Maxay yihiin cunnooyinka keena Laabjeexa, sideese la isaga ilaalin karaa

Xigashada Sawirka, Getty Images
Laabjeexa oo sida caadiga ah in qofka ay laabto gubato ayna ku soo gadoonto cunadii uu cunay, waa mid ka mid ah calaamadaha ugu muhiimsan ee lagu garto in aan si sax ah loo dheefshiidin cuntada waxaana sababa dib u soo noqoshada aashitada caloosha.
Dr Philip Woodland, oo ku takhasusay xanuunka Gaaaska kana tirsan isbitaalka Royal London isla markaana ah macallin wax ka dhiga jaamacadda Queen Mary University, London, ayaa yiri:"Aashitada waxay timaada marka dheecaanka gaaska oo ah mid aasidh leh uu caloosha kor uga soo baxo oo dhuunta yimaado" ayuu yiri.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Cuntooyin noocee ah ayaa keena laabjeexa?
"Sababta ugu weyn ee laabjeexa ayaa ah cunto badan oo aad cunto, maadaama ay kordhiso cunadda badan cadaadiska caloosha," ayuu yiri Woodland.
"Cunnada dufanku ku badan yahay waxay uga sii dari kartaa xaaladda, waxaana dib u soo noqon kara aashitada caloosha. Khamrigu wuxuu keeni karaa aashito badan. Dadka qaarkood, Kafeega iyo shukulaatada ayaa sidoo kale ku keeni kara laab-jeex.
Dr James Kennedy, oo ah khabiir ku takhasusay Cudurka Gaaska iyo cilmi-baare ka tirsan Isbitaalka Royal Berkshire ayaa sheegay in cabitaannada kiimikaad ay sidoo kale kicin karaan laab-jeexa.
Dhanka cuntooyinka sida shukulaatada, daraasaduhu waxay muujiyeen inay dejin karaan murqaha u dhexeeya pharynx iyo caloosha, taas oo u oggolaanaysa waxa caloosha ku jira inay si fudud u kacaan.
"Waxa muhiimka ah waa in laga takhaluso cuntooyinka keena laabjeexa oo la cuno kuwa aan dhibaatooyinka keenin, laakiin wuxuu ka digayaa "Waa muhiim inaadan joojin cunista wax walba, si aadan u waayin cunista cuntooyinka nafaqada leh."

Xigashada Sawirka, Getty Images
Sideed looga hortagi karaa laabjeexa?
"Nasiib darro, ma jiraan cuntooyin gaar ah oo lagula dagaallamo aashitada caloosha ee keena Laabjeexa," ayuu yiri Woodland.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
In kasta oo lagu taliyo in aad “iska ilaaliso in aad cunto raashin badan oo aad iska ilaaliso cunista cuntooyinka dufanka leh, gaar ahaan wakhtiga hurdada. Tani waxa ay yaraynaysaa halista laabjeexa”.
Woodland iyo Kennedy waxay labaduba ka hadleen ka hortagga laabjeexa iyada oo loo marayo cuntada, waxay ka fiican tahay isku dayga in laga hortago cunnooyinka keena calaamadaha xanuunka.
"Marka laga soo tago dhimista cuntooyinka sababa laabjeexa, waxaa jira faa'iidooyin kale oo laga helo cunto caafimaad leh oo jirka ka ilaalin karta in cunnada caloosha ay dib u soo laabato oo ay Laabjeex keento."
Tusaale ahaan, cuntooyinka dabiiciga ah waxaa ku jira dufan yar, cuntooyinkaasna badanaa ma keenaan miisaan xad dhaaf ah," ayuu yiri Woodland.
"Waxaa jira caddayn muujinaysa in cuntada sida khudradda, miraha noocyadooda kala duwan, kalluunka iyo digaaga ay hoos u dhigi karaan khatarta laabjeexa," ayuu yiri Kennedy.
"Shaaha lagu daray waxyaabaha kulul ama saliidda basbaasku waxay ku fiican yihiin la dagaallanka dhibaatooyinka caloosha sida xanuunka caloosha, bararka iyo gaaska sababtoo ah basbaaska ayaa dejiya muruqyada caloosha."

Xigashada Sawirka, Getty Images
Ma jiraan dad halis ugu jira xanuunkan?
"Sida qofka cayilan iyo haweeneyda uurka leh, waxaa jira koror ku yimaada aashitada, nasiib wanaag, aashitada ayaa hoos u dhacda ka dib marka ilmuhu dhasho," ayuu yiri Woodland.
"Aashitadaasi waxay jirtaa inta badan marka ay da'deenu sii korodho , laakiin ma laha saameyn weyn." Laakin Kennedy wuxuu ka digayaa in calaamadaha cusub si dhab ah loo qaato oo aan la dhayalsan.
"Calaamadaha kugu cusub sida in qofka da'diisu tahay 55 jir marka uu cuno raashiin ay caloosha soo fuurto waa in aan la iska indho-tirin waana inaad u tagtaa dhakhtar sababtoo ah waxaa laga yabaa in xaaladda ay ka sii darto".
Woodland ayaa intaa ku daray"dadka intooda badan, xanuunka laabjeexa waqti ka waqti waa wax caadi ah mana aha inuu keeno argagax ama isbeddel nololeed oo weyn."
"Waxa ugu muhiimsan waa inaad isku daydo inaad dhintaa miisaanka xad-dhaafka ah oo aad joojiso sigaarka, waa muhiim inaad isticmaasho cunto iyo cabitaan dhexdhexaad ah oo aan kicinayn aashitada caloosha".
Ka fogow cuntooyinka dufanka leh, gaar ahaan xilliga hurdada aad isu diyaarinayso, haddii ay suurtogal tahay, isku day inaad cunto casho 3 ilaa 4 saacadood ka hor wakhtiga jiifka.













