Maxaa ka jira in dayaxa dushiisa kubad lagu ciyaari karo?

.

Xigashada Sawirka, .

Saynis yahanada Machadka Injineerinka iyo Tignoolajiyada ayaa saadaaliyay in haddii la sii wado mashruuca Artemis, aan awood u yeelan doonno inaan ku ciyaarno kubadda cagta dayaxa marka la gaadho sannadka 2035.

Waxaa lagama maarmaan ah in wax ka bedel lagu sameeyo ciyaartan si loola qabsado duleedka dayaxa iyo deegaankiisa, si markaa loogu ciyaaro.

Haddaba, sidee ciyaari uga dhici kartaa dayaxa dushiisa?

.

Xigashada Sawirka, .

Sida ay sheegeen saynis yahannada Machadka Injineerinka iyo Tignoolajiyada, ayaa ku dood in garoonku sideed jeer ka yaraadaan kuwo hadda, wakhtiga ciyaartana loo qaybiyo afar qaybood oo isle’eg, halkii laba qaybood loo qaybin lahaa, garoonkana lagu wareejiyo shabag, sida oo kalena kubadda la ciyaaro iyada oo aan la istaabanayn.

Dhammaan xaaladahan waxaa sabab u ah habka cuf is jiidad ee dayaxa.

Dayaxu wuxuu leeyahay lix meelood meel cuf-jiidka dhulka. Dabayl iyo hawo ma jiraan, taasina waa sababta ay kubbadu si buuxda ugu socon doonto jihada kale, taas oo ka dhigan halkii laad waxa uu ka dheerayn doonaa lix jeer sida ay hadda dhulka tahay.

Kubbad nooce ah ayaa la isticmaali doonaa maka dayaxa lagu ciyaarayo?

.

Xigashada Sawirka, .

Sida oo kalena warka u fiican dadka aan kala offside-ka, xeerka kubadda lagaa dhigay haddii inta aanay ku soo gaadhin ka hora ad daba marto daaafacyada, kama jiri doono dayaxa, sida ay khubaradu sheegeen.

Brian David Johnson, oo ah saynisyahan ka tirsan Machadka Injineerinka iyo Teknolojiyada, ee soo saaray daraasaddan ayaa sheegay: "Marka aannu eegno howlgalka dayaxa ee 2025, waxaan hal tillaabo usii dhawaanaynaa dejinta aadanaha eehalkaas. Waxaana durba sii bilaabmay la qabsiga habkii aadamuhu halkaas ugu noolaan lahaayeen”

Dharkee ayay tahay in aynu ku ciyaarno kolka dayaxa la joogo?

Sid oo kal marka dayaxa la joogo ma xidhan kartid garamadda kooxdii aad jeclayd. Waa inaad xidhataa dhar u gaar ah oo leh hababka kulaylinta iyo qaboojinta si ay ugu habboonaato deegaanka dayaxa.

Haddii aad dhidid markaad ciyaareyso, dharkaaga waa in loo qaabeeyey inuu si buuxda u nuugo biyaha ama dareere kasta oo dheeraad ah.

Waa inaad xirataa koofiyad gaar ah oo aad kula xiriiri karto xubnaha kooxda, macalimiinta iyo garsoorayaasha.

Xaaladahan ayaa laga yaabaa inay hadda aad u xanuun badan yihiin, laakiin waa inaad ogaataa in ciyaartaadu ay ku taal meel ka baxsan adduunka, oo wax walba ay aad uga duwan yihiin dhulka.