Trump oo Ramaphosa ka hor sheegay dhibaato Koonfur Afrika ay ku wajahayaan dadka cadaanka

Trump

Xigashada Sawirka, Shutterstock

Kulan ujeedkiisu ahaa qaboojinta xiisadda u dhaxeysa Mareykanka iyo Koonfur Afrika ayaa beddelkeeda waxaa ka dhashay dooda isdifaacda ee madaxweyne Donald Trump isaga oo ku andacoonaya in beeraleyda caddaanka ah ee dalkaasi la laayo oo "la dhibaateynayo".

Booqashada Ramaphosa ee Aqalka Cad oo u jeedku ahaa hagaajinta xiriirka ay la leeyihiin Washington ayaa sidoo kale timi todobaad ka dib markii uu Maraykanku magangelyo siiyey ku dhawaad 60 Afrikaanaska, iyada oo Koonfur Afrika ay dhibsatay arintaasi.

Taa baddalkeeda, Trump ayaa kaga yaabsaday Ramaphosa intii lagu jiray shir jaraa'id oo toos ah oo si weyn loo cambaareeyay sheegashada "xasuuq cad" ee Koonfur Afrika.

Waxa uu daaray muuqaal muujinaya mudaharaad ay ku muujinayaan kumanaan isgoosyo jid gooya ah – isaga oo ku andacoonaya in ay ahaayeen goobo lagu aasay beeralayda caddaanka ah ee la dilay.

Trump ayaa sheegay in aanu garanayn meel laga duubay oo Koonfur Afrika ah , muuqaalkaasina BBC-du ma aysan xaqiijin.

Kahor kulanka Arbacada ee Aqalka Cad, hogaamiyaha Koonfur Afrika ayaa adkeeyay in hagaajinta xiriirka ganacsi ee kala dhaxeeya Mareykanka ay tahay ahmiyadiisa. Wax dhoofinta Koonfur Afrika ee Maraykanka ayaa wajahday 30% canshuurta Trump ee soo dejinta oo dhammaanaysa bisha Luulyo.

Ramaphosa waxa uu rajaynayay in uu soo jiito Trump intii uu kulanka socday,isaga oo ay la socdeen laba ciyaartooy oo Koonfur Afrikaan ah oo caan ah oo Golf ah,waxana uu hadiyad ahaan u siiyay buug aad u weyn oo ay ku jiraan ciyaaraha Golf-ka ee dalkiisa.

Kulankan ayaa yimid maalmo kadib markii 59 qof oo cadaan ah oo u dhashay dalka Koonfur Afrika ay gaareen dalka Mareykanka, halkaasi oo ay ku heleen sharci qaxootinimo. Ramaphosa waxa uu sheegay in wakhtigaas ay ahaayeen "fulayaal".

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Filimku waxaa ka muuqday codkii hogaamiyaha mucaaradka Koonfur Afrika Julius Malema oo ku heesaya: "Toogo beeralayda [Afrikaner], Toogo beeralayda ". Ka dib waxa ay muujisay beer iskutallaab ah, oo madaxweynaha Maraykanku uu ka hadlayay sawirada uu sheegay inay ahayd goob ay ku aasan yihiin beeralayda caddaanka ah. Iskutallaabtu dhab ahaantii waxay qayb ka ahayd mudaaharaad, ma aha qabuuraha, ee beeralayda la dilay.

Waxa uu Ramaphosa u dhiibay wax u muuqday daabacaadda sheekooyinka dadka caddaanka ah ee lagu weeraray Koonfur Afrika. Trump waxa uu sheegay in uu marti u yahay uu ka doonan doono "sharaxaadda" sheegashada "xasuuqa" cadaanka ah ee ka socda Koonfur Afrika, taas oo si weyn loogu hungoobay.

Ramaphosa oo u jawaabayay muqaalka mucaaridku waxa ay ku dhawaaqayeen, waxa uu yiri, "Waxa aad aragteen- khudbadihii la jeediyay... taasi maaha siyaasad dawladeed, waxa aanu Koonfur Afrika ka leennahay dimuqraadiyad xisbiyo badan leh oo u ogolaanaysa dadku in ay fikirkooda dhiibtaan.

"Siyaasaddeenna dawladeed gabi ahaanba way ka soo horjeeddaa wixii uu isagu [Malema] ka sheegayay xataa baarlamaanka dhexdiisa waana xisbi yar oo laga tiro badan yahay, kaas oo loo ogol yahay inuu jiro sida dastuurkeenu qabo.

Ramaphosa ayaa Arbacadii sheegay in uu rajaynayo in Trump uu dhageysto codadka dadka Koonfur Afrikaanka ah ee arrintan ku saabsan. Wuxuu tilmaamay xubnaha caddaanka ah ee wafdigiisa, oo ay ku jiraan ciyaartoyda goolafka ee kala ah Ernie Els iyo Retief Goosen, iyo ninka ugu taajirsan Koonfur Afrika, Johann Rupert.

"Haddii uu dhici lahaa xasuuq, saddexdan mudane halkan ma joogeen," ayuu yiri Ramaphosa.

Trump ayaa hadalka soo dhexgalay: "Laakin waxaad u ogolaatay inay dhul qaataan, kadibna markay dhulka qaataan, waxay dilayaan beeraleyda cadaanka ah, markay dilaan ninka cadaanka ah waxba kuma dhacayo".

"Maya," Ramaphosa ayaa ku jawaabay.

Hoggaamiyaha Maraykanka ayaa u muuqday mid tixraacayay in Malema iyo xisbigiisa oo aan ka tirsanayn dowladda ay awood u leeyihiin in ay la wareegaan dhulalka beeraleyda caddaanka ah, taas oo aysan awood u lahayn.

Sharci muran badan dhaliyay oo uu saxiixay Ramaphosa horraantii sanadkan ayaa u ogolaanaya dowladda inay la wareegto dhul si gaar ah loo leeyahay iyadoon wax magdhow ah laga siin xaaladaha qaarkood. Dowladda Koonfur Afrika ayaa sheegtay in aysan jirin wax dhul ah oo lagu qabsaday falkan.

Ramaphosa waxa uu qiray in dalkiisa ay ka jirto dambiyo...dadka lagu dilo fal-dambiyeedka ma aha oo kaliya dadka cadaanka ah,inta badanina waa dadka madowga ah.

Isaga oo tixraacaya iskutallaabyada ku jira muuqaalka, Trump wuxuu yiri, "Beeralayda maaha madow, anigu ma dhahayo taasi waa mid wanaagsan ama xun, laakiin beeraleydu maaha kuwo madow..."

Koonfur Afrika ma sii dayn tirooyinka dembiyada ku salaysan jinsiyaddaha, laakiin tirooyinka ugu dambeeyay waxay muujinayaan in ku dhawaad 10,000 oo qof lagu dilay waddanka intii u dhaxaysay Oktoobar iyo Disembar 2024. Kuwaas, daraasiin ka mid ah, ayaa lagu dilay weerarro beeralay ah iyo 12 ka mid ah, mid ka mid ah wuxuu ahaa beeralay, halka shan ay ahaayeen dad beeralay ah iyo afar ay ahaayeen shaqaale, kuwaas oo ay u badan tahay inay ahaayeen madow.

Sheegashada xasuuqa ee Koonfur Afrika ayaa ku dhex wareegaysay kooxaha garabka midig muddo sanado ah. Bishii Febraayo, garsooraha Koonfur Afrika ayaa ku gacan seyray sheegashada sida "si cad loo mala awaalay" iyo "aan ahayn wax dhab ah", markii uu xukumayay kiis dhaxal ah oo ku lug leh deeqo loo fidiyay kooxda caddaanka ah.

Markii Trump uu arrinta ku cadaadinayey, Ramaphosa wuu is-dejiyey-wuxuuna isku dayey inuu ku kaftamo inuu diyaarad u soo bandhigo Maraykanka.

Waxa uu ku baaqay magaca halyeygii ka soo horjeeday midab-takoorka Nelson Mandela, isaga oo sheegay in Koonfur Afrika ay weli ka go'an tahay dib u heshiisiin jinsiyadeed.

Markii weriyaha uu waydiiyay waxa dhici kara haddii beeralayda cadaanka ahi ay ka tagaan Koonfur Afrika, Ramaphosa waxa uu su'aasha u leexiyay wasiirkiisa beeraha ee cadaanka ah, John Steenhuisen, oo sheegay in beeralayda intooda badani ay doonayaan inay sii joogaan.

Bishii Febraayo, madaxweynaha Maraykanka ayaa ku dhawaaqay laalista gargaarka Koonfur Afrika, isaga oo u soo bandhigay Afrikaanaska oo badankoodu ka soo jeeda asal ahaan dadka la deegaameeyay ee Holandiiska iyo Faransiiska inuu dib u dajin uga sameeyo Maraykanka iyaga oo qaxooti ah. Sidoo kale safiirkii Koonfur Afrika ee Washington Ebrahim Rasool ayaa la cayriyay bishii Maarso ka dib markii uu ka hor uu cambaareeyay Trump