Maxay Soomaaliya ka faa’iideysaa heerka cusub ee la gaarsiiyey hawadeeda?

Wararka deg degga ah

Tebin toos ah

  1. Shirkii culimada uga socday Muqdisho oo la soo gabagabeeyay

    .

    Xigashada Sawirka, SOCIAL MEDIA

    Magaalada Muqdisho waxaa maanta gelinkii dambe lagu soo gabagabeyay shirweynihii culimada Soomaaliyeed, ee halkaa ka socday saddexdii maalmood ee la soo dhaafay .

    Shirkaan ayaa looga hdlayay arrimo ay ka mid yihiin dagaalka Al-shabaab dowladda iyo shacabku kula jiraan kaas oo ka socda qaybo ka mid ah dalka, dhisidda hay’ad culimadu leedahay iyo doorashada Mufti wax laga waydiiyo arrimaha diinta.

    Waxyaabaha ay isku raaceen culimadii shirka ka qayb gashay kulanka waxaa ka mid ah in dawladda Federaalka Soomaaliya ay billowdo iyada oo si degdeg ah u dhammeystireysa diyaarinta hannaankii iyo sharcigii lagu dhisi lahaa Golaha Sare oo Culimadu leedahay.

    Waxaa la sheegay in golahaas laga dhigayo hay'ad ka mid ah hay'adaha dowladda oo leh sharci u gaar ah.

    Sidoo kale waxaa ka mid ah qodobbada la soo saaray cadeynta in dawladda federaalka Soomaaliya ay mas’uul ka tahay guud ahaan ilaalinta iyo daryeelka diinta Islaamka.

  2. Maxkamad sare ee Turkiga oo diiday dalab uga yimid mid ka mid ah xisbiyada waaweyn

    Maxkamada sare ee dalka Turkiga ayaa diiday codsi uga yimid xisbiga HDP ee taageera Kurdiyiinta, kaasoo ahaa in aan go’aan laga gaarin isku day meesha looga saarayo ilaa doorashada la qabanayo bisha May.

    Dacwad oogayaasha ayaa maxkamadda dastuuriga ah ka codsaday in xisbiga laga mamnuuco xiriirka uu l'a leeyahay Xisbiga Shaqaalaha Kurdistan ama PKK oo dowladdaha Turkiga, Mareykanka iyo Midowga Yurub ay u arkaan urur argagixiso.

    HDP waa xisbiga saddexaad ee ugu weyn baarlamaanka. Codbixintii la dhiibtay ayaana lagu sheegay in madaxweyne Recep Tayyip Erdogan iyo xisbigiisa AK ay ku guul darreysan karaan doorashada haddii xisbiga HDP uu la gacan saar la yeesho isbaheysiga mucaaradka ah

  3. Weerar ay qaadeen ciidanka Israa’iil oo ay ku dhinteen shacab reer Falastiin ah

    Xaaladda Jenin oo aan wanaag saneyn

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Xaaladda Jenin oo aan wanaag saneyn

    Sagaal falastiiniyiin ah, ayaa lagu dilay weerar ay milatariga Israa’iil ka fuliyeen Daanta Galbeed ee la haysto.

    Mas’uuliyiinta Falastiin, ayaa sheegay – inuu weerarkani yahay kii ugu dhimashada badnaa muddo sanado ah.

    Haweeney da’ ah, ayaa lagu soo warramayaa inay ku geeriyootay magaalada Jenin.

    Milateriga Israa'iil, ayaa sheegay inay u dhaqaaqeen sidii ay u fashilin lahaayeen weerarro waaweyn, oo ay soo qaadi rabeen kooxda Jihaad Islaami ee reer Falastiin.

    Inta lagu guda jiro isku dayga lagu doonayay in lagu soo qabto maleeshiyada, ayaa saddex kamid ah ay rasaas ku fureen ciidamada, waana la dilay dagaal yahanadii. Mid afraad ayaa is dhiibay oo la xiray.

    IDF waxay ku eedaysay xubnahan katirsan Islamic Jihad inay "si weyn ugu lug lahaayeen qorsheynta iyo fulinta weeraro argagixiso oo waaweyn oo lala beegsaday rayidka iyo askarta Israel".

    Rag hubaysan oo Falastiiniyiin ah, ayaa rasaas ku furay ciidamada intii uu socday weerarka, sida ay ciidamadu sheegeen.

  4. Shirkadda sameysay diyaaraddii Itoobiya ku burburtay oo maxkamad la hor geynayo

    Diyaaradda Boeing ee shirkadda Ethiopian Airlines

    Xigashada Sawirka, JONATHAN DRUION

    Qoraalka sawirka, Diyaaradda Boeing ee shirkadda Ethiopian Airlines

    Shirkadda weyn ee diyaaradaha sameysa ee Boeing, ayaa ka fal celineysa eedeymo been abuur ah oo maxkamad la geeyey, kuwaasoo ku saabsan laba shil oo diyaaradeed oo ay ku dhinteen 346 qof.

    Labada shilba ayaa waxaa sababay cilladaha ku timid nidaamka xakamaynta duulimaadka ee diyaaradda 737 Max.

    Boeing ayaa ku guul dareystay inay shaaciso macluumaadka ku saabsan nidaamka laga hago diyaarada, balse waxay ka fogaatay tijaabo, laakiin iyadoo ka fogaanaysa maxkamad, waxay ogolaatay inay bixiso $2.5bn (£1.8bn) oo ganaax iyo magdhow ah.

    Ehelada dadka dhintay, ayaa isku dayaya inay dib u furaan deegaanka.

    Waxay ka dhigan tahay in markii ugu horeysay, shirkadda si rasmi ah loogu soo oogi doono dacwad la xiriirta labo shil, oo ay tahay inay qirato dambiga iyo in kale.

    Boeing ayaa horay uga soo horjeesatay in dib loo furo heshiiska ay la gashay Waaxda Caddaaladda ee Mareykanka (DOJ), iyadoo sheegtay in haddii ay taasi dhacdo ay tahay "wax aan horay loo arag, oo aanan shaqeyneyn, iyo sinaan la'aan".

    Way diiday inay ka hadasho dacwaddani shirkadda.

    Diyaaradaha Boeing 737 Max ayaa loo fasaxay inay mar kale ka duulaan Mareykanka sanadkii 2020, halka UK iyo Midowga Yurubna loo oggolaaday sanadkii 2021-kii, ka dib markii laga joojiyay markii ay dhaceen shilalkii sanadkii 2019.

  5. Golaha wasiirada xukuumadda federaalka Soomaaliya oo u magacaabay taliye cusub booliiska

    Gen. Sulub Axmed Firin

    Xigashada Sawirka, Radio Muqdisho

    Qoraalka sawirka, Gen. Sulub Axmed Firin

    Golaha wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa u magacaabay Gen. Sulub Axmed Firin, taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

    Taliyaha cusub, ayaa waxa uu badalay Gen. Cabdi Xasan Maxamed Xijaar, oo xilkan hayey sanadihii u danbeeyey.

  6. Maxkamad ku taalla Kenya oo diblomaasi ku heshay dambi dil ah

    Dwight Sagaray

    Xigashada Sawirka, AFP

    Qoraalka sawirka, Dwight Sagaray

    Maxkamad ku taalla dalka Kenya, ayaa Arbacadii ku xukuntay diblumaasi u dhashay dalka Venezuela, dilka safiirkii ku-simaha ahaa ee dalkan dhaca Koonfurta qaaradda America 10 sano ka hor, taasoo looggu geystay gurigeeda rasmiga ah ee magaalada Nairobi.

    Dwight Sagaray, oo ahaa xoghayihii koowaad ee safaaradda Venezuela, ayaa lagu helay dembiga dilka, Olga Fonseca, ee dhacay 27-kii bishii Luulyo, ee sanadkii 2012-kii.

    Saddex nin oo Kenyan ah oo lala soo eedeeyay Sagaray, ayaa iyagana la xukumay.

    Dublamaasiga oo haweeney ah, ayaa la isku dayay in la dilo, kadib markii ay xasaanadii dublamaasiyadeed ka qaaday safaaradda Venezuela.

    Maxkamada ayaa ogaatay in Sagaray uu hoggaaminayay howlgalka, ka hor inta aysan imaan Fonseca, ayna ka carootay joogitaankiisa, isagoo doonayay inuu sii wado kaalintiisa safaarada, sida ay ku warantay wakaalada wararka ee Reuters.

    Fonseca, oo dadeed aheyd 57 sano jir, ayaa la dilay wax ka yar laba toddobaad, ka dib markii ay kaalinteeda cusub ka bilowday magaalada Nairobi 15-kii bishii Luulyo ee sanadkii 2012-kii.

  7. Wasiirka amniga GalMudug oo fariin adag u diray ganacsatada Qaadka geysa gobolka

    Ciidanka GalMudug

    Xigashada Sawirka, GalMudug State House

    Qoraalka sawirka, Ciidanka GalMudug

    Maamul goboleedka Galmudug ee dalka Soomaaliya, ayaa deegaannada ay ka socdaan hawlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ka mamnuucday in lagu iibiyo Khaad.

    Wasaaradda amniga maamulkaas oo amarka soo saartay, ayaa sheegtay in askarta furimaha ku jira uu khatar xooggan ku hayo Khaadka, oo marka ay cunaan dayacaan difaaca loogga baahan yahay.

    Wasiirka amniga Galmudug, Maxamed Cabdi Aadan Gaboobe, ayaa carabka ku dhuftay in ciidamada marka ay faarujiyaan furimaha dagaalka, ay u weeciyaan awoodda dhanka iyo iibsashada Qaadka.

    Sida uu sheegay Gaboobe, amarka mamnuucista Qaadka, ayaa waxa uu saameynayaa dhammaan dadka keena Qaadka deegaanada uu haatan ka socdo hawlgalada ee maamul goboleedka GalMudug.

    Wasirka amniga GalMudug, ayaa tilmaamay in ganacsatadii aan u hoggaansamin awaamiirta lasoo saarey, loola tacaamuli doono, waa sida uu sheegaye wasiirka, kooxda Alshabaab.

  8. Maxay Soomaaliya ka faa’iideysaa heerka cusub ee la gaarsiiyey hawadeeda?

    Diyaarad hawada sii galaysa

    Xigashada Sawirka, SBC

    Qoraalka sawirka, Diyaarad hawada sii galaysa

    Ururka caalamiga ah ee duullimaadyada rayidka ee magaciisa loo soo gaabiyo (ICAO), ayaa sare u qaaday darajada ay ku shaqeyso hawada Soomaaliya.

    Waxaa haatan la gaarsiiyay heerka Darajada A, iyada oo ay Soomaaliya kolkii horeku soo shaqeyn jirtay heerka Class G.

    Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, ayaa bartamihii 2018-kii la soo wareegtay maamulka hawada Soomaaliya.

    Dowladdii dhexe ee Soomaaliya, oo duntay sanadkii 1991-kii, ayaa waxaa loo wareejiyay maamulka hawada Soomaaliya magaaladan Nairobi.

    Maareeyaha hay'adda duulista rayidka Soomaaliya, Axmed Macalin Xasan, ayaan sheegay in darajada heerka A, ay u saamaxayso dowladda Soomaaliya, inay si toosa awaamiir u siin karaan diyaaradaha caalamiga, iyadoo aaney taasi kolkii hore awood u lahayn.

  9. Assalaamu Calaykum

    Subax wanaagsan. Kusoo dhawaada tebinta tooska ah ee BBCSomali.com

    Halkan kala soco wararkii ugu dambeeyay ee dhulka Soomaalida, iyo deegaanada qurbaha, wararka gobolka iyo caalamka intiisa kalaba.