Saddex wakhti miyaan u baahanahay in wax cunno maalintii?

cuntada

Laga yaaba in aad cunto saddex jeer maalintii, Nolosha casriga ah waxay ku dhisan tahay nidaamka cunto ee noocan oo kale ah, Waxaa naloo sheegay in quraacdu ay tahay cuntada ugu muhiimsan maalinta iyadoo qadada iyo cashada ay tahay cunto inta badan lala qabsaday.

Habkan ma yahay qaabka ugu caafimaadka badan ee wax loo cuno?

Ka hor inta aan la tixgelin inta jeer ay tahay in wax la cunno, saynisyahannada waxay naga codsanayaan in aan ka baaraan degno wakhtiga la cunteynayo.

Ugu yaraan 12 saacadood haddii qofka uusan waxbo cunin waxay oggolaanaysaa habdhiska dheefshiidka inuu nasto,, sida ay sheegtay Emily Manoogian, oo ah cilmi-baare caafimaad oo ka tirsan machadka Salk ee qaabilsan daraasaadka Bayolojiga kuna yaalla (California, USA) ahna qoraaga maqaal cilmiyeed soo baxay 2019 oo cinwaankiisa yahay "Markaad wax cunayso "

Rozalyn Anderson, oo ka tirsan kuliyadda dawooyinka iyo caafimaadka dadweynaha ee Jaamacadda Wisconsin , ayaa daraasad ku sameysay faa'iidooyinka laga helo xaddidaadda cuntooyinka qofka tamarta siiyo taas oo la xiriiriyay hoos u dhigidda xasaasiyadda jirka.

"Cuntada oo muddo kooban laga soomo waxaa jirka geliyaa xaalad kale, halkaas oo uu aad ugu diyaargaroobo hagaajinta iyo la socodka waxyeelada, sidoo kale wuxuu baabi'iyaa borotiinnada dheefshiidka xun". ayuu yiri.

Barootiinadaas dhaawacmay ayaa lala xiriiriyay dhowr cudur.

cuntada

Xigashada Sawirka, Getty Images

Soonka

Anderson waxa uu ku dooday in soonka uu aad ula jaan qaadayo jirkeena, wuxuu xusay in jirkeena uu keydiyo cuntada iyo tamarta aan u baahanahay iyadoo uu dardargelinayo habka uu jirkayaga u soo saaro tamarta.

Antonio Paoli, oo ah borofisar cilmiga jimicsiga iyo ciyaaraha ka dhiga jaamacada Padua ee ku taalla (Talyaaniga), ayaa tilmaamay in soonka uu sidoo kale xoojin karo jirkeena, maadaama gulukoosta dhiigeenu ay korodho cuntada kadib.

Waxa uu intaa ku daray in heerka sonkorta dhiigga ee hooseeya uu kuu ogolaanayo inaad jirkaaga aad ku kaydiso dufan yar.

cuntada

Xigashada Sawirka, Getty Images

"Daraasadda aan sameynay waxay muujineysaa in xilli hore la casheeyo ama in saacado badan la soonaado ay saameyn togan ku yeelan karto jirka," ayuu yiri Paoli.

Khabiirku waxa uu intaa ku daray in ay u wanaagsan tahay dhammaan unugyada si hoos loogu dhigo heerka sonkorta ee dhiigga.

Gaajada waa dareen nafsi ah

Haddaba haddii soonka yahay habka ugu wanaagsan ee ka shaqeynayo caafimaadka, imisa jeer ayaa wax cuni kartaa maalintii?

Khubarada qaar ayaa sheegaya in ay wanaagsan tahay in la cuno hal cunto maalintii, waxaana kamid ah dadka arrintaas qabo David Levitsky, oo ah borofisar wax ka dhiga Jaamacadda Cornell ee New York.

cuntada

Xigashada Sawirka, Getty Images

Horraan dadka waxay maalintii cuni jireen hal mar, waxaana dadkaas kamid ah Roomaaniyiintii hore, kuwaas oo cuni jiray qadada duhurkii oo kaliya ah, sida uu qabo taariikhyahan qaabilsan cuntada oo lagu magacaabo Seren Charrington-Hollins.

In maalintii hal jeer aan wax cunno, gaajo inooma horseedeyso, ayuu yiri Levitsky, sababtoo ah gaajada inta badan waa dareen nafsi ah.

Laakiin Emily Manoogan kuma talinayso in la cuno hal cunto oo keliya maalintii, sababtoo ah tani waxay kordhin kartaa heerarka gulukooska dhiigga marka qofku aanu wax cunin.

Heerarka sokorta dhiigga ee aadka u sarreeya ayaa ah arrin halis u ah nooca 2aad ee sonkorowga.

Manoogan waxay soo jeedinayaa si hoos loogu dhigo heerka gulukoosta jirka in loo baahan tahay in la cuno wax ka badan hal mar maalintii maadaama arrintaas ay jirka ka ilaalinayso gaajada, wuxuu qofka helayaa gulukoos badan marka uu wax cuno.

Waxay sheegtay inay wanaagsan tahay in qofka maalintii uu labo jeer ama saddex jeer uu wax cuno.

Cuntada badan ee habeenkii la qaato waxaa la xiriiriyaa cuntada wadnaha iyo sokorta.