Maxay yihiin dadka tahriibeyaasha diyaaradda khaaska ah ku geeya Yurub ee la qabtay?

Diyaarad

Xigashada Sawirka, Getty Images

Shan qof ayaa lagu soo oogay dacwad ku saabsan in ay isticmaalayeen diyaarado khaas ah oo ay dadka tahriibeyaasha ah ku geynayeen galbeedka Yurub.

Eedeysaneyaasha ayaa qaarkood lasoo taagay maxkamad ku taalla dalka Talyaaniga.

Waxaa lagu soo warramay in raggan la maxkamadeynayo ay dad qaxooti ah diyaarad gaar loo leeyahay ku geeyeen Yurub kaddib markii ay u sameeyeen baasaboorro diplomatic ah oo been abuur ah.

Baasaboorrada la adeegsaday ayaa lagu tilmaamayay kuwo laga leeyahay waddanka St. Kitts and Nevis, oo ah jasiirad ku taalla gobolka Caribbean-ka.

Diyaaradda khaaska ah ayaa tahriibeyaasha ka qaadday waddanka Turkiga, waxayna ku dejisay garoon diyaaradeed oo ku yaalla mid ka mid ah dalalka Yurub, sida lagu muujiyay xogta ay maxkamaddu heshay.

Halkaas markii la geeyay kaddib ayay dadkii lasoo baxeen aqoonsiyadooda dhabta ah, iyagoo codsaday magangalyo.

Sida laga soo xigtay booliska, kooxda eedeysaneyaasha ah ayaa la aaminsan yahay in ay tahriibeyaasha ka qaadeen qofkiiba 10,000 oo euros, lacagtaasoo ay u xisaabiyeen safarka lagu geeyay Yurub.

Saddex ka mid ah shanta qof ee loo heysto dambigan ayaa lagu kala xiray magaalooyinka Rome iyo Brussels ee ah caasimadaha Talyaaniga iyo Belgium.

Labo kale ayaa weli baxsad ah, kuwaasoo ay boolisku ku raad joogaan.

Mid ka mid ah eedeysaneyaasha ayaa ah muwaadin u dhashay Talyaaniga, halka saddex ay yihiin Masaari. Waxaa kale oo la xiray haweeney u dhalatay Tunisia oo ka mid ah eedeysaneyaasha, sida uu Wakaaladda Wararka ee Reuters u sheegay sarkaal ka tirsan booliska oo lagu magacaabo Costantino Scudier.

Waxaa la aaminsan yahay in eedeysaneyaashan ay ka tirsan yihiin shabakad ballaaran oo ka shaqeysa tahriibinta sharci darrada ah ee qaxootiga magangalyo doonka ah.

Booliska waddamada Belgium, Jarmalka, Austria iyo Faransiiska ayaa iska kaashanaya raadinta dadka la tuhunsan yahay, halka Mareykankana uu gacan siinayo dalalkaas.