Sida uu shaaha xornimo ugu horseeday Mareykanka

Xigashada Sawirka, Getty Images
Bisha May 21-keeda sanad kasta dunida waxaa laga xusaa maalinta Shaaha oo la sheego in malaayiin ay cabaan maalintii. Guryaha, xafiisyada, jidadka iyo xitaa baarlamaanada adduunka ayaa lagu dhex cabaa.
Taariikhda shaaha inta badan ma ahan mid la xiriirta nabadda. Waxaa jirtay xili koobka shaaha uu ahaa hub dagaal.
Waxaa jira dagaallo uu saahaha ka bilowaday oo badalay sida adduunka loo arko, waxaana ka mid ah taas sida uu ku dhismay dalka adduunka ugu weyn oo ah Mareykanka.
Kacdoonkii Shaaha Boston ee 1773-dii
Qarnigii 18-aad, Ingiriiska ayaa gumeysanayay Mareykanka. Dowladii Britain waxay bilowday in ay canshuurto badeecooyin kala duwan, balse midda la saaray shaaha ayaa aheyd tii ugu darneyd.
Dadka Mareykanka waxay dareemeen in aysan u qalimin in canshuur la siiyo dowlad aan matalaad ku laheyn kongareeska.
Bishii Nofember sanadkii 1773-dii, waxaa yimid magaalada Boston saddex markab oo u siday xamuul shaah ah shirakdda Britain ee East India. Habeenkii 16-ka desember ayey koox mudaaharaadeysay oo u soo labisatay sida dadka Mareykanka loogu yimid fuuleen maraakiibta, waxayna badda ku daadiyeen in ka badan 340 sanduuq oo shash ah. Dhacdadaas ayaa loo yaqaan "Dhacdadii Shaaha Boston."
Maxaa dhacdada Shaaha loogu qabtay Boston?

Xigashada Sawirka, (Agostini/Getty Images)
Sanadkii 1760-kii, Ingiriiska waxay ku jireen deyn weyn sidaa darteed baarlamaanka Britain wuxuu canshuuro ku soo rogay dadkii la dajiyay Mareykanka si deyntaas loo bixiyo.
Sharciga tirsigiisu ahaa 1765 ee Oktoobar ayaa saarayay dadka dhulka la dajiyay canshuuro in ay ka bixiyaan warqad kasta ay isticmaalaan sida kaararka lagu ciyaaro, shatiyada ganacsiga, wargeysyada iyo dokomintiyada sharciga ah.
Xeerka Townshend ee 1767 wuxuu gaaray meel kasta, xitaa wuxuu canshuur saray waxyaabaha aasaasiga sida waraaqaha, dhalooyinka iyo shaaha.
Dowaldda Britian waxay u aragtay canshuurahan in ay cadaalad yihiin maadaama deynta badan oo loo haysto ay ka timid dagaaladii ay gashay.
Dadka dhulka la dajiyay taas way ka horyimaadeen. Waxay ka caroodeen in canshuur la saaray iyagoon cidi ku mataleynin baarlamaanka, waxayna sidoo kale dareemeen in Britain ay ku qaldan tahay in ay canshuurto si ay u sameyso daqli.
Xaqiiqda ku saabsan xasuuqa dhacdadii Shaaha

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Bishii Maarso 15-keedi sanadkii 1770-kii, waxaa wadooyinka ku dagaallamay dadka dhulka la dajiyay iyo ciidamadii Britain.
Dagaalkaas waxaa markii dambe loo bixiyay xasuuqii Boston. Dagaalka waxa uu bilowday kaddib markii koox dadka dhulka la dajiyay oo gadoodsan ay ka niyadjabeen ciidamada Britain ee joogay wadooyinkooda. Waxay tuuryeeyeen ciidamada Britain ee ilaalada ka ahaa aqalka kostamka ee Boston.
Ciidamada markii ay yimaadeen waxay raaas ku fureen ragii halkaas joogay iyagoo dilay 5 ka mid ah, waxayna dhaawaceen lix kale. Xasuuqii Boston wuxuu dhaliyay in aad looga caroodo gumeysigii Britain.
Dhacdadaas way ka sii dartay. Habeenkaas, koox rag ah oo la sheegay in intooda badan ka mid ahaayeen dagaalyahanada xorriyad doonka ayaa soo xirtay dharka lagu yaqaanay dadka asalkooda dhulka loogu yimid. Maraakiibta ayey fuuleen iyagoo badda ku daadiyay 342 sanduuq oo shaah ah.
George Hewes oo ka mid ahaa dadkii ka qeybgalay ayaa sidan yiri, "taliyaheena ayaa nagu amray in aan badda isku tuurno, degdeg ayaan u fulinay amarkiisa."
Hewes wuxuu sidoo kale sheegay, "Waxaa na hareereeyay maraakiib hubeysan oo Britain leedahay balse iskuma dayin in ay nala dagaallamaan."
Kooxda gadoodsan waxay ka koobnaayeen ganacsato iyo kuwa dhulka la dajiyay oo sameeyay isbahaysi ay kaga horjeedeen canshuuraha la soo rogay. Waxaa ka mid ahaa kooxda muwaadiniin caan ah sida Benedict Arnold, Patrick Henry, Paul Revere, iyo sidoo kale Adams and Hancock.
Natiijada Maxay noqotay?
Dhacdadaas waxaa ka dhashay cawaaqib. Dowladda Britain si caro leh ayey laga kaga jawaabtay iyadoo meel marisay sharciyo adag oo loo yaqaan "falalka aan la aqbali Karin" kaas oo xiyaarad kale sii saaray dadka dhulka yimid.
Waxaa laga noqday dhammaan canshuuraha la saaray marka laga reebo tan shaaha. 1.2 milyan daqli ah ayaa ka soo xaroonayay Shaaha ay sanad kasta cabaan dadkaas, lama dooneyn in la dhaafo tas.
Dadka dhulka la dajiyay waxay diideen shaaha shirakdda British East India, waxayna si dhuumaaleysi ah ku keensaden shaaha dalka Netherlands, taasna waxay keentay in shirkadda British East India ay lumiso malaayiin sidaasna ay ku musalafto.
Bishii May sanadkii 1773-dii, baarlamaanka Britian wuxuu meel mariyay sharciga Shaaha taas oo u ogolaaneysay shirkadda British East India in ay iibiso shaah aan canshuur saarneyn iyo qiimaha ka hooseeya shaaha shirkadaha kale.
Inkastoo ganacsiga shaaha uu krodhahay hadana shirkadaha ugu waa weyn ee shaaha dhoofiya sida John Hancock iyo Samuel Adams ee ka horyimid canshuuraha shaaha la saaray waxay doonayeen in difaacdaan shaaha ay dhuumaaleysiga ku soo geliyaan.
Carada ayaa meel sare gaartay. Kaddib waxaa bilowday dagaalkii militeri ee loo yaqaanay Kacdoonkii dagaalka Mareykanka ee 1775-tii. Ugu dambeyn, 1776-dii waxaa xornimo qaatay oo abuurmay dalka hadda loo yaqaan Mareykan.













