Cunto kariyaal ku muransan baastada laga sameeyo warriiqa

Warriiq

Qol yar oo u dhow buuraha Alps ee waqooyiga Talyaaniga, waxaa ku yaal warshad yar oo lagu magacaabo Beerta 'Cricket-ka' ama Warriiqa Talyaaniga.

Halkan, malaayiin Wariiq ayaa loo beddelaa waxyaabaha lagu daro cuntada maalin kasta.

Goobtan ayaa lagu kariyaa oolahaan, kadibna taalagad ayaa la galiyaa kidibna lagu qalajiyaa halka ugu dambeyn laga dhigo budo.

Daqiiqda khafiifka ah ayaa waxaa loo isticmaali karaa in lagu daro ama laga sameeyo cuntooyin kala duwan sida baastada, rootiga, canjeelada, doolshaha, iyo xitaa cabitaannada jimicsiga.

Iyadoo cunista cayayaanka ay caado ka ahayd qaybo ka mid ah dalalka Aasiya inka badan kumanaan sano, dadka kunool Yurub ayaa intooda badan kacaga- jiidaya cunista cayayaanka.

Talyaaniga, gaar ahaan, wuxuu muujiyay diidmo weyn oo ku wajahan cunista Cayayaanka . Dawladdu waxay qaadday tillaabo ay kaga mamnuucday in cayayaanka lagu daro pizzada iyo baastada. Si kastaba ha ahaatee, dhowr soosaarayaal Talyaani ah ayaa ka shaqeynayay sidii ay u hagaajin lahaayeen cuntooyinka sida baasto iyo cunto fudud ee laga sameeyo cayayaanka Warriiqa.

Wiriqqa

Xigashada Sawirka, Getty Images

Dadka taageersan Cunista Cayayaanka

Dadka taageersan in la cuno Cayayaanka ayaa ku doodaya in ugaarsiga iyo dhaqashada cayayaanka u yahay mid fudud marka loo eego dhaqashada xoolaha, sababtoo ah cayayaanka waxay ubaahanyihiin biyo iyo dhul aad ug yar si loo soo saaro xaddi borootiin oo la mid ah kan xoolaha laga helo.

Marka la eego saameynta deegaanka ee warshadaha hilibka iyo caanaha, saynis yahano badan ayaa aaminsan in cayayaanka oo lagu oo daro cuntadeena ay gacan ka geysan karto la dagaalanka isbedelka cimilada.

Faa'iidooyinka ku jira cunista Cayayaanka

Si loo muujiyo muhiimada cunnada cayayaanku leedahay, cunto kariye Simone Loddo waxa uu habeeyey baastada uu kariyo ee jirta ku dhawaad 1,000-sano isaga oo ku daray 15% budada Cayayaanka Warriiqa. Dadka tijaabiyay baastada lagu daray Warriiqa ayaa aad u layaabay macaanka iyo udgoonka cunnadaas, halka kuwa kalena ay diideen.

Budada Wiriqa ayaa u carfeysa sida lowska oo kale.

Intaa waxaa dheer, budada Warriiqa ayaa ah cunto-sare oo ay ka buuxaan fiitamiino, fiber, macdan, iyo asiidhyo aamin ah oo qofka binaadamka faa'iido u leh. Waxay xitaa ka sarraysaa hilibka caadiga ah marka loo eego macdanta birta iyo magnesium kujira Warriiqa.

Dadka Diidan Cunista Cayayaanka

 Simone Loddo waxa uu sameeyaa baastada isaga oo isticmaalaya bur uu kujiro Wiriqa

Xigashada Sawirka, FRANCESCO TOSTO/BBC

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Si kastaba ha ahaatee, caqabadda ugu weyn ee haysta in dadka ay cunaan Cunada Warriiqa ayaa ah qiimaha. Daqiiqda Warriiqa ayaa hadda loo arkaa shay qaali ah oo qiimaheedu dhan yahay €60 kiiladii (qiyaastii siddeed jeer in ka badan inta baastada caadiga ah la iibiyo).

Cunnada cayayaanku waxay ahaanaysaa doorasho wanaagsan marka loo eego hilibka digaagga iyo hilibka lo'da ee la awoodi karo.

Ka sokow walaaca kharashka, in cunnadan bulshada aqbasho ayaa sidookale kaalin ka qaadan doonto inay noqoto cunto ay dadka dhan isticmaalan.

Dhaqanka cunnooyinka Talyaaniga, oo ay dad badani ixtiraamaan, ayay dad badan u arkaa inay arrintan ay khatar kutahay. Dadka arrinta dhaleeceynaya ayaa ku doodaya in cayayaanku aysan ka mid ahayn cuntada Mediterranean-ka waxayna su'aal ka keenayaan saameynta ay ku leeyihiin caafimaadka aadanaha.

Talyaanigu kali kuma aha shakiga uu ka qabo isticmaalka cayayaanka. Dadka diidan in cayayaanka la cuno ee kunool daafaha Yurub ayaa sii kordhaya. Dalka Poland ayaa waxaa ka dhacday doodo kulul oo arrintan ku saabsan ka hor doorashooyinkeeda, halka Austria, Belgium, iyo Netherlands ay muujiyeen furfurnaan dheeraad ah oo ku saabsan in cayayaanka lagu daro cuntadooda.

Cunista Cayayaanka iyo cimilada adduunka

Si kastaba ha ahaatee, iyadoo kobaca dadweynaha caalamku uu culays saarayo kheyraadkayaga, helitaanka ilo borotiin oo deegaanka ku habboon ayaa laga yaabaa inay lagama maarmaan noqoto. Cayayaanka ayaa inta badan lagu tiriyaa inay yihiin xalka suurtagalka ah ee caqabadan.

Midowga Yurub ayaa ogolaatay isticmaalka cunnada cayayaanka, waxaa jirta rajo ah in marka ay dadka soo saaraan cunnooyinka cayayaanka ay kordhaan, qiimahana uu hoos u dhici doono sidookalena dad badani ay qaadan doonaan ilahaan cuntada kale. Go'aanka Midowga Yurub ee lagu ansixiyay cunista cayayaanka ayaa xubin ka tirsan xisbiga midigta-fog ee talada dalka Talyaaniga haya ee loo yaqaan ee Brothers of Italy wuxuu ku tilmaamay ka gudbka "xadka waalida".

Wax soo saarka beeraha adduunka oo dhan waxaa ku kordhi doona 70%, sida ay sheegtay Hay'adda Cuntada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay.

Ivan Albano, oo maamula Beerta Warriiqa lagu farsameyo ee kutaalla Talyaaniga, ayaa hadda codsiyo badan ka hela makhaayadaha iyo dukaamada waaweyn. Wuxuu aaminsan yahay in marka la soo saaro oo la cuno cayayaanka, aysan saameyn weyn ku yeelanayn deegaanka.