Sharcigu muxuu ka qabaa in eedeysane maxkamad jooga wajigiisa la baahiyo?

Maxkmadda gobolka

Xigashada Sawirka, Maxkmadda gobolka Banaadir

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan sheegtay in lacag dhan kow iyo labaatan milyan oo doolar la xaday. Waxayna dowladda shaacisay magacyada sideed iyo toban qof oo musuqmaasuq lagu eedeeyay. Dhammaan eedeysanayaasha ayaa ah shaqaale dowladeed.

Dadka loo haysto eedaha musuqmaasuqa ayaa wajiyadooda banaanka la soo dhigay iyadoo maxkamadeyntooda toos looga sii daayay telefishinka dowladda.

Sharciga Soomaaliya muxuu ka qabaa in warbaahin laga baahiyo muuqaalka eedeysanayaasha?

Soomaaliya ma cadda sharci si toos ah u abaaraya qodobkaan oo qeexaya in warbaahinta sida talafishinada raadiyaasha ama baraha bulshada laga baahin karo muuqaalada eedeysanayaasha jooga heerka dhagaysiga dacwadda. Balse waxaa jira qodob ka hadlaya cidda loo ogol yahay in ay goobjoog ka noqoto dhagaysiga maxkamadaha oo ku qoran xeerka ciqaabta.

“Xeerka 96 ee habka ciqaabta Soomaliya maxkamadaha marka ay dacwada qaadayaan, dadweynaha way u furan yihiin, cidwalbana way dhageysan kartaa marka laga reebo sababo ay ka mid yihiin amniga ama caafimaadka” ayuu yiri garyaqaan Maxamed Qaanuuni oo la hadlay BBC.

Marka laga soo tago kiiska hadda taagan ee musuqmaasuqa, inta badan maxkamadeynta la xiriirta dadka loo haysto argagixisada waxay dowladda Soomaaliya ka sameysay barnaamijiyo laga sii daayo telefishinkeeda.

Balse waxaa jira sharuuc caalami ah oo dhigaya in eedeysanayaasha ay baaristu ku socoto, ee aan wali gaarin heerka dhagaysiga dacwadda ay sharci darro tahay in la baahiyo xogtiisa qaaska ah oo ay kamid yihiin magaciisa iyo wajigiisa, sida uu BBC u sheegay garyaqaan Sakariye oo ku taqasusay shuruucda caalamiga ah.

Balse qodobkaan labaad waxaa la socda shardi, kaas oo ah hadii qofka baaristu ku socoto uu yahay baxsad aan u soo gacan galin laamaha amniga in lagu baafin karo magaciisa iyo muuqiisaba.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa khudabadiisa jimcaha ee masjidka madaxtooyada ka sheegay in kiisaska dadka lagu soo eedeeyay musuqa si toos ah looga sii deyn doono talafishinada, wuxuu arrinkaan u cuskaday si ay ugu dhacdo maxkamadeyntu si daahfurn.

“kiis kasta oo musuqmaasuq la xiriira waa in toos looga daawada telefishinada si waxkasta u kala cadaadaan oo aan laysugu soo gaban” ayuu yiri madaxwene Xasan Sheekh.

Maxkamad

Xigashada Sawirka, Getty Images

Faa'iido ma u noqon kartaa eedeysanah in wajigiisa la baahiyo?

Abuukaate Qaanuuni oo kamid ah dadka aan la dhacsanayn in la baahiyo wajiga dadka maxkamaddu ku socoto ayaa qaba in mararka qaar ay faa'iido u noqon karto eedeysanaha in maxkamadeytiisa laga sii daayo warbaahinta si maqal iyo muuqaal ah.

"Cadeymaha uu isku difaacayo qofka eedeysanaha ah oo aan noqon kuwa qarsoodi ah, feejignaan ay sameyso maxkamaddu xilliga tooska loo tabainayo kiiska, in ehelada qoyska ee aan goobjooga u noqon karin dacwadda ay toos ula socdaan maxkamadda iyo in daneeyayaasha kiiska eedeysanaha sida masuulyiinta 'matala' in ay la socdaan," ayuu ku sheegay faa'iidooyin dhawr ah oo ay yeelayn karto baahinta dacwadda.

Warbaahitna ayaa u muuqato in ay ka noqotay Soomaaliya garsoorka ugu fiican oo dhibanaha codkiisa gaarsiin karta meel walba.

Garsoorka Soomaaliya sida lagu magacaabo iyo sida xilka looga qaado waxay la mid yihiin siyaasyiinta waxaa soo magacaabo madaxweynaha.

Maxkamad

Xigashada Sawirka, .

Caalamka iyo eedeysanaha

Dalal badan oo caalamka ah ayaa qaba sharciyo la baahin karo dhagaysiga dacwadaha ka dhex socda maxkamadaha.

Balse waxaa jira kiisas dad lagu waday baaritaan oo ay warbaahintu baahisay, balse cawaaqib kale yeeshay.

Musuqmaasuqyadii hore ee la shaaciyay

Ma ahan markii ugu horeysay oo baaris musuqmaasuq ka bilaabato Soomaaliya. Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa 2016-kii waxaa laga xaday lacag gaareysa shan boqol iyo sodon kun oo dollar ($530,000).

“Si tartiib tartiib ah ayaa lacagtan looga saaray qasnada iyadoo badalkeeda la adeegsanayay lacago dollar ah oo been abuur ah” ayuu sheegay guddoomihii banghiga ee xiligaas Dr Bashiir Ciise Cali.

Sanadkii 2020-kii ayaa kiis ku saabsana musuqmaasuq ka bilwoda wasaaradda caafimaadka ayaa lugta la galay wasaaradaha kale ee dowladda.

Xeer ilaaliyihii hore dowladda Soomaaliya Dr. Sulaymaan Maxamed Maxamuud, ayaa sheegay in ay baaris ku sameysay kiiska ku saabsan musuqmaasuq.

Xukuumadihii hore soomaaliya waxay ku celceliyeen in ay musuqmaasuqa la dagaallamayaan