuu maray waxaa ku jira kuwa lagu muransan yahay.

Safar

Xigashada Sawirka, COURTESY OF THOR PEDERSEN

Safarkiisa wuxuu bilaabay 10:10 subaxnimo taariikhdu markii ay aheyd 10/10/2013-kii, qorshuhuna wuxuu ahaa in safarka ku ekaado 2018-kii balse taasi ma dhicin. Safarka wuxuu qaatay shan sano oo dheeri ah.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Bishii May sanadkan ayuu gaaray jasiiradda Maldives halkaasi oo noqotay meeshii ugu dambeysay, wuxuuna go’aansaday inuu waqti ku qaato dalkaas.

Maxaa ugu xiiso badnaa safarkiisa?

Wuxuu sheegay inuu la kulmay waxyaabo badan oo ay ka mid ahaayeen guurkiisa ugu horeeyay iyo kiisa labaad, isagoo saaran markab yar in duufaan ay qabsatay uuna arkay nibiri mowjadaha badda ka boodaya, aroos ka dhacay Sudan oo lagu martiqaaday iyo waxyaabo kale.

Sidee ku arki jirtay xaaskaaga? Maxaa ugu adkaa?

Waxay isoo booqatay ilaa 27 jeer. Tii ugu adkeyd waxay aheyd mar aan labo sano ku go’doomay Hong Kong intii ay jirtay aafadii Corona. Hong Kong aad ayey u adkeyd. Dal walbana xuduudaha ayuu xirtay.

Xaaskeyga ma iiguma imaan karin Hong Kong sababtoo ah daganaasho ma haysan. Si ay taasi u dhacdo ayaa bilaabay shaqo kumeel gaar ah. Guurkeena waxa uu ka dhacay internetka.

Dalkii ugu adkaa in la galo?

Equatorial Guinea ayaa ugu adkeyd. 4 ilaa 6 safaaradood oo kala duwan ayaa tagay si aan u helo dal ku gal. si wanaagsan laylama dhaqmin.

Xuduudaha dhulka ayaan ka galay. Askari kasta oo taagan baraha koontarool si adag ayuu ila dhamqay. Xilli adag ayaa isoo maray. Ilaa 4 bilood ayey igu qaadatay inaan galo Equatorial Guinea balse way u qalantay.

Waxay aheyd dalkii 100-aad ee aan tago. Waa dal wanaagan oo aad u quruxoon. Dadkii aan la kulmay aad ayey u wanaagsanaayeen.

Safar

Xigashada Sawirka, ONCE UPON A SAGA

Markaad aragto diyaaradaha dushaada duulaya maxaad dareentay?

“Maxay wax fududeysay” ayaan is dhihi jiray. Ma ogid inta jeer aan anigoo bas saaran aan cirka fiiryay oo aan arkay diyaarad.

Safarkii iigu dheeraa wuxuu socday 54 saacadood. Safarka kaddib waxaad dareemeysaa xanuun.

Waxaan la kulmay dad badan oo safrayay in ka badan lix bilood ama sanad. Dad badan ayaan la kulmay waxyaabo badan ayaan isku dayay.

Safar

Xigashada Sawirka, ONCE UPON A SAGA

Waxaan doonayay inaan Denmark ku soo laabto 2015-kii balse aafadii Corona ayaa 3 bilood dib ii dhigtay. Hadda waxaan aad u doonayaa inaan dalkeygi ku laabto.

Toban sano ka hor markii Thor uu dalkiisa ka tagayay ma ogeyn ujeedka safarkiisa balse intii uu socodka ku jiray ayuu helay.

“Inaad sameyso wax cusub oo dad badan dhiirogeliya” ayaan doonayay isagoo intaas ku daray. “dunidu ma ahan waxa ay in badan aamisan yihiin”.