Jacaylkii ka bilowday muuqaalkii ay TiTok ka daawatay ee sababay inay dalkeeda ka soo safarto

"Waan is jecelnahay," ayuu yiri Shadab Alam oo 27 jir ah. Laakiin waxaan rabnaa inaan si sharci ah isku guursano.

Xigashada Sawirka, Getty Images

"Haddii ay taladeyda tahay berri ayaa guursan lahaa Shadab."

Barbara Pollock, oo dhawaan Hindiya timid iyada iyo gabadheeda, ayaa ka hadashay jacaylka ka bilowday ee u horseeday inay Hindiya timaaddo. Barbara ayaa ka dareemi karta dhoola cadeynta ka muuqata wejiga saaxiibkeed Shadab markii ay hadlaysay.

"Waan is jecelnahay," ayuu yiri Shadab Alam oo 27 jir ah. Laakiin waxaan rabnaa inaan si sharci ah isku guursano. Ma dooneyno inaan la kulanno wax dhibaato ah mustaqbalka."

Barbara Pollock, oo 44 jir ah, waxa ay Hindiya soo gaartay toddobaadkii ugu dambeeyay bishii June iyada iyo gabadheeda Ania Pollock oo 7 jir ah. Jacayl dartii ayaa Poland uga timid si ay ula kulanto 27-ka ay TikTok ka caashaqday.

Markii ay India timid, waxay markii ugu horreysay la kulantay saaxiibkeed Shadab Alam. Intaa ka dib, saddexdu waxay si wadajir ah u booqdeen goobaha dalxiiska ee Delhi. Ka dib saddexdooduba waxay gaaReen tuulada uu ka soo jeedo Shadab ee azaribagh ee Jharkhand.

Sida u uku bilowday Jacaylkooda

Shadab, oo ku dhameystay waxbarashadiisa Maharashtra, ayaa sheegay in uu aad ugu fiican yahay qoob ka ciyaarka.

Waxa uu yiri, “Waxa aan samaynayay muuqaalo qoob ka ciyaar ah oo aan dhigayay cinwaankayga barta TikTok. Kadib markii Barbara ay dawaatay muuqaalladaeyda ayaa waxay ka mid noqotay asxaabta ku xiran bartayda TikTok. Barbara ayaa dhowr jeer farriin iga soo dirtay akoonkeeda. Laakin markaan arkay sawirka u saaran inuu yahay qof ajnabi ah ayaan iska indhatiray farriinteeda.

Waxaan ka baqay in kani yahay akoon been abuur ah. Markaa uma jawaabin. Laakiin waxay sii wadday isku daygeeda ah inay ila soo xiriirto."

"Haddii ay taladeyda tahay berri ayaa guursan lahaa Shadab."

Xigashada Sawirka, SARTAJ ALAM

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

"Waxaan bilaabay in aan muuqaallada qoob ka cayaarka ah aanu soo dhigo barta Instagram ka dib markii TikTok la xiray," ayuu yiri Shadab. Ka dib Barbara Instagram-na ka mid ahayd asxaabteyda ayaa waxaa dhacday maalin maalmaha ka mid ah anigoo si toos ah ugu jiray Instagram-ka ayaa iyadoo i daawaneysa muujisay muujisay rabitaankeeda ah inay ila soo xiriirto. Intaa ka dib waxa aan siiyay mobile-kaygii numbarkayga, waxa aanu bilownay in aanu ku wada hadalno WhatsApp-ka. Waxayna ahayd xannibaadihii fayrasa corona ka hor."

Shadab isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yiri, “Barbara waxa ay mar walba fariin ahaan igu soo diri jirtay ubaxyo cas. Taas markaan arkay, waxaan dareemay inay I jeceshahay. Laakiin maalin ayaa Barbara lafteedu ii soo bandhigatay jacaylka ay ii qabto aniguna waan ka aqbalay.”

"Aad ayaan ugu waalnaanjiray isticmaalka baraha bulshada," ayuu yiri Shadab. Hase yeeshee Barbara ayaa igula talisay inaanan wakhtiga ku lumin isticmaalka baraha bulshada. Waxay igu dhiirigelin jirtay inaan noloshayda heer sare gaarsiiyo. Waxay ii sheegi jirtay inaan diirada saaro shaqada si aan u noqdo qof guulaysta. Waxaan bilaabay in aan jeclaado Barbara gaar ahaan markaan arkay sida ay i daryeesho. Waxaan dareemayay in midba midka kale loo sameeyay."

Barbara waxay tiri, “Waxaan Shadab u diyaariyay fiisaha booqashada ee ee Poland. Laakiin sababo jira awgood wuu iman kari waayay. Kadib aniga ayaa imid Hindiya dhamaadkii 2021 si aan ula kulmo Shadab.

Shadab ayaa isna dhankiisa yiri, “In kasta oo la isku dayay, waa ay ii suurogeli weysay inaan aado Poland sababo la xiriira dukumiintiyo sidaa darteed Barbara waxay timid India iyadoo wadata gabadheeda.

Barbara hadda waxay rabtaa inay guursato Shadab Alam. Waxayna tiri, “Shadab iyo aniga waan ogaanahay inaan si dhab ah isku jecelnahay hadda keliya waxaan u baahannahay inaan gurano mirihii jacaylka oo ah inaa is guursano oo guri wada yagleelno.”

"Haddii ay gacantayda ku jirto berri ayaa is guursan lahayn laakin labadeenuba waxaan ka nimid wadamo kala duwan. Markaa waxaan rabnaa in aan sameyno guur sharciyeysan ka dib marka aan dhammeyno dukumentiyada."