Mareykanka: 6 arrimood oo la yaab leh oo laga ogaaday wiilkii toogashada ku dilay 21 qof

Salvador Ramos oo ah ninka lagu tuhunsan yahay toogashada

Xigashada Sawirka, POLICÍA DE TEXAS

Qoraalka sawirka, Salvador Ramos oo ah ninka lagu tuhunsan yahay toogashada

Ninkii hubaysnaa ee 18 jir ahaa oo la sheegay in uu toogasho ku dilay 19 carruur ah oo iskuullay ah iyo laba qof oo waaweyn oo ku sugnaa dugsi hoose oo ku yaalla Texas ayaa si qarsoodi ah farriin ugu diray qof kale isga oo yiri "Waan ku dhowahay" saacado ka hor inta uusan rasaas ku furin carruurta.

Haddaba waxaa soo baxaya faahfaahinno ku saabsan shakhsiyadda wiilkan dhallinyarada ahaa ee iskuulka weerarka ku qaaday.

Waxaan halkan idinku soo gudbinaynaa waxa ilaa hadda laga ogyahay wiilka oo lagu magacaabi jiray Salvador Ramos.

Wuxuu baraha bulshada ku baahiyay sawirro hub

Cinwaan la rumeysan yahay inuu barta Instagram-ka ku lahaa Ramos waxaa ku jiray sawirro hub iyo sawirro uu isaga qaaday. Cinwaankan oo magaca ku qoran uu yahay "salv8dor_", ayaa iminka hawada laga saaray kaddib markii la ogaaday inuu lahaa qofka looga shakisan yahay inuu toogashada geystay.

Sawirrada laga helay bartii uu Instagram ku lahaa ayaa muujinaya qaar uu isaga iska qaaday iyo qoryaha darandooriga u dhaca oo meel ku tiirsan.

Gabadh ku soo gasha barta Instagram magaca @epnupues oo uu sawirradan ku soo taag-gareeyay ayaa sheegtay in aysan ogeyn ilaa iyo iminka sawirrada qoryaha iyo waxyaabaha kale ee uu magaceeda ku xusay ama ku taag-gareeyay.

Goobta uu falka ka dhacay

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Goobta uu falka ka dhacay

Qoriga uu dadka ku laayay waxaa uu u iibsaday si sharci ah

Ramos ayaa qorigan oo ah nooca darandooriga u dhaca iibsaday 17-kii bishan May wax yar uun kaddib markii uu u dabaaldagay sanadguuradii 18-aad ee ka soo wareegatay dhalashadiisa.

Sida uu qoray wargeyska New York Times, qoriga ayaa waxaa uu ka iibsaday Oasis Outback, oo ku yaalla waddada Uvalde.

Ramos waxa uu sidoo kale iibsaday 375 xabbo oo rasaas ah sida uu sheegay sanatarka laga soo doortay gobolka Texas, John Whitmire.

Markii uu gudaha u galay iskuulka ayaa waxa uu ardeyda uu dilay sida la sheegay isugu geeyay hal fasal isaga oo kaddibna toogtay 2 macallin.

Qaar ka tirsan eheladii carruurtii la laayay oo murugeysan
Qoraalka sawirka, Dad ka murugeysan dhacdada

Ramos ayaa fuliyay toogashada kaddib muran dhexmaray isaga ayeeydii

Wiilkan 18 jirka ahaa ayaa la sheegay in muran uu dhexmaray isaga iyo ayeeydii ka hor toogashada.

Waxay isaga iyo ayeeydii ku murmeen in uu ku guuldarreystay in uu ka qalinjabiyo dugsiga sare.

Mid ka mid ah wargeysyada ayaa ka soo xigtay Eduardo Trinidad, oo daris la ah, in Ramos uu xabbad ku dhuftay ayeeydii isla markaana inta uu gaariga galay uu si xawaaro ah u kaxeeyay.

Markii dambe oo lala xiriiray ayuu Eduardo sheegay in uusan toos u maqlayn muranka labada dhinac.

Ramos ayeeydii ayaa la sheegay in iminka ay xaalad halis ah ku sugan tahay.

Ramos awoowgii oo sheegay in uusan waxba ka ogay in uu qori soo iibsaday

Ronaldo Reyes, oo 72 jir ah, isla markaana awoowe u ah Ramos ayaa u sheegay warbaahinta ABC News in uusan ka warqabin in wiilka uu awoowga u yahay uu soo iibsaday qori iyo in guriga uu u yaallay intaba.

"Ma aanan ka warqabin in uu hub haystay, haddii aan ogaan lahaa waan soo sheegi lahaa," ayuu yiri Reyes.

Waxaa uu intaa ku daray in maalinkii uu wiilkan dilka geysanayay aysan muuqan wax calaamad ah oo muujinayay in uu qorshaynayo falkaasi.

Iskuulka ay toogashada ka dhacday

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Iskuulka ay toogashada ka dhacday

Ramos ma ahayn qof horey dambi u galay ama dhimirka ka xanuunsan

Wiilkan dhallinyarada ahaa marka taariikhdiisa dib loo eego ma lahayn fal-dambiyeed uu horey u galay ama xanuun dhanka dhimirka ah, sida uu Arbacadii sheegay guddoomiyaha gobolka Texas, Greg Abbott .

"Ninka hubaysnaa waxaa ay da'diisu ahayd 18 jir, sida la sheegay waxaa uu dugsiga sare ka tagay isaga oo aan dhameyn," ayuu yiri Abbott oo warbaahinta la hadlay.

"Sida la sheegay ma lahayn sooyaal dhanka dambiyada ah oo ilaa iyo iminka la ogyahay," ayuu intaa ku daray.

Waxaa uu ahaa nin rabshad badan

Santos Valdez Jr oo ay saaxiibbo isku dhow ahaayeen Ramos ayaa sheegay in ay ahaayeen saaxiibbo aad isugu dhow, ayna wada ciyaari jireen kubbadda kolayga, balse ay markii dambe dabeecaddiisa isbeddeshay oo ay sii xumaatay, sida uu ku warramay wargeyska The Washington Post .

Waxaa uu intaa ku daray in mar uu Ramos tusay nabar uga yaallay wejiga uuna u sheegay in ay bisad ka xagatay.

"Markii dambe waxaa uu ii sheegay runta in wajiga ay mindi ka jeexday," ayuu wargeyska u sheegay Valdez .