Weriyaha BBC-da ee maalintii arooskiisa uu aabbihiis is dilay

Xigashada Sawirka, Getty Images
Weriyaha BBC-da Evan Davis ayaa shaaca ka qaday sida uu maalintii arooskiisa uga war helay in aabbihiis oo xanuun la ildarnaa uu naftiisa gooyay.
Isaga oo la hadlaya wargeyska Sunday Times, wuxuu sheegay in aabihiis Quintin oo 92 jir ahaa uu ka tagey farriin qoraal ah oo dhahaysa "nidaamku wuu isasoo xiray" iyo in aysan u "bannaanayn waddo kale".
Walaalka Evan ayaa qoraal kusoo sheegay warka naxdinta leh xilli uu daadihiyaha Radio 4 ku sugnaa qaybta qaabilaadda ee arooskiisa bishii July ee sannadkii tagey.
Daadihiyaha ayaa si kedis ah ugu soo jeediyay dadkii martida ahaa in uu aabihii dhintay.
Waxa uu sheegay in munaasabadda ay isu beddeshay "xaalad naxdin, u damqasho, iyo tacsi" - ma uusan u sheegin martida in geeridu tahay is dilis ilaa mar dambve.
Davis, oo caan ku ah daadihinta barnaamijka telefishanka ee Dragon's Den iyo barnaamijka BBC ee Radio 4's PM, wuxuu guursaday Guillaume Baltz oo ay 2012 isu faraanti galiyeen.
Quintin waxa uu aad u taageeray xidhiidhka wiilkiisa, isaga oo munaasibadaas ka jeediyay khudbad "faan iyo jacayl".
Laakin meherkii London ka dhacay waxa ka mid ahaa dad tiro yar oo aan lagu casuumin xaflada kowaad, oo ay ku jiraan laba iyo toban saaxiibo iyo deris ah.
Intii ay socotay xafladda, Davis wuxuu sheegay inuu farriin ka helay walaalkiis Roland oo u sheegaya inuu soo "waco si degdeg ah".

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Markii geerida aabbihii loo sheegay, Davis wuxuu jaray taleefanka. shan daqiiqo ka dib ayuu ku celiyay, wuxuuna ogaaday in aabihiis is dilay.
Balse farrinta uu ka helay Ronald iyo walaalkiisa kale, Beric ayaa ku dhiiri geliyey in uu sii wato maalinta.
Davis ayaa maritaiisa ku yiri: " waxaa inasoo gaaray war. Aabahay ayaa geeriyooday. laakiin ma doonayo inaad sastaan. Waayeelbuu ahaa waxaana dhamaatay tiisa.
"Dhab ahaantii ma jiro wax aan ka samayn karno. Saas darteed waxaan soo jeedinayaa in aan sii wadanno munaasabadda."
Maalinkii xigay ayey ahayd markii ay saaxiibadiisa shaqadu weydiiyeen sida uu arooskiisu ahaa, Davis wuxuu yiri "ilmo ayaa igasoo daadatay".
Davis wuxuu sheegay in Quintin uu saddexdiisa wiil farrin u diray sannadkii hore kuna war geliyey in uu doonayo in uu is dilo.
Balse mar uu la hadlayey wariyaha Sunday Times Decca Aitkenhead, wuxuu sheegay in uusan garanayn sababta uu ugusoo beegay maalinta arooskiisa.
Wuxuu yiri: "Waxaan dhamaanteen is weydiinay waxa maskaxdiisa ka guuxayey... maalin fiican ma jirto, sowma aha? waana ogahay in uusan sidan u smayn sidii oo u carqaladayn lahaa munaasabadayada." Dhowr farriimood ayaa laga ag helay meydka Quintin.
Waxa uu warqad u qoray xaaskiisa, Davis hooyadii Hazel, oo ku jirtay guri daryeel, isaga oo u sheegay sida uu u jecel yahay, iyo saddex qoraal oo isku mid ah oo uu ukala diray wiilashiisa.
Qoraal kale oo gacan-ku-qoran ayaa u dhignaa: "Dhammaan qoyskayga, aad baan uga xumahay - sidaa darteed, aad baan uga xumahay in aan tan idinku sameeyo. Laakiin waa natiijada ugu wanaagsan.
"Nidaamkaygu wuu xidhmayaa, waxaanan qarka u saaranahay burbur maskaxeed, tusaale ahaan, waan waalanayaa oo jir ahaan waan kala tagayaa. Runtii ma haysto wax kale. Dhammaantiin waad ku mahadsan tihiin inaad noqotaan qoys aad u wanaagsan."
Quintin si gooni gooni ah ayuu uga tagay qoraallo uu ku tilmaamayo in aan "waqti kasta laga caawinin go'aan ka gaarista nafta", iyo in uu sidan u sameeyay "sababtoo ah waxaan rabaa inaan ilaaliyo madax-banaanidayda".
Waxa uu uga tagay naagtiisa boorso dhar cusub ah, iyo lacag caddaan ah si loogu bixiyo mushaharka dadka beertiisa xanaaneeya.
Davis aabihiis iyo hooyadii oo asal ahaan ka soo jeeda Koonfur Afrika, waxay yimaadeen UK ka dib markii ay ku kulmeen jaamacad, waxayna wada joogeen 65 sano.













