Trump oo maxkamad ka soo muuqday isaga oo wajiga kab ka dhigaya

Xigashada Sawirka, Getty Images
Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa taageerayaashiisa kula hadlay gobolka New Jersy kaddib markii uu ka soo muuqday maxkamad.
Trump ayaa waxaa uu dafiray dhamaan 37 dacwadood oo lagu eedeeyay. Madaxweynaha hore ayaa weli ah musharaxa ugu cadcad ee inuu noqdo musharaxa xisbiga Jamhuuriga ee doorashada madaxtinimo ee sanadka 2024-ka.
Waxaa la arkayay Trump oo fadhiya maxkamadda oo aamusan, waxa ku la bisnaa suud madaw iyo tay cas, iyadoo wejigiisa aysan ka muuqan dareen farxadeed. Waxa ay ka ka turjumayeen dareenkiisa ku aaddan in sannadkan mar kii labaad uu maxkamad ka soo hor muuqanayo.
Mr Trump waxa uu noqonayaa madaxweynihii ugu horreeyay ee Mareykan ah - hadda ama kuwii hore - ee lagu soo oogo dacwad dambi ah oo heer federaal ah.
Maxkamadda ka bacdi, waxa uu isla markiiba u anbabaxay gobolka New Jersey, halkaas oo uu kula hadlay taageerayaashiisa.
Mr Trump, waa musharaxa ugu cadcad metelaadda madaxweyne ee xisbiga Jamhuuriga 2024, waxaana uu u sheegay dadweynihii isugu soo baxay inuu "xaq u leeyahay" inuu haysto dukumiintiyada qarsoodiga ah. Sharcigana u u maray, isla mar ahaantaana lala daba socdo eedo aan sal iyo raad toona lahayn xilli eeddaha loo haystaa yihiin in xogo qaran si sharci darro meel khaas u geystay.
“In lagu dacweeyo madaxwaynihii hore ee Maraykanka xeer hoos yimaada Sharciga Basaasnimada ee 1917, kama dhigna sida ay u jeedaan. Waa danbi aad u xun oo kaliya ciqaabtiisu tahay dil ama in xabsi la 400 oo sano. Taas ayaa la iigu hanjabay. Xilli keliya aan haysto warqadaha madaxnimadu ii bannaynaysay, taas oo ka dhigan in madaxweyne kasta oo kale uu hore u sameeyay. Arrintani, waa mid ka mid ah aragtiyaha sharci ee ugu foosha xumaa ee abid lagu soo bandhigo maxkamad Maraykan ah Waxaan xaq kasta u leeyahay haysashada dukmetiyada aan haysto,” ayuu yiri Trump

Eedeymahan oo si rasmi ah loo shaaciyay Jimcihii, ayaa soo baxay ka dib markii saraakiisha FBI-da ay heleen in ka badan 100 dukumeenti sir ah, kuwaas ku kedysan dhismaha gaarka ah ee Mr Trump ee ku yaal Florida.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Waxaa lagu eedeeyay in ay ka koobnaayeen xog ku saabsan awoodda difaaca iyo hub ee Mareykanka iyo dalalka kale oo shisheeye ay leeyihiin, iyo sidoo kale kuwo ay ku qornaayeen qorshayaal Maraykanku waday oo ahaa suuragalnimada qorshe aargoosi oo lagaga jawaabayo weerar shisheeye.
Dacwad oogayaasha ayaa ku eedeyay in uu si shakhsi u kaydiyay faylalkan, oo uu ku kaydiyey qolalkiisa jaaska iyo ciyaarta iyo halka qaarkoodna lagu xaseeyey musqulo. Waxaana intaa la raaciyey in uu hor istaagay saraakiishii FBI-da ee baardhista hawshaas ku saqo lahaa.
Dhibaatooyinka dhanka sharciga ah ee Mr Trump lagu oogayo ayaa u muuqda mid aan hoos u dhigin taageeradii uu ku dhex lahaa codbixiyayaasha Jamhuuriga.
Ra'yi ururin ay samaysay BBC-da warbaahinta ay bahwadaagta yihiin ee CBS ayaa lagu ogaaday in 76% laga yaabo inay u badan tahay in codbixiyayaasha xisbiga Jamhuuriga ay aad uga walaacsan yihiin eedda loo haysta una arkaan dano siyaasaded.
Trump ayaa se dhankiisa hore ka sii wata ololihiisa madaxtinnimada, xilli ay suuragal haddii danbiyadan lagu helo in xabsi uu wejaho, sida sharciyaqaannadu qabaan.













