Trump oo loo heysto in ’feylal sir ah uu ku keydiyay suuliga’

Xigashada Sawirka, DOJ
Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa lagu eedeeyay in boqollaal dukumentiyo ah uu si xun u maareeyay, waxaana ka mid ah qorshooyinkii Mareykanka ee milatariga iyo siraha nukliyeerka.
Dacwadahan oo 37 ka kooban ayaa waxaa ka mid ah in feylasha u uku keydiyay gurigiisa ku yaalla gobolka, sida hoolalka shirarka, suuliga iyo inuu been u sheegay baarayaasha.
Waxaa lagu eedeeyay inuu isku dayay inuu carqaladeeyay baaritaanka.
Trump, oo mar kale u tartamaya doorashada 2024, ayaa beeniyay inuu wax khalad ah sameeyay.
Eedeymaha ayaa sidoo kale waxaa lagu soo oogay denies Walt Nauta, oo ah kaaliyaha Trump. Ninkan ayaa lagu eedeeyay inuu feylasha ka qariyay FBI.
Dacwaddan 49 bog ka kooban ayaa waxaa ku jira eedeymihii heer federal ee ugu horreeyay ee ka dhan ah madaxweyne hore oo Mareykanka ah.
Feylashan uu Trump ku keydiyay bokisyo ayaa waxaa ku jira:
- Barnaamijyada nukliyeerka ee Mareykanka
- Awoodaha difaaca iyo hubka ee Mareykanka iyo dalalka shisheeye
- Nuglaanshaha suurtogalka ah ee Mareykanka iyo xulafadiisa ay u nuglana karaan weerar milatari
- Qorshooyinka aargoosi suurtogal ah iyaodo laga jawaabayo weerar shisheeye
Dacwad-oogayaasha ayaa sheegaya in markii uu Trump ka tagay xafiiska, uu ilaa 300 oo feyl u qaatay hoteelkiisa Mar-a-Lago.
Marka ugu horreysa ee Trump uu ka soo muuqan doono 'maxkamad ku taalla Miami, Florida, waxay noqon doontaa Talaadada - oo ku beegan dhalashadiisa 77aad.

Xigashada Sawirka, DOJ
Mar-a-Lago "ma ahayn meel loogu talogalay" in lagu keydiyo feylasha, ayaa lagu yiri dacwadda.
Feylasha qaar ayaa la sheegay in lagu keydiyay masraxa shirka hoolka, halkaasoo munaasabado iyo isu imaatin lagu qaban jiray, kaddibna waxaa loo qaaday in lagu keydiyo suuli, xafiis iyo qolka jiifka ee Trump.
Waxaa la sheegay in labo jeer sanadkii 2021 uu Trump dokumentiyadan tusiyay qoraa iyo xubno shaqaalihiisa ka tirsan.
Dacwda oogayaasha ayaa sheegay in Mr Trump uu kaddib dukumentiyadan mar kale tusiyay ku soo bandhigay bilihii August ama September 2021 kalaabka Bedminster.
Madaxweynihii hore ayaa la sheegay inuu feylashan tusiyay guddigiisa siyaasadda oo aan idim u heysan.
Ta taliyaha gaarka ah Jack Smith, oo korjoogteynaya baaritaankan, ayaa shalay sheegay in shuruucda ilaalineysa warbixinta difaaca qaranka ay yihiin kuwo adag ayna tahay in la dhaqan geliyo.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraal uu baraha bulshada soo dhigay ayuu, Mr Trump ku sheegay Mr Smith inuu yahay nin aan fiyoobeyn.
"Waa nin neceb Trump – nin xanuunsan oo ay tahay inuusan ku lug yeelan kiis walba oo quseeya caddaaladda,'" ayuu kusoo qoray bartiisa Truth Social.
Mr Trump ayaa sheegay in feylal noocan oo kale ah laga helay sidoo kale xafiiskii hore ee Madxaweyne Joe Biden iyo gurigiisa Delaware.
Baaritaan heer federal ah oo ku aaddan sida uu feylasha u maareeyay Biden ayaa waxaa wada La taliyaha gaarka ah Robert Hur.













