Xasan Sheekh: Alshabaab iyo guusha Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud

Xigashada Sawirka, AFP
Iyadoo uu habeenkii Axadda uu doorashada madaxtinnimada Soomaaliya si aqlabiyad leh ugu guuleystay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo hore u soo noqday madaxweyne, ayaa waxaa horyaalla caqabado badan oo amnigu ka mid yahay.
Kooxda Alshabaab oo inta badan amni-darrada dalka lagu eedeeyo, ayaan wax badan ka oran doorashadan, halka doorashooyinkii hore ay afduuban jireen amaba xitaa qaarkood dili jireen ergada soo dooratay xildhibaannada, iyagoo ku eedeynaya inay qeyb ka noqdeen sida ay sheegeen doorasho aan diinta Islaamka lagu saleyn.
Markanse, doorashooyinkii dhacay kama aysan hadlin, iyadoo dadka qaar ay cabsi ka muujinayaan in xubno ayaga ka tirsan amaba dad taageersan laga yaabo inay si qarsoodi ah u doonayeen inay uga mid noqdaan baarlamaanka si ay dowladda gudaha uga wiiqaan.
Cabsidan waxaa sanadkii 2020 meel fagaare ah ka muujiyay madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, mar uu yiri: "Waxaan ka baqayaa inaan aragno baarlamaan ay si aan toos ahayn u maamulaan Al-Shabaab sababtoo ah waxay heysan doonaan taageerada qaar ka mid ah xildhibaannada."
Alshabaab iyo Madaxweyne Xasan Sheekh

Xigashada Sawirka, Getty Images
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud markii ugu horreysay ee uu xilka madaxtinnimada Soomaaliya qabtay 11-kii September, 2012, waxaa dhacay falal amni-darro ah oo qaarkood asaga toos loogu beegsaday.
Maalin kaddib markii la doortay, Al-Shabaab ayaa Madaxweyne Xasan ku tilmaamay "khaa'in" waxayna wacad ku mareen inay sii wadi doonaan waxa ay ku tilmaameen jihaadka ka dhanka ah dowladda oo ay sheegeen inay u adeegto shisheeyaha.
Hadalkoodaas ayay ka dhabeeyeen labo maalmood kaddib markii la doortay iyo maalin un kaddib hadalkooda, iyagoo qarax la beegsaday meel uu shir jaraa'id ku qabanayay.
Madaxweynaha iyo wasiirkii arrimaha dibadda Kenya ee xilligaas, Sam Ongeri, ayaa shir jaraa'id ku qabanayay hoteelka Jasiira ee magaalada Muqdisho markii qarax ismiidaamin ah uu ka dhacay gudaha hoteelka, inkastoo labaduba uusan wax dhib ah ka soo gaarin.
Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarka, oo ay ku dhinteen ku dhowaad 10 qof.
"Annaga ayaa ka dambeynay qaraxyada hoteelka Muqdisho. Waxay ahaayeen howlgal ay si wanaagsan u qorsheeyeen mujaahidiinta," ayuu Sheekh Abdicasiis Abu Muscab, oo xilligaas u hadlayay Al-Shabaab u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters.
Hoteelka Jasiira ayaa wuxuu ku yaallaa meel u dhow Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cabdulle oo saldhig weyn u ah ciidamada nabad ilaalinta ee Midowga Afrika waxanaa loo arkaa meelaha ugu ammaanka badan caasimadda.

Xigashada Sawirka, AFP
Sidoo kale bishii Febraayo ee sanadkii 2014, qarax weyn oo gaari loo adeegsaday ayaa ka dhacay albaabka hore ee madaxtooyada Soomaaliya, waxaana xigay rasaas la isku weydaarsaday gudaha.
Waxaa la sheegay in ugu yaraan labo sarkaal oo sare iyo sagaal ka mid ah dadkii weerarka soo qaaday ay ku dhinteen.
Ergaygii Qaramada Midoobay ee Soomnaaliya ee xilligaas, Nick Kay ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray in Madaxweyne Xasan uu u sheegay inuu badqabo.
Mar kale, Al-Shabaab ayaa sheegatay qaraxa oo halka uu ka dhacay ah meel aad loo ilaaliyo, hoyna u ah madaxweynaha, ra'iisul wasaaraha, guddoomiyaha baarlamaanka iyo wasiirro kale.
Ammaan-darrada oo sii kordheysa

Beesha caalamka ayaa in muddo ahba dowladdii Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uga digeysay in qaska siyaasadeed ee dalka ka jiray oo ay soo cusbooneysiiyeen murannadii ka dhashay hab-raaca doorashada uu Al-Shabaab u oggolaanayo inay ka faa'iideystaan xaaladda ayna fuliyaan weerarro ballaaran.
Labo qarax oo is xigay ayaa bishii March 48 qof ku dilay bartamaha Soomaaliya, waxaana ku jiray labo xildhibaan oo ay ka mid ahayd Aamina Maxamed.
Horraantii bishan, weerar lagu qaaday saldhig ay ciidamada Midowga Afrika ku leeyihiin deegaanka Ceel-baraf ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa ku dhintay tiro ciidamada Burundi ah. Wuxuu ahaa weerarkii ugu ba'naa ee ciidamada Midowga Afrika ee dalka ku sugan lagu qaado tan iyo sanadkii 2015.
Sidoo kale maalmod kahor doorashadii shalay, qof walxaha qarxa isku soo xiray ayaa isku qarxiyay bar kontarool oo laga hubiyo amniga garoonka Aden Cabdulle oo ku taalla Isgoyska KM4.
Qof goobjoog ah ayaa sheegay inuu arkay dhaawaca labo qof.
Xasan Sheekh iyo Al-Shabaab markii uu madaxweynaha ahaa?

Xigashada Sawirka, Reuters
Doorashadiisii 2012, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu ku soo aaday xilli dalku uu wajahayay amaan-darro ballaaran. Wuxuu dalku markaas ka baxay dowlad ku meel gaar ah isagoo galay marxalad cusub.
Waxaa kale oo uu ku soo aaday iyadoo sanad uun ay dalka joogeen ciidamada Kenya ka socday oo ballan-qaaday inay dowladda Soomaaliya ka caawiyaan sugidda amniga.
Arrimihii uu xilligaas ololaha ku galay Madaxweyne Xasan ayaa waxaa sidoo kale ka mid ahayd soo celinta amniga.
"Ugu horreyn waxaan wax ka qaban doonnaa arrinta amniga. Muhiimadda koowaad waa amniga iyo muhiimadda labaad iyo saddexaad," ayuu yiri madaxweynaha mar uu ka hadlayay qaraxii hoteel Jasiira lagula beegsaday.
Sanadkii 2014, Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir jaraa'id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dowladdiisa ay awooddeeda isugu geyn doonto hubinta sidii Al-Shabaab looga saari lahaa gobol walba oo dalka ka mid ah.
Wuxuu sidoo kale muddo 60 maalmood ah u qabtay Al-Shabaab inay isu soo dhiibaan.
Afartan iyo shantii maalmood ee ugu horreeyay muddadaas, dagaal-yahanno badan oo kooxda ka tirsan ayaa isu soo dhiigay dowladda.
Muddadaas uu madaxweynuhu u qabtay kooxda waxaa barbar socday howlgal ballaaran oo ciidamada Midowga Afrika oo xilligaas loo yaqaannay AMISOM ay ka wadeen guud ahaan dalka kaas oo ka dhan ahaa Al-Shabaab. Howlgalkaas ayaa loogu magac-daray Howlgalka Badweynta Hindiya.











