Maxay tahay sababta lamaanayaasha da'da yar ay nolosha ugu sii kala fogaanayaan?

sawir tusaale ah

Xigashada Sawirka, Getty Images

Manish (magaciisa waa la bedelay), waa injineer ka yimid Gurugram, wuxuu guursaday 2013, laakiin xiriirka xaaskiisa kala dhaxeeya ayaa xumaaday todoba sano gudahood.

"Haddii aanan heli lahayn la-talin waqtigeeda ku habboon, guurkeennu wuu burburi lahaa."

Wuxuu yiri, "Inkasta oo wax walba ay wanaagsanaayeen, waxa aanu yeelanay xiriir jireed oo aad u yar. Arrintaas Waxay bilawday inay saamayso xiriirkeena. Ugu dambayntii waxaan ku qasbanaanay in aan caawin u raadsano lataliyaha guurka."

Manish iyo xaaskiisa labaduba waa shaqeeyaan. Waxa ku dhacay caadi maaha. Dareen la'aanta xaga xiriirka gogosha ayaa ku soo badanaysa lamaanayaasha da'da yar, gaar ahaan kuwa dhashay intii u dhaxeysa 1980 ilaa 1990-kii iyo dhalinyarada qaangaarka ah ee adduunka oo dhan.

Dadka dhashay horraantii 1980-meeyadii ilaa dabayaaqadii 1990-meeyadii waxaa loo yaqaa jiilka Millennials ama Generation Y. Da'doodu hadda waa inta u dhaxaysa 25 ilaa 40 sano.

Da’daas ayaa waxaa loo arkaa inay tahay da'da marka ninku aad ugu firfircoon yahay xiriirka jireed ee isaga iyo xaaskiisa. Tan waxa kale oo loo yaqaan 'Waqtiga ugu Wanaagsan xiriirka gogosha'. Taa badalkeeda hadda waxa jira in muddadan, isbeddelka hoos u dhaca rabitaanka xiriirka gogosha uu hoos u dhacay.

sawir tusaale ah

Xigashada Sawirka, Getty Images

Dhalinyaradu waxay luminayaan xiisaha xiriirka gogosha

Dalka Mareykanka, Machadka Kinsey ee Jaamacadda Indiana iyo 'Love Honey', oo ah shirkad ka shaqeysa iibinta waxyaabaha la xiriira xiriirka gogosha , ayaa sahan ku sameeyay dad ay da'doodu u dhaxeyso 18jirro ilaa 45 jirro sanadkii 2021-kii.

Sahankan ayaa lagu ogaday in lammaanayaashii is guursaday sannadkii ka horeeyay 2021-kii ay dhibaato ku qabaan ama uu hoos u dhacay xiriirkooda gogosha.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Sidookale sahankan waxaa lagu ogaaday in 25.8% ka mid ah Millennials-ka guursaday ayaanan xiiseyneynin xiriika gogosha, marka la barbardhigo 10.5% jiilka iyaga ka dambeeya ee loyaqaanno Generation Z. Halka 21.2% ee Jiilka loyaqaan Generation X ay leeyihiin dareen dhanka xiriirka gogosha ah oo aad u hooseeya.

Jiilka loyaqaan Generation X waxay dhasheen intii u dhaxaysay 1965 ilaa 1980-meyadii, halka jiilka loo yaqaan Generation Z ay dhasheen dabayaaqadii 1990-meeyadii ilaa horraantii 2010-kii.

Shivani Mistry Sadhu waa dhaqtarad baratay cilimi-nafsiga waxay ka howlgashaa caasimada Hindiya ee Delhi sidookale waxay latalisaa dadka isaqaba.

Waxay tiri "Lammaanayaasha da'da yar ama Millennials waxay u muuqdaan inay luminayaan xiisaha xiriirka gogosha. Waxay sheegaan inaysan dooneynin inay xiriir gogoleed sameeyaan, sidoo kale waxay soo sheegaan hoos u dhac ku yimaada inta jeer ee uu dhexmaro xiriir jireed.

Sida ay khubaradu sheegeen, haddii lammaanaha is qaba ay xiriir gogoleed sameeyaan wax ka yar 10 jeer sannadkii, waxaa loo arkaa guur aan sidiisaba xiririir jireed lahayn.

sawir tusaale ah

Xigashada Sawirka, Getty Images

Waa maxay sababta farqiga u dhexeeya lamaanayaasha uu u sii kordhayo?

Christine Lozano, oo ah lataliye dhanka xiriirka gogosha fadhigeeduna yahay gobolka California ee dalka Mareykanka ayaa tiri, " Luminta rabitaanka xiriirka gogosha waa dhibaato, haddii aan waxba laga qabanna, sii xumaan karta waqti ka dib.

Haddii qofku si isdaba joog ah u codsado xiriir gogoleed oo uu qofka kale sida seyga ama xaaska midkood uu diido , kalsoonida ayaa dhaawacmeysa, sidookale ,qofkii markaas diiday codsiga qofka kale wuxuu dareemayaa qoomamo oo dib ayuu uga fakaraa ficilkas. Taasi waxay abuurtaa xaalad saameyn ku yeelan karto hammadooda ama rabitankooda.

Lozano ayaa sidookale tiri, "Waxaa jira sababo kale oo caafimaad ama dhibato jireed oo xiriirka gogosha ka dhigi karto mid aan macquul ahayn, xanuun leh, adag, ama aan fiicnayn. Walaaca shaqooyinka qofka uu qabto, walbahaarka, iyo ku mashquulsanaanta daryeelka carruurta waxay sidoo kale yareyn kartaa xiriirka gogosha. La'aanta xiriirka ka dhexeeya ninka iyo naagtiisa ee ku saabsan rabitaankooda waxay sidoo kale noqon kartaa sabab keenta hoos u dhaca xiriirka gogosha."

Ma aha hal jiil oo kaliya in uu wajahayo dhibaatadan. Laakiin khubarada ayaa sidoo kale arkaya isbeddelo la xiriira arrintan.

"30 sano ka hor waxaan arki jiray dad da'doodu ka weyn tahay 50 sano oo ii la yimida dhibaatada rabitaan la'aanta xiriirka gogosha. Kuwani waa dadka 'dareenkooda galmo' uu hoos u dhacay sababo laxiriira da'dooda iyo isbeddellada hormoonnada iyo jirrooyinka. Laakiin hadda heerka lamaanayaasha qaba dhibaatooyinkan da’dooda waxay ka yartahay 45 wayna sii kordhayaan." Ayuu yiri Harshman of Sales, oo lataliye dhanka xiriirka gogosha oo fadhigiisu yahay magaalada San Francisco ee dalka Mareykanka.

sawir tusaale ah

Xigashada Sawirka, Getty Images

Maxaa xal ah?

Cadaadiska si buuxda loogama tirtiri karo nolosha, sidoo kale lam joojin muqaalada anshax xumada ah ee internetka ama baraha bulshada lgu faafiyo. Haddaba sidee ayaa guurka looga badbaadi karaa in aanu xiriir gogol la'aan noqon sababtan awgeed?

Shivani Mistry Sadhu ayaa leh, "Rabitaanka labada qof is qabta waxay muhiim u yihiin xiriirka jireed. Labaduba waa inay faraxsan yihiin. Labaduba waa inay wada xiriiraan, is aaminaan oo ixtiraamaan rabitaanka midba midka kale.

Inta uu le'eg yahay xiriirkiina ayaa ka muhiimsan inta jeer ee aad xiriir gogoleed sameysaan. Waxa muhiimka ah ayaa ah sida aad is isugu dhawdihiin iyo inta farxadda aad helaysaan ay la'egtahay."

Khubaradu waxay yiraahdeen “Lammaanaha xiriirka ka dhexeeya, haduu yahay qanacsanaan iyo farxad, xiriirkooda waxaa la sheegaa inay helaan nolol xiriir gogoleed oo wanaagsan”.

Waa run in xiiso la'aanta xiriirka jireed ay tahay mowduuc ay dad badan ka xishoodaan inay kala hadlaan lammaanahooda. Laakiin haddii ay tani dhacdo, khubaradu waxay u muuqdaan inay ku talinayaan in caawinta lataliyaha guurka ama lataliyaha dhanka xiriirka gogosha ay raadsadaan.