Daawo: Sidee ayay dowladda Soomaaliya malaayiin doollar uga sameysaa hawada?

Dowladda Soomaaliya ayaa dedaal ugu jirta sida ay u kordhin lahayd dakhliga soo gala ee gudaha iyo dibeda. Waxaa la kordhiyay canshuuraha alaabaha iyo agabka laga keeno dibeda ee kasoo dega dekada Muqdisho. Laakiin mid ka mid ah meelaha dowladda Soomaaliya ay ka hesho lacagta xoogan hawada sare.

Halkan hoose ka daawo faahfaahinta oo dhammeystiran:

Qoraalka Muuqaalka, Sidee Soomaaliya malaayiin doollar uga heshaa hawadeeda?

Haddaba lacag intee la eg ayey Soomaaliya ka heshaa hawadeeda?

BBC
Qoraalka sawirka, Dowladda Soomaaliya malaayiin doolar ayay ka sameysaa hawada sare

Wixii ka dambeeyay markii dowladda Soomaaliya lagu wareejiyay maamulka hawada Soomaaliya waxaa kordhayay lacagta dowladda ay toos uga hesho hawada.

Horay waxaa hawada Soomaaliya u maamuli jiray Qaramada Midoobay, dhaqaalaha laga helana wuxuu toos ugu dhici jiray qasnaddooda. Lacag cayiman oo tiradeeda la hubo lama hayo laakiin waxaa la qiyaasayaa in ugu yaraan sannadkii hawada Soomaaliya laga heli jiray lacag illaa 12m gaaraysa.

Lacagtaa inta badan kuma soo noqonayn Soomaliya marka laga reebo garoomo dhowr ah oo ay QM dhismahooda gacan ka gaysatay.

Sannadkii 2018 ayay Soomaaliya dib ula soo wareegtay maamulka duulista hawada. Sannad kaddibna 2019-kii waxa ay mar kale lasoo wareegtay dhaqaalaha laga helo hawada Soomaaliya kaas si toos ah ugu dhacayay bangiga dowladda.

Tan iyo sannadkaas waxa ay Soomaaliya hawada helaysay celcelis ahaan 22m sannadkii.

Sawir hore

Maxaa isbaddalay?

Sannadkan billowgiisii kaddib markii shuruucdaa la dhammasytiray hay'adda duulisata hawada Soomaaliya waxaa loo aqoonsaday in ay noqoto Class A halka ay markii hore ka hayd Class G, taas oo macnaheedu yahay in si heerkeedu sarreeyo ay hay’addu u maamuli karto hawada iyada oo isticmaalaysa qalab casri ah sido kalana ay kordheyso lacaga laga qaado diyaaraha isticmaala Hawada Soomaaliya.

Tallaabadaaa waxa ay sahashay in dhaqaalaha hawada uu mar kale kordho.

Bisha June ee sannadkan hey’addu waxa ay qorshaynaysaa in dhaqaalaha laga helo diyaaradaha mara hawada Soomaaliya ay gaarto 29m, sidaa ayaynu hay’addu sheegtay in sannadba kan ka dambeeya la hiigsanayo inuu kasii wanaagsanaanayo dhanka dhaqaalaha.

Malaha waxaad isweydiineysaa lacagtaas halkee laga helayaa?

Markii ay Soomaaliya la soo weegeysay maamulka hawada waxaa 24 kii saacba hawada Soomaaliya marayay diyaarado gaaraya 220 balse hadda waxaa mara ku dhawaad 500 oo diyaaradood - lagama hadlayo kuwa dagaya.

Diyaaraha hawada maraya waxa ay bixiyaan khidmad iyadoo ay ku xirantahay nooca iyo tanka diyaaradda.

Tusaale ahaan diyaaradaha Boeng 777 iyo Airbus 350 waxaa laga qaadaa 395 $ markiiba.

Lacagahaas waxey ku dhacaan bangiga dhexe ee Soomaaliya waxa ayna dowladda uga faa’ideysataa adeegyada dowladda sida mishaaraadka shaqaalaha iyo ciidanka.