Maxay tahay sababta loo baadhayo baraha bulshada ee dadka Maraykanka u socda?

Xigashada Sawirka, Reuters
Tánaiste (Ra'iisul Wasaare ku xigeenka Ireland) Simon Harris ayaa muujiyay walaac ku saabsan go'aanka Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Mareykanka ay ku kordhisay shuruudaha fiisaha ardayda.
Todobaadkii hore, Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in ay dib u bilaabeyso jadwalka ballamaha fiisayaasha ardayda caalamiga ah, kaddib markii ay joojisay geeddi-socodkaas dhammaadkii bisha May.
Codsadayaasha cusub ayaa hadda looga baahan doonaa in ay barahooda bulshada ka dhigaan kuwo dadweynuhu arki karo, si loogu sameeyo hubin dheeraad ah.
Harris ayaa sheegay inuu qorsheynayo inuu arrintan kala hadlo safiirka cusub ee Mareykanka ee Ireland, oo la filayo inuu si rasmi ah xilka u qabto bisha soo socota.
Mr Harris wuxuu intaa ku daray in uu faray saraakiishiisa in ay si toos ah ula xidhiidhaan safaaradda Mareykanka ee Dublin, si ay u helaan faahfaahin buuxda oo ku saabsan nidaamkan cusub.
Wuxuu sidoo kale yidhi: "Waxaan faray saraakiishayda inay la xidhiidhaan jaamacadaha iyo hay'adaha taageera ardayda doonaya inay u safraan Mareykanka."
Inkastoo Harris uu qiray in siyaasadda socdaalka Mareykanku ay tahay arrin u gaar ah dowladda Mareykanka, haddana wuxuu sheegay in go'aankaas uu sababay "walaac weyn, jahawareer iyo cabsi" oo ku dhacay dhalinyarada Irish-ka ah ee doonaysa inay u safraan Mareykanka.
"Waxa muhiim ah in sannad kasta kumannaan qof ay u safraan labada dhinac. Xidhiidhka jiilasha ee dadka Mareykanka iyo Ireland wuxuu ka bilaabmaa fursadaha labada dal ay siiyaan dhalinyaradooda."
"Waa muhiim in aan ka shaqeyno sidii aan xiriirkaas u ilaalin lahayn."
Xeerarkii Trump
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Xukuumadda Trump ayaa go'aansatay dhammaadkii bisha May inay joojiso jadwalka ballamaha fiisayaasha ardayda, iyaga oo isu diyaarinayay in ay adkeeyaan tallaabooyinka lagaga hortagayo codsadayaasha loo arko in ay Mareykanka u nugul yihiin ama khatar ku yihiin.
Qeyb ka mid ah war-murtiyeedkii toddobaadkii hore, waxay ku sheegeen in dib loo bilaabayo jadwalka ballamaha, balse laga doonayo dhamaan codsadayaasha in ay barahooda bulshada dadweynuhu u arki karo, si loo sameeyo baaritaan adag.
Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Mareykanka ayaa sheegay in dadka barahooda bulshada ka dhigaya kuwo gaar ah (private) loo arki karo inay isku dayayaan inay wax qariyaan.
Waxaa la sheegay in saraakiisha la faray in ay ballaadhiyaan baadhitaanka baraha bulshada ee codsadayaasha, ayna raadiyaan "wax kasta oo muujinaya nacayb ama colaad loo qabo shacabka, dhaqanka, dowladda, hay'adaha ama mabdayada aas-aaska u ah Mareykanka."
"Sida shacabka Mareykanka ka filayaan dowladdooda, waa in dadaal kasta la sameeyaa si dalka loo sugo, waana taas waxa xukuumadda Trump ay maalin walba ku howlan tahay," ayuu yidhi sarkaal sare oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibedda.
Yay saameynaysaa?
Xeerarkan cusub waxay saameyn doonaan dhamaan codsadayaasha fiisaha F, oo ah nooca ay adeegsadaan ardayda jaamacadaha.
Sidoo kale waxay saameyn doonaan codsadayaasha fiisaha M, oo loogu talagalay ardayda xirfadaha badhanaya, iyo fiisaha J, oo ay isticmaalaan ardayda barnaamijyada is-weydaarsiga ka qeyb qaadanaya, sida uu sheegay afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda.













