Gaaska qosolka iyo halistiisa caafimaad

Xigashada Sawirka, Getty Images
Gaaska qosolka oo haddii aad jiiddo ama nuugto kaa qoslinaya ayaa loo adeegsadaa siyaabo kala duwan, waxaa ka mid ah dhanka caafimaadka oo ay dhaqaatiirtu u adeegsadaan inay ku suuxiyaan bukaanka, warashada cuntada oo u isticmaala waxyaabo ay ka mid yihiin kareemka cuntada iyo kuwa kale.
Balse gaaskan fudud oo aan lagu ogeyn halis hore ayey dadku u adeegsadaan siyaabo kale oo ay ka mid yihiin meelaha xafladaha ah iyaga oo nuugaya ka dibna qosol la dhacaya, waana taas sababta keentay in la ogaado inuu leeyahay halis caafimaad oo xataa dhimasho ah.
Dhakhaatiirta cisbitaal ku yaal bariga London ayaa sheegay inay arkayaan kiisas badan oo halis ah kuwaas oo ku saabsan si xun u isticmaalka gaaska qosolka taasoo keentay inay dejiyeen habraacyo daaweyn oo loogu talagalay shaqaalaha gudaha UK.
Gaaska 'Nitrous oxide', oo lagu iibiyo gasacadaha birta, waa mid ka mid ah dawooyinka inta badan ay isticmaalaan dhalinta 16 ilaa 24 sano jirka ah.
Isticmaalka badan wuxuu u horseedi karaa yaraanta fiitamiinada taasoo dhaawaceysa neerfaha laf dhabarta.
Kooxda Royal Hospital ee London ayaa sheegay in dhakhaatiirtu ay u baahan yihiin inay feejignaadaan.
Waxay la kulmaan kiis cusub toddobaad walba oo ah qof dhibaato kasoo gaadhay isticmaalka gaaskan.
Bukaannadani waxay la yimaadaan astaamo la xiriira neerfaha - iyagoo aan awoodin inay socdaan, iska dhacaya ama gariiraya ama luminta dareenka cagaha iyo gacmaha.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Qaarkood waxay dhibaatooyin ka qabaan kaadiheysta, dareemayaasha iyo mindhicirrada ama ceshad la'aanta kaadida.
Prof Alastair Noyce, oo ah lataliye ku takhasusay neerfaha oo ka tirsan jaamacadda Queen Mary ee London, ayaa BBC-da u sheegay: "Kuwa aan badanaa aragno waa da’ yar - dhallinyaro iyo dadka 20-meeyo jirka ah.
"Waxa hadda muuqda waa darnaanta. Waxaan aragnay kororkaas 12-kii bilood ee la soo dhaafay."
Waxa uu sheegay in laga yaabo in ay la xidhiidho dadka isticmaala daasadaha waaweyn ee gaaska oo qaadi kara inta ay qaadan 60 ama 70 xabbo oo ka mid ah gasacadaha yaryar ee lagu arki karo waddooyinka iyo jardiinnada.
"Haddii aad isticmaalaysay oo aad isku aragtid calaamadaha, jooji isticmaalka isla markiiba oo u raadso gargaar caafimaad sida ugu dhakhsaha badan," ayuu yidhi.
Gaaskani waxa uu dhaawici karaa habdhiska dareenka isa goo carqaladeynaya kiimikaadka dheef-shiid fitamiin B12. Tani waxay dhaawacdaa lakabka difaaca ee neerfaha, oo sida caadiga ah kuwa ku yaal gadaasha lafdhabarta.
Si deg deg ah oo loo saxo yaraanta fitamiin B12, iyadoo lagu durayo fiitamiinada, waxay ka hortagi kartaa dhaawac joogto ah.
Tilmaamaha, oo ay ayideen Ururka Dhakhaatiirta Neerfaha ee Ingiriiska oo ay qoreen khabiiro ka socda Manchester, Birmingham, Nottingham iyo Jaamacadda Queen Mary ee London, waxay uga digayaan dhakhaatiirta timaamaha la raadiyo iyo sida loo daweeyo.
Maxay yihiin halisaha gaaska qosolka (Nitrous oxide)?
Nitrous oxide waxay hoos u dhigtaa maskaxdaada iyo jawaab celinta jidhkaaga
Hadii aad iska badiso waad suuxi kartaa, miyir beeli karta , ama neefta aya ku qaban karta
Isticmaalka culus ee daba-dheeraada wuxuu kaloo sababi karaa dhaawaca neerfaha
In aad si toos ah uga nuugto qasacadda, aadbey halis u tahay - gaasku waa baraf qabow cadaadis sarena leh, kaas oo dhaawici kara dhuunta iyo sambabada, joojinta neefsashada ama hoos u dhigi karta shaqada wadnaha
Waxa kale oo ay keeni kartaa dareen gaaban laakiin aad u daran oo shakiga nafsaaniga ah
Dowladda England iyo Wales ayaa ka fikiraysa mamnuucida isticmaalka iyo iibinta sababo la xiriira caafimaadka.
Bishii Janaayo, Nederland waxay noqotay waddankii ugu horreeyay adduunka ee isticmaalka gaaskan sharci darro ka dhiga.
Masuuliyiinta ayaa sheegay in gaaska weli loo isticmaali karo arrimo caafimaad, suuxin ahaan, iyo warshadaha cuntada - sida kicinta samaynta kareemka.

Xigashada Sawirka, EMMA CAIN
Emma Cain, oo wayday wiilkeeda Jon ka dib markii uu isticmaalay nooc kale oo gaas ah oo kacsan oo lagu magacaabo butane, ayaa dhalinyarada kale uga digaysa khatarta ay leedahay in la nuugo gaaskan.
Jon wuxuu ku dhintay da'da 17 jir waxaanu wadnuhu istaagay 2011 isla markiib markii uu neefsaday gaaska fudud.
Wareysi ay siisay BBC bishii Oktoobar, ayay ku tiri: "Waxaan ahay hal qof oo keliya, oo isku dayaya inaan dadka ka joojiyo inay isticmaalaan, xataa hadii ay ka dhigantahay inaad waddoyinka ku joojiyo, taas ayaan sameyn doonaa.
"Waxaan u sheegi doonaa inay khatar tahay, iyo inay noloshooda ku ciyaarayaan."
Kerry-Anne Donaldson, oo 26 jir ah, kana timid London, ayaa bilawday qaadashada gasacadaha gaasta qosolka markii ay 18 jir ahayd, badanaa marka ay xafladaha joogto.
Markii ugu horeysay ee Kerry-Anne ay ku dhammaato cisbitaalka, aad bay u bukootay - laakiin way sii waday qaadashada "si aan u helo dareenka sare ee aan dareemay".
Lugaha, gacmaheeda iyo cagaheeda ayaa noqday kuwo aad kabuubyo u ah oo xiiqsan ilaa, sannadkii hore ay socodka gabtay.

Xigashada Sawirka, KERRY-ANNE DONALDSON
"Waxaan ahaa 24 jir, mana aanan samayn tan iyo markii aan 23 jirsaday - laakiin waxyeelladu weli way jirtaa," ayay tiri.
Waxay sheegtay inay hadda kacdo oo ay ku dhex wareegi karto gurigeeda, balse aanay aadi Karin dukaanka.
"Fariinta aan u dirayo dadka kale waxay noqon doontaa 'ha samaynina,'.
"Ugu yaraan naftaada baro oo ogow waxyeelada ay keeni karto. Maan dhegaysan oo waxaan ka qariyey saaxiibaday inaan isticmaalo," ayay tidhi.
Golaha la-talinta ee ku-takri-falka maandooriyaha ayaa la filayaa inuu bixiyo talo ku saabsan in nitrous oxide dembi laga dhigo iyo in kale sannadkan.
Prof Tom Warner, oo madax ka ah Ururka Dhakhaatiirta Neerfaha ee Ingiriiska, ayaa sheegay in u isticmaalka nitrous oxide madadaalo ahaan ay leedahay khatar weyn.













