Ma suuragalbaa in dhir lagu abuuro dayaxa dushiisa, lagana helo biyo iyo baraf?

Dayaxa

Xigashada Sawirka, Getty Images

Cirbixiyeenada NASA ayaa waxa ay isku dayayaan in ay dayaxa dushiisa dhir ku beeraan, iyaga oo fulinaya hawlgal cusub oo ay bilaabeen.

Halgalka Artemis 3 ee hay’adda NASA ee ku wajahan dhanka dayaxa, ayaa waxa ay sanadka 2026 da ku mudeysatay dhaqangalitanka qorshahaan. Waqtiga haatan lagu sugan yahay ayaa saynisyahanadu waxa ay doonayaan bal inay fahmaan, sida uu u dhisan yahay dayaxu iyo isbadalka ka dhex dhaca intaba, iyaga oo indh-indhaynaya bal in nolol aadane ay suuragal ka tahay dusha sare ee meerahaan.

Haatan, NASA waxa ay shaacisay in ay samayn doonto saddex cilmibaaris oo ay cirbixiyeenku soo sameyn doonaan inta ay ku guda jiraan safarka xiga ee ay ku tagi doonaan dayaxa.

Qayb ka mid ah cilmibaaristaan ayaa la go’aamiyay in lagu baaro sida uu u dhaqdhaqaaqo dayaxu, hadii ay halkaas ka dhacaan dhulgariiro, in laga heli karo biyo ama baraf oogada sare ee dayaxa iyo sidoo kale mida muhiimada goonida ah leh oo ah in dhir lagu beero dayaxa dushiisa, ayna sidoo kale si habsami leh u bixi karto.

Dayaxa

Xigashada Sawirka, Getty Images

Muxuu yahay halwgalka Artemis ee ku wajahan dayaxa?

Hawlgalka loogu magacdaray Artemis ee ku wajahan dayaxa ayaa waxa uu ka kooban yahay ilaa iyo saddex mashruuc, kaas oo ay qorsheeyeen hay’adda hawada sare u qaabilsan Maraykanka ee NASA.

Ula jeedada hawlgalkaan ayaa waxa ay tahay in xog dheeraad ah laga keeno dayaxa iyada oo la rajeynayo in hawlgalkaasu dhaco sanadka 2026 da, markaas oo 50 sano ay u buuxsameyso markii ugu horeysay ee aadane caga dhigo dusha saree e dayaxa.

Hadii hawlku guuleysto ayaa saynisyahannadu waxay rajo ka qabaan in snadaha sooo aadan ay dusha sare ee dayaxa ka dhisaan meel mustabalka fog uu deegansan karo aadanuhu.

Qaybtii ugu horeysay ee hawlgalkaan ayaa waxay dhacday sanadkii 2022 dii, xilligaas oo sanisyahanada mashruucaan ka shaqaynaya iyo injineeraduba ay isla hubinayeen in qalabka iyo sheeyada loo adeegsan doono hawlgalka Artemis ee mustaqbalka ay yihiin kuwa si habsami leh u shaqaynaya.

Inta lagu guda jiro sanadka 2025 ta NASA waxay hawada sare u diri doontaa gantaal si loo xaqiijiyo qaybta labaad ee hawlhalka, kaas oo la rajeynayo in uu ku duulo agagaarka dayaxa, kadibna uu ku soo laabto meeraha dhulka.

Wajiga ugu dambeeya ee hawlgalkaan oo loogu magac daray Artemis 3, ayaa waxa la rajeynayaa in uu dhaco sanadka 2026 da, waxa uuna soco doonaa sida qorshuhu yahay ilaa iyo 30 maalmood.

Dayaxa

Xigashada Sawirka, Getty Images

Maxay tahay cilmibaarista Artemis 3?

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Inta lagu guda jiro hawlgalka Artemis 3, cirbixiyeenada loo xusho in ay qayb ka noqdaan hawlgalka ayaa waxay shaqadoodu noqon doonta in ay baaritaan ku sameeyaan saddex arimood.

Waxay sameyn doonaan rugta la socodka arimaha deegaanka ee dayaxa, iyaa oo halkaas gayn doona qalabka loo yaqaano seismometer. Qalabkaas ayaa ah kan ay saynisyahanadu u adeegsadaan cabirka dhulgariirada ka dhaca dayaxa, sidoo kalana ay ku soo aruurin doonaan macluumaad badan oo ku saabsan dayaxa, iyo kuwa intaas ka baxsan intaba.

Sida uu dayaxu saameyn ugu yeelan karo hadii dhir dushiisa lagu beero, taas oo sidoo kale ay ku ogaan doonaan suuragalnimada in oogada sare ee dayaxa lagu beeri karo dhir. Waxay sidoo kale eegi doonaan awooda ileyska dayaxa iyo hawada ka sareysa dayaxa.

Iyaga oo isticmaalaya qalab ayaa waxa ay sidoo kale ay dayax ka baari doonaan biyo iyo baraf, taas oo hadii la helo noqon doonto mustaqbalka il laga heli karo biyo la cabo ama shidaalka dayaxgacmeedka.