Quruxleydii guurka ka diidday Nelson Mandela

Nelson Mandela ayaa mar ku kaftamay, "khalad kuma lihi haddii ay haweenku i eegaan oo ay iga helaan. Runtii, waxba kama soo qaadi doono."
Nelson Mandela, oo saddex jeer guursaday, ayaa isagoo da’a ah xitaa soo jiidan jiray haween ku nool daafaha dunida.
Balse waxaa jirta haweeney diidday codsigii guur ee Mandela. Magaca haweeneydan oo Hindiya kasoo jeedda waa Amina Kachalia.
Maxay u diidday guurkiisa?
Amina ayaa door muhiim ah ku lahayd dhaqdhaqaaqii caddaan-diidka ee Koofur Afrika. Markii ay 21 jir ahayd, Nelson Mandela ayaa kasoo qeyb galay xafladda dhalashadeeda Amina ayaa iyadana sidoo kale aadday Xabsiga Pollsmoor si ay ula kulanto.
Amina waxaa guursaday Yusuf Kachalia oo geeriyooday sanadkii 1995. Xilligaas, waxaa billowday hannaanka uu Nelson isaga furayay xaaskiisii labaad Winnie.

Xigashada Sawirka, GHALEB CACHALIA/FACEBOOK
Wiilka Amina, Ghaleb Kachalia, ayaa yiri, "Waan ogeyn in Mandela iyo waaliddiinteydu ay saaxiibbo isku fiican ahaayeen. Wuxuu aalaaba imaan jiray gurigeenna. Xilli ka mid ah 90-meeyadii hooyadey ayaa aniga iyo walaashey Koko gees noola baxday waxayna inoo sheegtay in Mandela uu usoo jeediyay inuu guursado, iyaduna ay diiddan tahay."
Xilligaas Nelson Mandela wuxuu ahaa 80 jir halka Amina ay 68 jir ahayd.
Ghaleb oo la weydiiyay sababta ay hooyadiis u diidday guurka ninkan caanka ahaa, ayaa wuxuu ku jawaabay, "Hooyadey aad ayay ugu dhoweyd Nelson. Balse xitaa diyaar uma ahayn inay illowdo xusuusihii aabbahay. Aabbahay wuxuu iyada ka weynaa 15 sano. Laga yaabee kaddib geeridiisa ma aysan rabin nin markaasna uu ninkan weyn kusoo biiray nolosheeda."

Xigashada Sawirka, GHALEB CACHALIA/FACEBOOK
Waxay ahayd haweeney qurux badan

Xigashada Sawirka, GHALEB CACHALIA/FACEBOOK
Weriyaha caanka ah Saeed Naqvi ayaa sheegay inuu fursad u helay inuu la kulmo Amina markii ugu horreysay markaasoo Nelson Mandela laga soo daayay xabsiga.
Xilligaas seyga Amina ee Yusuf wuu noolaa. Markii uu u tagay inuu Nelson Mandela kula kulmo guriga Desmond Thutu kaddib markii xabsiga laga soo daayay, wuxuu arkay Amina uu dhinac fadhisa Mandela.
Naqvi wuxu yiri, "Markaan eegay Amina, waxaan dareemay inay ahayd qof ilaa xad qurux badan, soo jiidasho leh oo kaftan badan. Waxay lahayd wax walba oo lagu arko qof geesi ah. Waxay kasoo shaqeysay Kongareeska Qaranka ee Afrika. Waxay saaxiib la ahayd Mandela heerka caqligeedana wuxuu la mid ahaa kan Mandela."
Xiriirkii Mandela iyo Amina

Amina iyo Nelson Mandela ayaa dhowr jeer kulamo ku lahaa iyadoo uu goobjoog ahaa Saeed Naqvi, balse markii uu tegay Koofur Afrika sanadkii 1995, Yusuf wuu geeriyooday.
Waxaan is arki doonnaa fiidka. Amina ayaa sheegtay inaysan is arki Karin fiidka, sababtuna ay tahay inay halkaa joogeyso muddo badan. Waxaan arrintan ka gartay sida ay labada qof isugu dhow yihiin.
Dhacdadaan kaddib dhowr jeer oo kale ayuu sidan oo kale la kulmay markii Naqvi uu u tagay Amina si uu ula kulmo, wuxuu ogaaday inuu ku sugnaa guriga Mandela.
Markii uu halkaas aaday, wuxuu ogaaday inuu meel kale aaday.
Saeed Naqvi wuxuu sheegay inuu markii dambe ogaaday damaca Nelson ee ah inuu guursado Amina.
Amina sambuus ayay u dubtay Mandela
Amina Kachalia ayaa markii dambe wareysi lala yeeshay ku sheegtay in xusuusihii ugu macaanaa ee Mandela ay qalbiga ku heysato isla markaana mar isagoo madaxweyne ah uu gurigooda yimid.
Amina ayaa wareysiga ku tiri, "Wuxuu ku fadhiyay gambar gadaasheyda yaallay jikada dhexdeeda markii aan isaga u dubayay sambuus."
Amina ayaa taariikhdeeda ku xustay in 'Mar kaddib guurkiisii saddexaad ee Grace Mitchell, uu Mandela tagay gurigooda ku yaallay Johannesburg uuna jaceylkiisa u bandhigtay. Waan diiday ayay tiri maaddaama aad hadda uun guursatay. Anigu xor baan ahay balse adiugu ma tihid. Mandela ayaa arrintan ka murugooday wuuna diiday inuu cunto iga cuno wuuna baxay.
Shukaansigii Mandela iyo Amina

Xigashada Sawirka, GHALEB CACHALIA
Amina ayaa taariikhdeeda waxaa kale oo ay ku tiri, "Mandela jaceyl ma aqoon. Laga yaabee inuu dareenkan lumiyay markii uu xabsiga ku jiray. Wax jawaab ku habboon kama siin karin codsigiisa shukaansiga. Waan ka helay, laakiin ugama helin sida ninkeygii dhintay xitaa markii uu da’ ahaa."
Saeed Naqvi ayaa sheegay in marka laga soo ago waxa ay Amina tiri iyo waxa uu wiilkeeda Ghalib u sheegay, inuu aaminsan yahay in hoggaamiyeyaasha sare ee Kongareeska Qaranka Afrika aysan rabin in Mandela iyo Amina ay xiriir dhow yeeshaan.
Naqvi ayaa yiri, “U qaado in Nelson Mandela, oo ahaa geesigii caddaan nacaybka ee Koofur Afrika, uu sidoo kale ahaa geesiga xornimada Afrika. Farriin khaldan ayay aamini lahaayeen bulshada Afrika. Si kastaba, Mandela wax sidaas ah kuma heyn qalbiga iyo niyadda.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Naqvi ayaa yiri, "Waxaa la is dhahayay in Mandela uu kuf iicnaa inuu guursado Grace Machel, xaaskii uu ka geeriyooday madaxweynihii Mozambique, intii uu guursan lahaa haweeney asal ahaan kasoo jeedda Hindiya, markii dambena jihadaas ayuu qaaday. Arrimahan weligood lama xaqiijin. Cidda haa tiri ama maya tiri. Balse wax baa ka dhexeeyay. Markii aan si dhow ula socday, waxaan dhihi karaa dabku labada dhinac isku si buu uga shidnaa!"













