Dowladda UK oo ka falcelisay wariye ka tirsan BBC oo "dhaqan-xumo" lagu eedeeyay

BBC

Xigashada Sawirka, PA Media

Wasiirka dhaqanka dalka Britain Lucy Frazer ayaa wada hadallo degdeg ah maanta la yeelan doonta agaasimaha guud ee BBC, kaddib markii barnaamij soo jeediye ka tirsan BBC lagu eedeeyay in qof dhalinyaro ah uu lacag gaareysa £35,000 ku siiyay si uu uga helo sawirro galmo ah.

Warsaxaafadeed kasoo baxday, Waaxda Dhaqanka, Warbaahinta iyo Cayaaraha ayaa eedyemahan ku tilmaantay mid "aad walaac u leh".

Ms Frazer ayaa gelinka dambe ee maanta la hadli doonta Tim Davie, madaxa BBC, ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Weriyahan ayaa lagu eedeeyay in uu lacag ku siiyay qof dhalinyaro ah si uu ugu soo diro sawiro galmo ah, laga soo bilaabo ilaa markii ay da’adoodu aheyd 17 jir, sida ay qortay jariirradda The Sun.

Wargeysku waxa uu sheegay in barnaamij soo-jeediyahan aan la magacaabin uu siiyay qof la sheegay in uu yahay dhibbanaha tobanaan kun oo ginni wadar ahaan.

Waxaa la fahamsan yahay in BBC-du ay eedeymahan eegayso, isla markaana uusan Wariyaha hadda la qorsheynin inuu hawada soo galo maalmaha soo socda.

Wargeyska The Sun ayaa sheegay in qoyska qofka dhalinyarada ah ay u dacwoodeen BBC 19kii May.

Qoyskan ayaa la sheegay inay ka niyadjabeen in Wariyahu weli hawada ku sii jiro.

Hooyada ayaa u sheegtay wargeyska in shaqsiga magaciisa qariyay oo hadda 20 sano jir ah, uu lacagta Mishaharkiisa ah u isticmaalay inuu ku maalgeliyo caadeysiga kookeynta ee uu isticmaalo qofka ay dhashay.

Waxay u sharaxday wargeyska sida uu ilmaheeda u ahaa qof faraxsan oo mustaqabal fiican leh oo uu haddana u noqday qof-jilicsan oo kale oo aad u daa'imay maandooriyaha kookeynta" muddo saddex sano gudohood ah.

Shirkaddu waxay sheegtay in macluumaadka "sida ku habboon wax looga qaban doono".

Afhayeen u hadlay BBC ayaa yiri: "Waxaan edeymo kasta ula dhaqannaa si dhab ah, waxaana noo yaala shuruuc aan arrimaha oo kale wax kaga qabano’’

bbc
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

"Taas waxaa qayb ka ah, haddii aan helno xogo u baahan baaritaan dheeri ah ama baaritaanno dheeraad ah waxaan qaadi doonnaa tillaabooyin aan tan ku sameyneyno. Taas waxaa ka mid ah inaan si firfircoon isugu dayno inaan la hadalno kuwa nala soo xiriiray si aan u helno faahfaahin dheeraad.

Afhayeenka BBC u hadlay ayaa sidookale yiri"Haddii aanan jawaab u helin isku daygeena aan xiriirada kusameyno ama wayno cidkale oo nala soo xiriito taa oo xadidi karta awoodda aan u leenahay inaan wax ku ogaano ama ku fahanno, taa macnaheedu maaha in weydiimahayadu ay joogsadeen. Mar kasta oo ay macluumaad cusub oo dheeri ah soo baxaan ama la bixiyo - oo ay ku jiraan kuwa noola soo mariyo wargeysyada - macluumaadyadaasi waxaa loola dhaqmi doona sida ku habboon, iyadoo la raacayo shuruucda gudaha ee noo degsan."

BBC-da ayaa leh shuruuc u degsan oo ay talaabo kaga qaado shaqalaheeda kukaca khaladaadka. Waxaa kamid ah sharciyada dhibaatayn galmo faquuqa iyo sharciyo kale oo aad utira badan oo ay sidookale ku ilaalineyso xuquuqda shaqalaheeda gudaha goobta shaqada iyo dibadab.

Marar badan ayay horay u dhacday in wariye katirsan BBC-da la soo eedeeyo taasi oo u horseeday in shaqada laga joojiyo.