Trump ma haystay awood sharciyeed oo uu Iran ku weeraro?

.

Tan iyo markii Madaxweyne Donald Trump uu amray weerarkii lagu qaaday dhowr xarumood oo nukliyeer ah oo ku yaalla Iran dhammaadkii usbuucan, xildhibaanno ka tirsan labada xisbi – Dimoqraadiga iyo xisbigiisa Jamhuuriga – ayaa su'aal geliyay sharciyadda uu u leeyahay arrintaas.

Xildhibaanka Jamhuuriga ah Thomas Massie ayaa ku qoray baraha bulshada X in weerarradu aysan "waafaqsanayn dastuurka", halka xildhibaan kale oo Jamhuuri ah, Warren Davidson, uu isna qoray in ay "ay adag tahay in la fahmo dastuur ahaan hawshan".

Laakiin Afhayeenka Aqalka Wakiillada ee Jamhuuriga, Mike Johnson, ayaa difaacay madaxweynaha, isaga oo sheegay in Trump uu "qiimeeyay in khatarta degdegga ah ay ka cuslayd waqtiga ay qaadan lahayd in Congress-ka lala tashado", isagoo intaa ku daray in "ay jirto dhaqan ah in madaxweynayaashii hore ee labada xisbi ay qaadayeen tallaabooyin ciidan oo la mid ah".

BBC Verify ayaa waydiisay khubaro dhanka sharciga ah in tallaabada Trump ay waafaqsanayd dastuurka Maraykanka iyo in kale, iyo in ay ahayd inuu marka hore la tashado Congress-ka.

Muxuu dastuurku ka leeyahay hawlgallada millateri?

Waxaa jira laba qodob oo Dastuurka Mareykanka ah oo khuseeya arrintan: Qodobka I iyo Qodobka II.

Qodobka I wuxuu si cad u sheegaya in awoodda "ku dhawaaqista dagaal" uu leeyahay Congress-ka (golaha sharci-dejinta).

Laakiin Qodobka II – oo qeexaya awoodaha madaxweynaha – wuxuu dhigayaa in "madaxweynuhu yahay Taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida ee Mareykanka". Ilo ku dhow Aqalka Cad ayaa u sheegay BBC-da in tan ay tahay sababta ay u arkaan in weerarrada Iran in ay sharci ku yihiin.

Khubarada garsoorka dastuuriga ah waxay sheegeen in Qodobka II uu siiyo madaxweynaha awood uu ciidamo u adeegsan karo xaalado gaar ah.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

In kasta oo xaaladahaas aan si faahfaahsan loogu xusin Dastuurka laftiisa, haddana waxay si waafaqsan fasiraadaha dambe u jiraan xaalado ay ka mid yihiin "weerarro dhacay ama la filayo" ama "kor u qaadidda danaha qaran ee muhiimka ah", sida ay sheegayaan khubaro ka tirsan Golaha Xidhiidhka Caalamiga ah (Council on Foreign Relations).

Danaha qaran ayaa lagu sheegay ka hortagga faafitaanka hubka nukliyeerka – taas oo maamulka Trump uu sheegay inay ahayd sababta uu ugu sababeeyay weerarrada lagu qaaday Iran.

Afar khabiir oo ku takhasusay dastuurka ayaa u sheegay BBC Verify in Trump uu lahaa awood qaanuuni ah xaaladdan si uu amrro weerarkan ciidan.

"Jawaabta kooban waa haa, wuu lahaa awooddaas," ayey tiri Claire Finkelstein, oo ah borofasoor ka tirsan Jaamacadda Pennsylvania ee Qaybta Sharciga. "Waxaa jiray dhaqan soo jireen ah oo ay madaxda Mareykanka ku fuliyeen howlgallo ciidan oo gooni-gooni ah iyaga oo aan oggolaansho ka haysan Congress-ka."

Khabiir kale oo ku takhasusay sharciga dastuuriga ah, Jessica Levinson oo ka tirsan Jaamacadda Loyola Marymount, ayaa sheegtay in madaxweynuhu leeyahay awood xaddidan oo uu ku amri karo duqeymo cirka ah ilaa inta aanay "ugu dambeyn isu beddelin dagaal dhab ah – inkasta oo aan si cad loo qeexin goorta ay arrintu u ekaanayso dagaal".

Si kastaba ha ahaatee, Andrew Rudalevige, oo ah borofasoor ka tirsan cilmiga dowladnimada ee Jaamacadda Bowdoin, ayaa u sheegay BBC Verify inuusan rumaysnayn in Trump uu lahaa awood uu ku bilaabo weerarradan cusub, maadaama uusan jirin "weerar degdeg ah oo is difaacid ku qabsayay".

Inkasta oo Qodobka I uu siinayo Congress-ka awoodda ay ku iclaamin karaan dagaal, hadana awooddaas si aad u yar ayaa loo adeegsadaay. Markii ugu dambeysay ee Congress-ka uu adeegsaday awooddan waxay ahayd 1942 kadib weerarkii Japan ay ku qaadeen Pearl Harbor intii lagu jiray Dagaalkii Labaad ee Adduunka. Ka hor tan, waxaa la isticmaalay kaliya 10 jeer tan iyo 1812.

Khubaradu waxay sidoo kale sheegeen in madaxda Mareykanka ay si isa soo taraysa u adeegsadaan awoodda ay u leeyihiin inay amar ku bixiyaan howlgal ciidan iyaga oo aan oggolaansho ka helin Congress-ka.

John Bellinger, oo ahaa la-taliye sharciyeed oo ka tirsanaa Aqalka Cad xilligii Madaxweyne George W. Bush, ayaa yidhi: "Tobananeeyadii sano ee u dambeysay, Congress-ka wuxuu si tartiib tartiib ah ugu oggolaaday madaxweynayaashu in ay adeegsadaan awood ciidan si ay u fuliyaan ujeeddooyin kala duwan iyaga oo aan haysan oggolaansho rasmi ah."

Maxay sameeyeen madaxweynayaashii kale?

Madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama ayaa amar ku bixiyay duqeymo dhanka ah oo ka dhacay Libya isagoo aan oggolaansho ka helin Congress, waxaana xukuumaddiisa ay ku sababeeyeen arrintaas Qodobka II, sida oo kale wxaa lagu sababeeyay howlgalkii lagu dilay Osama Bin Laden ee ka dhacay Pakistan sannadkii 2011.

Intii uu Donald Trump xilka hayay, wuxuu isna amar ku bixiyay dilkii sarkaalkii milateriga Iran Qasem Soleimani isagoo aan la tashan Congress-ka.

Madaxweyne Dimoqraadiga ahaa Bill Clinton ayaa isna duqeymo ka bilaabay Balkan-ka bartamihii 1990-meeyadii isagoo aan helin oggolaansho rasmi ah, halka madaxweynihii dhawaan talada ka degay Joe Biden uu isna si la mid ah duqeymo ugu qaaday bartilmaameedyo Xuutiyiintu ay leeyihiin oo ku yaalla Yemen iyo Suuriya.