Maxaan ka ognahay toogashadii lagu dilay shaqaalaha safaaradda Israa'iil?

Xigashada Sawirka, Embassy of Israel to the USA
Safaaradda Israa'iil ee Maraykanka ayaa baahisay magacyada lamaanaha la dilay, waxayna sheegtay in shaqaalaheedu "ay ka xumaadeen oo ay aad uga xumaadeen dilkooda".
"Ma jiro eray lagu cabiri karo murugada iyo naxdinta naga haysata khasaarahan argagaxa leh. Quluubtayadu waxay la jirtaa qoysaskooda, safaaradeenuna way garab istaagi doontaa inta lagu jiro xilligan xun."
Yechiel Leiter, oo ah safiirka Israa'iil ee Maraykanka, ayaa sheegay in lammaanaha da'da yar ay ku balansanaayeen inay guursadaan.
"Ninka dhalinyarada ahaa waxa uu iibsaday faraanti usbuucan isaga oo damacsanaa in uu saaxiibtiis guur ka dalbado toddobaadka soo socda," ayuu ku sheegay shir jaraa'id.
"Waxay ahaayeen lamaane qurux badan."
Wadaad yahuudo ah ku sugan Washington oo la kulmay lamaanaha ayaa yiri "waxay ahaayeen dad wanaagsan oo caan ah".
Levi Shemtov ayaa u sheegay barnaamijka Radio 4 ee BBC in uu ku arkay lamaanahan xafladaha ay qabsadaan Yuhuuda ee magaalada.
Waa "war aad u naxdin badan", ayuu yiri.
Maxay yiraahdeen goobjoogayaashu?
Goob joogayaal ayaa faah faahin ka bixiyay qasaaraha ka dhashay weerarka oo ka dhacay afaafka hore ee Madxafka Yahuudda.
"Abaarihii 09:07 ayaa waxaan maqalnay rasaas, ka dibna nin ayaa soo galay oo u muuqday mid aad u murugeysan, waxaana u maleynay inuu u baahan yahay caawimo oo uu u baahan yahay hoy ammaan ah," ayay tiri Katie Kalisher.
Yoonis Kalin oo isna goobta ka hadlay ayaa yiri: "Markaa dadku waa ay dejinayeen, oo biyo siinayeen, oo daryeelayeen, waa ay yareed xogta aan ka ogayn in uu yahay qof dil toogasho ah ku fuliyay dad aan waxba galabsan.
"Waxa uu ahaa ninkii toogashada geystay. Markii ay booliisku soo yimaadeen, waxa uu u sheegay waxa uu sameeyay iyo in uusan hubaysnayn.
"Wuxuu soo saaray koofi cas, wuxuuna uuna yiri, 'Waxaan u sameeyay Gaza, Falastiin xor ah, waxaa jira hal xal oo kaliya. Kacaanka Intifada', oo kaliya wuxuu ku qeylinayay 'Falastiin xor ah'.
Maxay ahayd munaasabaduu?
Munaasabadaan oo ka dhacday Matxafka Yahuudda ayaa ahayd mid la isugu keenayo aqoonyahannada da'da yar ee Yuhuudda iyo bulshada diblumaasiyadda.
Qabanqaabiyaha, Guddiga Yuhuudda Mareykanka, ayaa sheegay inay u furan tahay dadka diblumaasiyiinta ah eek u sugan Washignton DC. Mawduuca xaflada ayaa ahaa sida "xanuunkii ujeedo loogu rogo".
Waxaa la sheegay in lagu casuumay munaasabadda qabanqaabiyeyaasha gargaarka bini'aadantinimo ee ka jawaabaya dhibaatooyinka bini'aadantinimo ee Bariga Dhexe, oo ay ku jirto Gaza.
Saacadaha ay dhacayso ayaa si guud loo baahiyay, laakiin goobta waxaa lala wadaagay kaliya kuwa isu-diiwaangeliyay inay ka soo qaybgalaan.

Muxuu ka yiri Donald Trump?
Madaxweyne Donald Trump ayaa cambaareeyay weerarka wuxuuna ku tilmaamay mid naceyb dadka yahuudda ah.
Qoraal uu ku daabacay bartiisa bulshada ee Truth Social, wuxuu yiri: "Dilalkan foosha xun ee DC, ee ku saleysan nacaybka, waa inay dhamaadaan, hadda!
"Nacaybka iyo xagjirnimadu meel kuma laha Maraykanka, tacsi ayaan u diraynaa qoysaska dhibanayaasha.
"Aad ayaan uga xumahay in waxyaalahan oo kale ay dhacaan! Ilaah ha idin barakeeyo dhammaantiin!"
Maxay ka tiri Israel?
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Raiisel wasaare Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in uu aad uga carooday dilka naxdinta leh ee naceybka ka dhanka ah Yahuudda ee loo geystay dhibanayaasha.
"Qalbigaygu wuxuu u murugoonayaa qoysaska dhalinyarada aan jeclahay, kuwaas oo noloshoodu uu daqiiqad yar ku goyay gacan ku dhiigle nacayb ka buuxo," ayuu yiri.
"Waxaan amar ku bixinayaa in la kordhiyo ammaanka howlgallada Israa'iil ee adduunka iyo wakiillada dowladda."
Wasiirka arrimaha dibadda ee Israa'iil Gideon Sa'ar ayaa sheegay in dhimashada lamaanahan ay tahay "natiijo toos ah oo ka dhalatay sunta, kicinta nacaybka ka dhanka ah Israa'iil iyo Yuhuudda adduunka oo dhan taasoo socota tan iyo xasuuqii 7-dii Oktoobar".
Israa'iil ayaa Qasa ka billowday olole millatari oo ay kaga jawaabayso weerarkii xudduudaha ee Xamaas ee 7-dii Oktoobar 2023 kii, kaas oo qiyaastii 1,200 qof lagu dilay 251 kalena lagu qafaashay.
Ugu yaraan 53,475 qof ayaa lagu dilay Qasa tan iyo markaas, oo ay ku jiraan 3,340 la dilay markii weerarka Israa'iil uu dib u billowday, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Qasa.













