Dal Yurub ku yaalla oo xukuumaddiisu ay ka dhismi la’dahay qaxootiga

soo galooti

Xigashada Sawirka, EPA

Dowladda Netherlands ayaa burburtay sababo la xiriira is marin waa u dhaxeeya axsaabta isbahaysiga oo ku aaddan siyaasadaha dadka soo galootiga ah, sida uu sheegay Raysal Wasaare Mark Rutte.

Afarta xisbi ayaa awoodi waayay inay heshiis ku gaaraan wada hadalladii uu shalay martigeliyay Mr Rutte.

Dowladda ayaa la dhisay sanad iyo bar kahor balse axsaabta ayaa in muddo ah isku heystay arrinta muhaajiriinta.

Warbaahinta dalkaas ayaa ku warramaya in laga yaabo in doorashooyin cusub ay qabsomaan November.

Xisbiga asal raaca ee Mr Rutte ee VVD ayaa isku dayaya inuu xakameeyo qulqulka soo galootiga, kadib markii sanadkii la soo dhaafay ay buux dhaafeen xarumaha muhaajiriinta. Qordhooyinkiisa ayaa waxaa ka soo horjeestay axsaabta kale ee isbahyasiga.

Shir jaraa'id oo uu xalay fiidkii qabtay ayuu ku xaqiijiyay burburka xukuumadda, kaddib markii uu golaha wasiirrada u qabtay shir degdeg ah. Wuxuu sheegay inuu maanta iscasilaaddiisa u gudbin dooni Boqor Willem-Alexander.

Balse raysal wasaaraha ayaa intaa ku daray in wasiirrada ay sii wadi doonaan shaqadooda.

Codsiyada maganyo-doonka ee Netherlands ayaa aad sare ugu kacay sanadkii la soo dhaafay iyadoo tirada ay gaartay 47,000, xogta dowladda ayaa horraantii sanadkan muujineysay in ay filanayaan ilaa 70,000 codsiyo ah sanadkan dhexdiisa 2023.

Toddobaadkan dhexdiisa Mr Rutte ayaa isku dayaya inuu xoog ku meel mariyo qorshe dhimaya qaraabada qaxootiga dagaallada kasoo cararay ee loo oggolaanayo Netherlands lagana dhigo keliya 200 oo qof bishii.

soo galooti
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Balse xisbiga Christian Union, oo ah xisbi qoyska taageersan ayaa aad uga soo horjeestay.

"Go'aanka aad ayuu noogu adag yahay", Mr Rutte ayaa u sheegay weriyeyaasha markii uu ku dhawaaqayay is casilaaddiisa. Kala duwanaanshaha aragtiyada ee u dhaxeeya axsaabta isbahaysiga waa "kuwo aan la xallin karin", ayuu intaa ku daray.

"Dhammaan xisbiyada waqti dheer ayay qaateen si xal loo helo, balse kala duwanaanshaha muhaajiriinta nasiib darro waa kuwo aysan suurtogal ahayn in la xalliyo."

Soo jeedin, ku aaddaneyd in la xakameeyo haddii qulqulka soo galootigu uu bato, ayaan noqon mid anfacda dowladda.

"Afarta xisbi waxay go'aansadeen inaysan heshiis ku gaari karin arrimaha muhaajiriinta," ayuu yiri afhayeenka Christian Union Tim Kuijsten. "Sidaa darteed waxay go'aansadeen inay soo afjaraan dowladdan."

Mr Rutte, oo 56 jir ah, waa raysal wasaarihii ugu muddada dheeraa dalkaas wuxuuna xilka hayay tan iyo sanadkii 2010. Xukuumadda haatan - oo xilka qabatay bishii January 2022 - waa tii afaraad ee uu qabto.

Waxaa saarnaa cadaadis ku aaddan muhaajiriinta sababo la xiriira.