Muxuu sameyn doonaa Putin kaddib kacdoonkii kooxda Wagner?

Vladamir Putin

Xigashada Sawirka, EPA

Xaaladda deg degga ahayd ee lagu soo rogay dalka Ruushka, ayaa weli waxay saaran tahay magaalada Moscow, kadib markii ay fallaagoobeen calooshood u shaqeystayaasha kooxdii Wagner, oo gilgilay mowqifka madaxweynaha Ruushka.

Su'aalo badan ayaa weli taagan. Aaan soo qaadanno qaar ka mid ah iyo jawaabahooda.

Muxuu Putin samayn doonaa haatan wixii ka dambeeya?

Muddo 24 saacadood gudahood ah, Vladimir Putin, ayaa waxa uu la kulmay caqabaddii ugu weyneyd, tan iyo markii uu xukunka qabtay in ka badan labaatan sano ka hor. Inkasta oo khatarta degdegga ah ay u muuqato mid wali jirta, haddana khubarrada Ruushku, ayaa waxay sheegeen in Putin uusan soo bixin, isagoo u muuqda mid xooggan, balse uu si xun ay nabarro u gaareen.

Mr Putin ayaa waxa uu aad u neceb yahay khiyaamo qaran, waxa uu kasoo muuqday isagoo khudbad qalafsan ka jeedinaya telefishinka qaranka subaxnimadii Sabtida, halkaas oo uu ku eedeeyay hoggaamiyaha kooxda Wagner, Yevgeny Prigozhin “in uu dhabarka ka toogtay” oo uu ku kacay khiyaamo qaran.

Madaxweynaha Ruushka ayaan lagu arag meel fagaare ah tan iyo xilligaas, mana jirin khudbad cusub oo madaxweynaha uu jeedinayo oo la qorsheeyay mustaqbalka dhow. Wareysi horay loo sii duubay oo laga sii daayay TV-ga dowladda Axadii – oo u muuqday in la sameeyay kahor inta aanay fallaagadu gadoodin – Mr Putin waxa uu sheegay inuu ku kalsoon yahay in horumar laga sameeyey gulufka lagu hayo dalka Ukraine.

Tallaabooyinka amniga ee ka hortagga argagixisada, ayaa weli ka socda magaalada Moscow, laakiin ma cadda in madaxweyne Putin uu xitaa ku sugan yahay caasimadda Ruushka iyo in kale.

Qaar waxay filayaan in Mr Putin uu si uun u wax uga sheegi doonoo, ha ahaato militariga Ukraine, ama kuwa ku sugan gudaha Ruushka ee aan isaga taageersanayn.

Xildhibaan u dhashay dalka Poland, Radek Sikorski, ayaa BBC-da u sheegay in hoggaamiyaha Ruushku "ay u badan tahay inuu ka sifayn doono kuwa uu u arkay in ay leex leexanayaan", taasoo la macno ah in maamulkiisu uu noqon doono mar qura "kaligii taliye arxan daran".

Muxuu Prigozhin ka samayn doonaa dalka Belarus?

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Ninka hoggaaminayey fallaagada, waa madaxa kooxda Wagner, oo la yiraahdo, Yevgeny Prigozhin, waa nin xor ah. In kasta oo la isku dayay in la afgambiyo hoggaanka militariga ee Ruushka, haddana waxaa meesha laga saaray dacwaddii ka dhanka ahayd Prigozhin. Laakiin lama garanayo dhammaan faahfaahinta heshiiska ay wada gaareen maamulka Kremlin-ka iyo kooxda Wagner.

Falanqeeyayaasha Ruushku ma filayaan in Prigozhin uu si deg deg ah dhaq dhaqaaqyadiisa u baaba'I doonaan, gaar ahaan habeenkii xalay ahaa.

Hoggaamiyaha calooshood u shaqeystayaasha – oo ahaa nin aad u gacanta ugu haya tobanaan kun oo dagaalyahanno ah oo ku sugnaa dalka Ukraine – ayaa sidoo kale ahaa shaqsi muhiim u ah madaxweyne Putin, oo muddo dheer la shaqeynayay.

Waxa uu sanado badan u qabtay shaqooyinka aan wanaagsanayn ee Kremlin-ka, laga soo bilaabo dagaalka dalka Suuriya, illaa iyo dagaalka haatan ka socda dalka Ukraine, illaa iyo sanadkii 2014-kii, markii uu Ruushka la wareegtay Crimea.

Laakiin kadib markii ay caqabadi soo wajahayday awoodda Mr Putin - oo qaar kamid ah ay ku doodayaan in la bahdilo hoggaamiyaha Ruushka - su'aalaha ku saabsan dammaanad-qaadka ah la siiyay iyo ammaankiisa hoggaamiyaha kooxda Wanger, iyo doorkiisa mustaqbalka, ayaa weli ah mid aan kala cadeyn.

Dadka wax odorosa ayaa su'aal ka keenaya inta uu le'eg yahay xakamaynta hoggaamiyaha dalka Belarusia, Alexander Lukashenko, uu awood u yeelan doono inuu kula dhaqmo Prigozhin - haddii runtii uu tago magaalada caasimadda ah ee Minsk - iyo, haddii ciidamada Wagner ay u raacaan dalkani, khatarta ay u keeni doonaan dalalka Ruushka, Belarus iyo Ukraine.

Maxaa ku dhacaya kooxda Wagner haatan kadib?

Kahor kacdoonkan hubaysan ee yaabka lahaa, tobannaan kun oo calooshood u shaqeystayaal ka tirsan kooxda Wagner, ayaa door muhiim ah ka ciyaarayay dagaalka Mr Putin uu ku qaaday dalka Ukraine. Laakiin maalmihii Wagner ee ahaa ciidan madax bannaan, ayaa durba sii dhammaanaya.

Prigozhin iyo ciidamadiisa, ayaa iska caabbinayey cadaadis lagu saarayey inay galaan wasaaradda gaashaandhigga ee Ruushka – nacaybka ay u qaadeen tallaabadaas, ayaa loo arkaa arrin muhiim ah oo ismaandhaafkta muddada dheer soo jirtay u rogi lahayd jabhad hubeysan.

Laakiin iyada oo kacdoonkii muddada gaaban uu dhamaaday - oo Prigozhin uu hadda u muuqdo masaafuris - qaar badan ayaa is waydiinaya waxay dagaalyahannadiisu samayn doonaan.

Eedeymaha ayaa u muuqda in la laalay dacwaddii lagu soo oogi lahaa dadkii ku lug lahaa kacdoonka. Muuqaalo lagu baahiyay baraha bulshada, ayaa muujinayay ciidamada Wagner oo ka baxaya magaalada Rostov-on-Don, halkaasoo ay la wareegeen saldhigyo ciidan. Barasaabka Voronezh, oo ah magaalo dhacda bartamaha magaalooyinka Rostov iyo Moscow, ayaa sheegay in ciidamada Wagner ay sidoo kale ka baxayaan gobolkiisa.

Si kastaba ha ahaatee, ma cadda inay hadda si fudud u wada shaqayn doonaan oo ay ku biiri doonaan millatariga caadiga ah ee Ruushka - ama xitaa haddii askarta caadiga ah ee Ruushku ay hadda si rabitaan ah ugu adeegi doonaan iyaga.

Oo miyay si fudud ugu soo laaban doonaan dagaalka aagagga iska hor imaadyada ee dhanka Ukraine, sida ay soo jeedinayso warbaahinta dawladda Ruushka?

Falanqeeyayaasha qaar ayaa walaac ka muujiyay in dagaalyahannadu ay u raaci karayaan galbeedka Prigozhin haddii uu aado dalka Belarus - meesha ugu dhow ee dalka Ruushka laga yaabo inuu weeraro caasimadda Ukraine, ee magaalada Kyiv.

Sidee u saameyn doontaa dagaalka Ukraine tallaabada Wagner?

Kooxda Wagner, ayaa waxay laf dhabar u ahaayeen qaar kamid ah ciidamada ka dagaallamayay dalka Ukraine, in kasta oo qaar badan oo kamid ah dagaalyahannadeeda laga soo saaray xabsiyada, kuwaasoo lagu soo qalqaaliyey ballanqaad ah inay xorriyad helitaan, haddii ay dagaalka Ukraine guulo ka gaareen. Waxay si weyn ugu lug lahaayeen qabsashadii Ruushka ee magaalada Bakhmut, tusaale ahaan.

Ruushka ayaa ku andacoonaya in fallaagada aysan wax saameyn ah ku yeelan ololahooda Ukraine ilaa hadda.

Si kastaba ha ahaatee, ciidamada Ruushka ayaa shaki la'aan ah inay maqleen waxa socda, waxaana laga yaabaa in warkani uu niyad jabiyo. Qaar ayaa soo jeedinaya inuu jiri karo dagaal u dhexeeya cutubyada iska soo horjeeda maalmaha soo socda, iyadoo ku xirnaan doonta nooca isku dhaca , kadib dhacdooyinkii Sabtida.

Ukraine, marka laga soo tago walaaca laga qabo khataraha laga yaabo in Ruushku uu sii kordhiyo ku lug lahaanshihiisa, hoggaamiyeyaasha milatarigu, ayaa waxay baadi goobi doonaan fursado ka yimaada xasillooni darrada ka jirta xadka.

Ciidamada maamulka Kyiv, ayaa qaaday weerar rogaal celis ah oo ay ku doonayaan inay dib ugu qabsadaan dhulkii ay qabsadeen ciidanka Ruushka kusoo duulay, waxayna aaminsan yihiin in qalalaasaha ka taagan Ruushka ay ku helayaan “fursad dahabi ah” oo ay wax ku qabsan karaan.

Danjirihii hore ee Maraykanka u fadhiyay Ukraine, Bill Taylor, ayaa BBC-da u sheegay in ciidamada Ukraine ay ku sugan yihiin "meel wanaagsan" si ay uga faa'iideystaan xaaladda nuglaanshaha, ee ay keentay dhaqdhaqaaqa lama filaanka ah ee dagaalyahannada Wagner.

Mareykanka iyo kuwa kale maxay horey u ogaayeen?

In kasta oo gabood-fallada Prigozhin ay u muuqatay inuu difaacayo maamulka Kremlin-ka, hay'adaha sirdoonka Mareykanka, ayaa durbadiiba soo qaatay calaamado uu qorsheynayo inuu ku dhaqaaqo, waxayna warbixin siiyeen madaxweyne Joe Biden, oo ay weheliyaan hoggaamiyeyaasha muhiimka ah ee Congress-ka horaantii toddobaadkan, sida ay ku warrantay warbaahinta Mareykanka.

Sirdoonka Maraykanka ayaa ogaaday in hoggaamiyaha kooxda calooshood u shaqeystayaasha ah uu hub, rasaas iyo qalab kale ku uruursanayay meel u dhow xuduudka uu la wadaago Ruushka, sida uu sheegay tv-ga CNN.

Sida laga soo xigtay wargeyska New York Times, Madaxweyne Biden wuxuu la hadlay hoggaamiyeyaasha Faransiiska, Jarmalka iyo UK, sababo walaac laga qabo in maamulka Putin ee hubka Nukliyeerka ee Ruushka aanu awood u yeelan doonin, haddii ay dhacdo fowdo jirto.

Taliyayaasha sirdoonka Maraykanka ayaa muddo bilo ah isha ku hayay xiriirka sii xumaanaya ee u dhexeeya Prigozhin iyo saraakiisha difaaca ee Ruushka, waxayna sirdoonku kusoo gunaanadeen inay calaamad u tahay in dagaalka Ukraine ay ku dhex dagaalamayaan kooxda Wagner iyo militariga caadiga ah ee Ruushka, wargayska ayaa sidaasi yiri.

Dhanka kale, wargeyska Washington Post, ayaa sheegay in laga yaabo in Mareykanka uu helay akhbaarta ah in Prigozhin uu wax qorsheynayay horraantii bishaan June.

Waxyaabaha muhiimka ah ee kiciyey tallaabadii ugu danbeysay ee Wanger, ayaa ahaa wareegto 10-kii bishan Juunyo ay soo saartay wasaaradda difaaca ee Ruushka, oo faraysa dhammaan ciidamada iskaa wax u qabso ah - sida kooxda Wagner - inay heshiis la saxiixdaan dowladda, taasoo si wax ku ool ah u noqon doonta la wareegista ciidamada calooshood u shaqeystayaasha ah ee Prigozhin.

Saraakiisha ayaa u sheegay wargeyska "waxaa jiray calaamado ku filan oo lagu awoodo in loo sheego hoggaanka… inay wax jiraan" - laakiin nooca saxda ah ee qorshayaasha Prigozhin ma cadda ilaa wax yar ka hor inta uusan bilaaban dagaalka.

Madaxweyne Putin ayaa waxa kale oo uu sirdoonkiisa u sheegay in Prigozhin uu wax maleegayo, wargayska ayaa sheegay. Si sax ah uma cadda goorta loo sheegay arrintaas, balse waxay ahayd “wax ka badan 24 saac ka hor”, ayuu wargeysku ka soo xigtay sarkaal Maraykan ah Sabtidii.

Maxay dadka Ruushku qabaan?

Qudbada uu Mr Putin u jeediyay shacabka dalkaasi markii ay dhibaatadu soo shaacbaxday, ayaa waxaa loo arkaa in uu muujinayo sida dhabta ah ee uu u arkay khatarta, iyo baahida loo qabo inuu naftiisa u sheego shacabka Ruushka.

"Qaar badan oo kamid ah dadka caanka ah, ayaa shakhsi ahaan ku eedayn doona Putin, xaqiiqda ah in wax walba ay dhaceen, iyo inaysan jirin falcelin sax ah oo ka timid madaxweynaha waqti fiican," ayuu falanqeeyaha Ruushka, Tatiana Stanovaya ku qoray Telegram. "Sidaas darteed, sheekadan oo dhan waxay sidoo kale dharbaaxo ku tahay mawqifyada Putin."

In kasta oo ay adag tahay in gabagabada guud ahaan ra'yiga dadweynaha Ruushka, madaxda waddanku waxay ka welweli lahaayeen aragtida dadka rayidka ah ee u sacaba tumaya cutubyada Wagner ee magaalada Rostov.

Markii ay ciidamada Wagner ka baxeen magaalada, oo ay si hufan ula wareegeen gacan ku haynta intii ay jabhadaynayeen, waxaa soo dhaweeyay dadweyne u muuqday inay taageersan yihiin, kuwaas oo sacab tumayay, sawirona ka qaaday.

Si kastaba ha ahaatee waxaa xusid mudan in dadka deegaanka qaarkood ay u muuqdeen kuwo ku degdegay inay magaalada kaga baxaan tareen Sabtidii kadib markii kooxda Wagner ay yimaadeen.