Daawo wareysi: Dowladda Xasan Sheekh iyo qorshaha xayiraadda hubka
Toddobaadkan waxaa dalka Maraykanka ku sugnaa madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo doonaya in Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu dalka ka qaado xayiradda hubka ee saaran.
Tan iyo 1992 ayey cunaqabataynta hubka saarnayd Soomaaliya waxaana keenay bacdamaa xilligaas aysan jirin dawlad hubka xakamaysa, dagaallo sokeeyena ay socdeen. Waxaa kale oo xilligaas jiray xaalad bani’aadminimo oo aad u ba’an.
Haddaba maxay tahay sababta uu u doonayo in Soomaaliya laga qaado cunaqabateyntan muddada dheer saaran?
Waxaa arrimahaas BBC uga warramay wasiiru dowladaha wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya, Cali Cumar “Cali balcad”.










